Jacaylbaro Posted November 17, 2007 Waxaa Saaka degmada Boocame ee gobolka Sool uga Furmay shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Isimada iyo wax garadka Gobolada sool Sanaag iyo Cayn kaasoo lagaga arinsanayo xalaada colaadeed ee goboladaas soo food saartay,shirkaas oo saaka ka furmay dugsiga farsamada gacanta ee Boocame. Waxaa Madasha shirka ku sugan Isimada Goboladaasi kor ku xusan oo ay weheliyaan in ka badan 50 masuull oo ka mida ah Maamulka Goboleedka Puntland, Inakastoo shirka boocame ku magacaaban yahay Shirwayne ugaara beelaha *********** ayaa hadana waxaa jooga isimo iyo masuuliyiin ka socda beelaha kale ee ***** gaar ahaan kuwa garoowe. Oo ay ka mid yihiin Suldaan Siciid Maxamad Garase, Islaan Ciise iyo Suldaan Subeyr Xaaji Maxamud, isimadaas oo furitaankii shirka ka sheegay inay soo dhowaynayaan wax alaale waxii ka soo baxa kulanka beelaha ***********.. Furitaankii Shirka maanta ayaa lagu sameeyey gudi ka kooban 9 xubnood, gudigaas oo shaqadoodu noqonayso soo diyaarinta ajandayaasha looga doodayo kulanwaynaha taariikhiga ah ee beesha *********** , Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka hadlay furitaanka shirka beesha *********** ayaa sheegay in shirkan ay ka soo baxayaan go’aano u horseeda bulashada *********** midnimo iyo hor’umar ay ku sameeyaan dhulkooda.. Dhinaca kale Shirka beesha *********** saaka uga furmay boocame oo ah shirwayne ay beeshu kaga tashaynayo aayaheeda siyaasadeed iyo tan nabadgelyaba ayaa ku noqotay waxay aad uga argagaxaan maamulada Puntland iyo Somaliland , Maamulka lamagac baxay Somaliland ayaa hada ka bilaabay magaalada laascaanood dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan inay ku fashiliyaan shirka boocame kaas oo ay Somaliland u aragto in aanay dan ugu jirin, sidoo kale Somaliland ayaa isku dayday inay shirka boocame u dirto dad siyaasad ahaan taageersan taas oo aan ilaa hada suura galin.. Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa iyadu ku guulaysatay inay rag udirsato shirka beesha *********** wallow isimada beesha ee ku sugan boocame ay dhamaantood taageeraan siyaasada puntland , Puntland ayaa la qabtay Somaliland walaaca ah in shirka boocame ay ka soo bixi karto waxay beesha *********** ku midaysantahay taas oo aan dani ugu jirin maamulka Puntland .. Sidoo kale madaxwaynaha Puntland Gen: Cadde muuse xirsi ayaa khadka telefonka kaga qaybgalay furitaankii shirka ee maanta , shicibwaynaha gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ayaa isweydiinaya hadiii shirku yahay shir beeleed waa maxay sababta keentay Hogaamiyaasha Maamulada qaar iyo madax dhaqameedyada Gobolka Nugaal iyo Bari.iydoo aad loo hadal hayo ujeedada ay shirka u fadhiyaan iyo saamaynta ay ku lyeelan karaan. Axmed Cabdi Laahi Afnugaal.com Laascaanood Quote Share this post Link to post Share on other sites