Xoogsade Posted May 18, 2008 Dharbaaxada Jilib ay Maxaakiimtu ku qabsadeen, yaa ku quusqaadanaya, Xaggeese ku xigi karta! Ciidamada illaahay dartiis u raran ee guryahoodii iyo reerahoodii uga haajirey iney Tigree iyo waxii la halmaala ayaa maanta gacan kulul ku qabtey Dabadhoonkii kusugnaa magaalada Jilib kadib markii dadweynaha deegaankaasi muddo kacodsadeen in maxaakiimtu ka badbaadiyaan ********ta. Digniino badan ciidamada Maxaakiimta garabkooda jubbooyinka ayaa hadhkoo cad(Xalaal Iftiin Baa La qashaa!) ku qaadey weerar dhawr gees ahaa isla markaana Afarta dhinac ALLAAHU AKBAR kaga dhawaaqey xeryihii ********ta dhibka umadda ku dharga kuna raaxeysta. Magaalada Jilib oo ah magaalo ku taalla gobolka Jubbada dhexe ayaa waxey ku taallaa meelaha ugu haboon jidka dheer ee isku xidha Kismaayo iyo Xamar. Arintan ayaa khalkhal iyo walbahaar ku noqoneysa maleeshiyaadka kusugan magaalada Kismaayo kuwaasoo iyagu baryahan danbe caadeystey iney dadka shacabka ah dhibaateeyaan. Mase sii socon doontaa? Dharbaaxadan oo ah middii labaad ee garabka Maxaakiimta Jubooyinku ku dhuftaan maleeshiyaadka wax booba, waxay cashir iyo caqli celin u tahay maleeshiyaad badan oo shacabka iyo masaakiinta ku dhiba safarada iyo magaalooyinka. Magaalada Kismaayo ayaa hadda u muuqata mid afarta dhinac ay ka joogaan ciidamada Maxaakiimtu iyadoo laga yaabo hadii maleeshiyaadku ay sii wadaan dhibka iyo cadaadiska shacabka in lagu waabariisto. KismaayoNews.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted May 18, 2008 looooooooooooooooooooooooooooooooooool @ "Ciidamada illaahay dartiis u raran". wale wax kaley uu raranyahin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xoogsade Posted May 18, 2008 Afsoomaaliga udaa ragga Kismaayonews wax kusoo qoro. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 18, 2008 Ciidamada Ilaahay dartiis u raran Ciidamada Eritrea darteed u raran Ciidamada Qabyaaladda u raran Ciidamada Xabashida darteed u raran Intaaasaa meesha ku hirdiyaysa ,,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted May 18, 2008 Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: Ciidamada Ilaahay dartiis u raran Ciidamada Eritrea darteed u raran Ciidamada Qabyaaladda u raran Ciidamada Xabashida darteed u raran Intaaasaa meesha ku hirdiyaysa ,,,,,,,,, Ciidamada Ilaahay dartiis u raran = Maxakinta Ciidamada Eritrea darteed u raran = lama shegin Ciidamada Qabyaaladda u raran = TFGda Ciidamada Xabashida darteed u raran = TFGda + Somaliland + Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 18, 2008 You've just missed the point ,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted May 18, 2008 Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: You've just missed the point ,,,,,, Did I? Take a good look in the mirror. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xoogsade Posted May 18, 2008 Juje paesano, good to see you around bro, halagu arko nooh saxib mar mar Take care bro. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xoogsade Posted May 18, 2008 Btw, Sheekada maanta soomaalida ku dhacday iyo qaab daridooda Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waqtigiisii way dhacday, gaaladoo laba daba ordo, ciidan oo loo noqdo, cadawgoo loo kala dhuunto, xataa xabashida qaar baa lasoo duuli jiray si qabiil colaad ka dhaxayso xoolaha looga dhaco. Below is some of what the sayid had said: Waa duni safkii laga baxoo; Gaal la saacidiye! Waa dunida saab ferenji iyo; Saaxil loo kiciye! Waa duni la saacidi kufriga; Saaxir kuu colehe! Waa duni sifaalaha la fali; Laga sujuudaaye! Waa duni sun loo shubi ninkii Kuu sadiiq noqone! Waa duni sirgaxanoo Iblays; Saababkaw rogaye! Allahayow subxaan qaadirow; Naga salaamayso! Gabayga waxaa la Dhahaa "Waa Duni" Quote Share this post Link to post Share on other sites