Jacaylbaro Posted December 23, 2009 Magaalada Gaacalka ee xarunta G/Mudug ayaa sheegaya in saaka indhaha lagu kala qaaday dagaal Culus, oo u dhexeeyay Ciidamada Pl iyo Galmug, dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhasha ka dib markii la dilay Hal Askari oo ka tirsan Ciidamda cashuuraha ee Dawlada Hoose kaasi oo Maydkiisa la helay. Ciidamo xoogan oo dhanka PL ka socda ayaa weeraray Fadhiisimiha Ciidamada Galmug ee Koonfurta Gaalkacayo, Lama sheegin wali khasaaraha hase yeeshee ilo wareed ayaa sheegaya inuu dagaalkaasi yahay mid Culus oo Jilibka laysu Laabay. Gurmad Xoogan ayaa la sheegay in laga diray Garoowe oo uu haatan ku suganyahay Dr Faroolaha Puntland Hogaamiya kaasi oo la sheegay inuu wacad ku Maray in layska Caabiyo xoogaga Galmudug. Quote Share this post Link to post Share on other sites
UZTAAD Posted December 23, 2009 beeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeen Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted December 23, 2009 Loooool @ Indhaha lagu kala qaaday Dagaal Culus JB, be careful of what you wish for your fellow Somalis, the blood and Somali conflict may erupt anywhere, enough Somali blood is spilled, no more please... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Samafal Posted December 23, 2009 Hopefully it will come to nothing Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 23, 2009 I bet my money on galmudug. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 24, 2009 Originally posted by UZTAAD: beeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeen Does that mean you don't like the news ?? ,,,,, it is not been adeer. and yes, it is only news ,,,, the same thing you report when Alshabab does something or TFG gets slapped ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 24, 2009 Rabshado ka dhashay dil loo geystay askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland oo maanta ka dhacay waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Rabashado la sheegay in ay ka dhasheen dil loo geystay askari ka tirsan Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu waraamayaa in ay maanta ka dhaceen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug. Rabshadahaani ayaa yimid kadib markii askari ka tirsanaa Maamulka Puntland meel dheer laga toogtay xili uu marayay suuqa Bartahamaha ee Magaalada Gaalkacyo iyadoo xiligaasi kadibna rabshado rasaas wata ay ka bilowdeen Suuqa Bartamaha ee Magaalada Gaalkacyo. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cida rabshadaasy ay u dhaxeyso waxaana warar aan la isku haleyn Karin ay sheegayan in Israsaaseyn ay dhexmartay ciidamada Puntland iyo qaar ka mid ah ganacsatada Suuqaasi kuwaasi oo mudo halkaasi isku rasaaseynayay. Rabshadaha maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa inta la ogyahay ku geeriyooday askari ka tirsan ciidamada Puntlnad oo la sheegay in rabshado ay ka bilaabatay iyo sedax kale oo rayid ah,waxaana la sheegayaa in dhawaaco intaasi uu ka badanbyahay. Si kastabaha ha ahaatee Xaaladda goobta uu falkaasi ka dhacay ayaa waxaa ay tahay mid Xasiloon iyadoo marar qaar ka maqlayo dhawaqa rasaas teel teel ah oo aan la aqoon cida rideysa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 24, 2009 Xaaladda Magaalada Gaalkacyo oo saakay degan kadib dagaalo goos goos ah oo ilaa iyo shalay ka dhacayay bartamaha Magaaladaasi Waxaa saakay degan Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug oo ilaa iyo xalay ay ka dhacayeen dagaalo goos goos ah oo sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Xaalad deganaan ah ayaa saakay laga dareemayaa Suuqa Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug kaidb markii halkaasi shalay ay ka dhaceen dagaalo geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac kuwaais oo ka bilowday kadib markii askari ka tirsanaa ciidamada Puntland halkaasi lagu toogtay. Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadyada halkaasi ay ka dhacayeen ilaa xalay kuwaasi oo la sheegayo in ay u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Ganacsatada suuqaa wallow warar kale ay sheegayana in ciidamada Maamulka Koofurta ay dagaalka ku jiraan. Israsaaseyntii xalay ka dhacday Suuqa Bartahamaha ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen ilaa sedax ruux oo rayid ah kuwaasi oo dhamaantood rasaasi ay xaafadaha ku haleeshay. Labada dhinac ee isdagaalay ayaa waxaa la sheegayaa in ay wali isku horfadhiyaan gudaha Suuqa Bartamha Magaalada Gaalkacyo iyadoo ilaa iyo hadda aysna jirin cid dhex gashay labadaasi dhinac si xaaladda loo qaboojiyo. Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Puntland C/raxmaan Xaaji Max’uud oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in fowdada halkaasi ka dhacday ay horsed u ahaayeen ciidamada koofurta Magaalada Gaalkacyo sida uu hadalka u dhigay. Quote Share this post Link to post Share on other sites