Cowke Posted July 11, 2010 Ganacsatada Puntland oo Kulan uga Furmay Xarunta Jaamacadda Bariga Afrika (Garowe) RBC: Waxaa maanta ka furmay xarunta Jaamacadda Bariga Afrika kulan socon doona muda afar cesho ah kaa oo ay ka soo qayb galeen xubna ka socda Shirakaadaka Ganacsiga Puntland ka howlgala . Shirkaa ayaa waxaa martigaliyay Jaamacadda Bariga Africa waxaana looga doodi doonaa mudada u soocodo sidii loo samayn lahaa maalagashi iyo diinta islaamka waxa ay ka qabto in maalagashi la sameeyo. Kulankaa oo qaar ka mid ah Saxafiyiinta ka howgasha Magaalada Garowe ka qaybgalin ayaa waxaa furay Maamulaha Jaamacadda Bariga Africa Shikh Maxamuud Xaaji yuusuf waxuuna sheegay in kulan kaa uu socon doono muda afar cesho ah. Xubnaha ka soo qaybgaay ayaa la filayaa in go,aamo ay ka soo saari doonaan sida saraakiil Jaamacada ka tirsan oo aan xariiro la samaynay noo sheegeen waxaana kulan kaa la filayaa in xooga lugu saaro qaabka ganacsi loo abuuri karo. Ma jirto faah faahin intaas dheer oo aan ka hayan kulan kaa maanta u furmay xubnahaa ka socda shirkadaha ganacatada Puntland ka howgala oo iskugi jira qayabaha kaa duwan ee gancsatada Arintaan ayaa ah mid iminka ku cusub Puntland hasayaeshee hadii aay hirgasho ayaa waxa ay suuragal ka dhigaysaa in dhalain badan oo iminka shaqa hayan ay helaan shaqooyin taa oo fursad u siin karta in nolashooda ku dabaraan. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 11, 2010 Wasiirka Ganacsiga Puntland Oo Furay Tababar Loo Qabanaayo Ganacsato (Sawiro) July 11, 2010 Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Puntland Xassan Faarax Jaamac ayaa maanta furay tababar ku sabsan ganacsiga iyo maalgashiga kasoo soconaaya mudo saddex maalmood. Tababarkaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay jaamacada Bariga Africa xarunteeda magaalada Garoowe,waxaana gacan ka siisay jaamacada Bariga Africa Hay’adda Manhal. Waxaana furitaanka tababarkaan kasoo qaybgalay Wasiirka ganacsiga Puntland,Duqa degmada Garoowe,maamulka jaamacada iyo masuuliyin kale. Tababarkaan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha jaamacada Bariga Afrika Sheikh Maxamuud oo ka warbixiyay waxaa uu ku saabsan yahay tababarka ay u qabteen ganacsatada,waxaana uu sheegay in tababarkaan uu yahay mid ay jaamacad bariga afrika ay ugu tala gashay in ay ka faa’idaystaan ganacsatada iyadoo ganacsatada lagu baraayo qaabka wax loo maalgashto. Duqa degmada Garoowe Md. C/casiis Nuur Cilmi iyo Dr Maxamed ayaa iyana goobtaa ka hadlay kuwasoo tilmaamay inuu yahay tababarkaan mid muhiim ah oo loo baahan yahay si ganacsigu uu u noqdo mid xor ah oo ay dadka oo dhan ka faa’idaystaan. Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Xassan Faarax Jaamac oo si rasmi ah u furay tababarkaan ayaa sheegay inuu mar uga mahadcelinaayo jaamacada Bariga Africa tababarkaan ay ganacsatada maanta u soo qaban qaabisay kasoo loogu tala galay mudada uu socdo in ganacsatada lagu faham siiyo qaab maalgashiga loo sameeyo. Wuxuu intaa ku daray in aysan hada ganacsatada Puntland aysan lahayn warshado sidaas oo ay ku wareegaan oo kaliya isgaarsiinta iyo xawaalada loona baahan yahay in warshado la sameeyo si loo helo waxa uun uu wadankeena uu soo saaro,wuxuuna ganacsatada ku booriyey in waxaa ay bartaan ay u gudbiyaan kuwa kale. Tababarkaan ay soo qaban qaabisay jaamacada Bariga Afrika ayaa waxaa lagu qabtay xarunta jaamacada Bariga Afrika ee magaalada Garoowe. Maxamed Saciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe-Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites