Sign in to follow this  
RedSea

Ethiopian troops murdered civilians in Muqdisho

Recommended Posts

RedSea   

[Meydadka Afar Ruux oo saaka laga helay Deegaanka Suuqa Xoolaha oo shalay ilaa xalay gelinkii hore ay ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah

Jimco, December 28, 2007(HOL): MeydadkaAfar ruux oo rayid ah ayaa waxaa saaka laga helay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa, halkaasi oo shalay ilaa xalay gelinkii dambe ay ku sugnaayeen.

 

Afarta meyd ee saaka laga helay deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa la sheegay in ay shalay toogteen ciidamada Itoobiyaanka xili lagu weeraray deegaanka Suuqa Xoolaha, iyadoo Afartaas ruuxna ay ahaayeen Dad degan Deegaanka Suuqa Xoolaha iyo Deegaannada u dhow, waxaana xusid mudan in meydadkaas ay ka muuqdeen rasaas iyo beynaad lagu dilay.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay in ay xalay gelinkii dambe ay isaga baxeen Deegaanka Suuqa Xoolaha iyagoo dib ugu laabtay Xarunta Warshaddii Baastada iyo Xeradii Maslax oo ay markii hore ka soo baxeen, iyadoo saaka ay deegaankaas ay si tartiib ah ugu soo noqonayeen dad shalay halkaas ka cararay.

 

Dhanka kalena, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xeradii Maslax ayaa waxay xireen Wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad, iyadoo taasina ay keentay in ay istaageen gaadiidkii rakaabka ahaa ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo weliba gaadiidkii caanaha keeni jiray.

 

Xirnaashaha Wadadaas ayaa waxay saameyn ku yeelatay dadka Muqdisho, gaar ahaan kuwo ku tiirsanaa Caanaha laga keeno Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay Degmada Balcad ka mid tahay, waxaana shalay iyo maanta la arkayaa Hooyooyin badan oo ka cabanaya caano la’aan la soo deristay Caruurtooda.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Itoobiyaanka oo maanta oo kale sanadkii hore soo galay magaalada Muqdisho iyagoo taangiyo wata ayaa todobaad kasta marka la gaaro maalinta Khamiista ah waxay yimaadaan Deegaanka Suuqa Xoolaha, waxayna dadka deegaankaas sheegeen in sababta ay halkaas u yimaadaan ay tahay iyagoo doonaya in ay gudubsadaan sahay uga imaaneysa qaar ka mid ah talisyada kale ee ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Mogadishu, Somalia

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Ciidamada Xukuumada Ethiopia Oo Dad Shacab ah Ku Laayey Deegaanka Suuqa Xoolaha

Warkii 28-Dec-2007 iyo Qormadii: yaasiin faytin

Deegaanka suuqa xoolaha ee magaalada muqdisho oo dhowaanahaba ay aafeeyeen dagaalo xoogan oo u dhexeeya ciidamada ethiopoanka iyo kuwa dowlada oo isku garab ah iyo xoogaga kasoo horjeeda ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaalo ku dhufoo ka dhaqaaq ah islamrkaana ciidamada ethiopianka oo isku faafiyey halkaasi ayaa saaka waxaa halkaasi lagu arkay meydadka dad rayid ah oo ay xasuuqeen ciidamada ethiopianka ah .

 

 

Meydadkan oo gaaraya ilaa iyo 3-qofood oo rayid ah ayaa la sheegay inay ciidamada ethiopianka oo shalay galab gaabkii oo isku faafiyey deegaanka degmada huriwaa ay dilalkan gaysteen ,sida uu saxaafada u xaqiijiyey mid kamida goob joogayaal ku go,doonsanaa deegaankaasi oo magaciisa codsaday inaan la shaacin .

 

Sidoo kale dad shacab ah oo lagu qiyaasay ilaa 200-oo qofood ayaa xalay ku go,doomay guryahoodii kadib markii ay ciidamada xukuumada ethiopia ay kala xireen xaafadaha deegaanka degmada huriwaa taasoo ay dadka qaarkiis u hoyadeen geedaha hoostooda islamrkaana ay qaarkood kala go,doomeen hooyooyin iyo caruurtoodii .

 

Dhinaca kaler Xaalada suuqa xoolaha ee degmada huriwaa ayaa saaka kusoo laabatay kadib markii ay ciidamada etjiopia iyo kuwa dowladu iskaga bexeen halkaasi .

 

Ciidamada Xukumada Ethiopia ee ku sugan magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa badanaaba gaysta xasuuq iyo dilal kala duwan kadib marka ay xoogaga kasoo horjeeda ay dagaalo kala hor yimaadaan islamrkaana ka aargoosta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan .

 

 

 

yaasiin faytin

 

***********

 

Hadii aan loo aarin miyaa loo ooyi??

 

Reminder: Never forget never forgive.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this