Cowke Posted February 27, 2010 Ururka SYSA oo Waxbarasho u fidiyey 1200 oo IDP ah kuna dhaqan Garowe Ururka wadanaiga ah ee marka Magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan SYSA ayaa markii ugu horaysay waxaa ay waxbarashado u fidiyen in kabadan kun qof oo ku jira xeryaha qaxootiga ee ku yaal magaalada Garowe, iyagoo gacan ka helay dhanka Mushahaar siinta Macalimiinta Hayadda Hormarinta waxbarashad ee EDC halka ay Ururkuna ay iyaguna ay gacan ka gaystaan agab yada kale ee iskuulaadku u bahan yahay waxaana ay wax ku bartaan qaab radiyaha wax looga gudbiyo Dadkaan ay wax barayaan ururkaani ayaa waxaa dadooda lagu sheegay 12ilaa 6 sano jir kaamaka ay wax ka baraana waxaa kamida Kaamka Shabelle. Barwaaqo, ******** Siliga iyo Kaamka Riigaoo dhamaantood ku yaala Garowe Caduur Aadan Caduur oo aan maanta kula kulanay Mid kamida kaamamka ay waxbarashada u fidiyeeb ayaa noo sheegay in ururku uu hada wax baraan 1200 oo arday kadib markii ay gacan ka heleen hayadda EDC, Caduur waxaa sidoo kale uu ii sheegay in qof walba si dhakhso ah ay wax ku baranayaa loona isticmaalayo Radiyaal, isla markaasna ay sii balaarin doonaan marka laga yimaado Ururka SYSA oo Gacanta waxbarasho siiyay dad u baahnaa ayaa waxaa ay dadkaani horay u haysan waxbarasho ay ilmahooda gaystaan kuwaas oo ahaa Muruqmaal aan kana shaqaysan jiray shaqooyin ay ka mid yihiin Baalashka gabdha Dhaqida Gawaarida iyo wax la mid ah balse hada waxaa ay u muuqataa kuwa ka baxay jahligii oo ay u jeesteen waxbarasho, inta badan dadka qaxootiga ah waxaa la soo darsi jirtay waxbarasho lacag ah oo aan waalidiinta dhalay ilamaha aan awoodin in ay geeyaan iskuulaadka dhanka dhaqaalaha awgiis balse taasi waa mid meesha ka baxday kadib markii ay heleen waxbarasho lacag laaan ah. C/naasir Naasiin Salaad SBC International- Monitoring Quote Share this post Link to post Share on other sites