Sign in to follow this  
General Duke

Amin Ammir reply to Courts curse. lol..

Recommended Posts

AMIIN CAAMIR WAAN U DUCEYNEY iyo Jawaabtii amiin Caamir W/Q:Cabdiraxman Xariri

Posted to the MOL October 1, 2006, 8:29 am

 

 

Markasta oo isbedel dhaco oo wax hore u jiri jiey meesh ka baxaan waxaa dadka isbedelkaasi khuseeyaa u kala baxaan sade nooc:-

 

Guul-wade : Qof indho la’aan ku taageeraa isbedelkaan oo sax iyo khaladba ku raaca oo aan doonayn inuu maqlo ama yiraaho wax wanaag ah mooyee wax kale oo ku saabsan arinkaa soo kordhaay

 

Dib u Socod : Qof aan wax wanaag ahba aan u ogolaan wixii soo kordhay una arka in isbedelka yimi isaga inuu khatar ku yahay iskuna daya inu af iyo adin, run iyo been wuxuu uu kari karaba ku horistaago waxa soconaya

 

Muraayad : Qofka sadexaad waa qofka wanaaga guud jecel ee doonaya in wanaaga iyo xumaantaba la sheego wixii goldaloolooyin ahna lagu saxo si nabad ah waana qofka ugu muhiimsan sadexdaas, waxaana loogu magac daray muraayda la isku eego ee ku tusaysa sidaad hadba u egtahay.

 

Hadaba Amin Camir oo aa inta badan soomaalidu isku raacsan tahay inuu yahay nin soomali ah oo nadiif ah oo dalkiisa iyo dadkiisaba wanaag la jecel iyadoo u ku guulaystay inuu noqdo “Man of the year†cod bixin ay samaysay Hiiraan online ayaan marnaba la filayn weerarka iyo habaarka ka soo yeeray ninkii aan is lahaa waa ugu dul-qaad iyo wanaag jecelyahay maxkamadaha, Sh. Shariif Sh. Axmed.

 

Weerarkan lagu qaaday fanaanka Amin Camir waxuu muujinayaa cabudhinta iyo jujuubka ay la damacsanyihiin maxkamaduhu shacabka soomaaliyeed oo waxa keliya ee ay ka faaideen dagaalkii sokeeya ay ahayd xoriyad.

 

Hadalkii shariifka ee shalay wuxuu I xasuusiyey dhacdo dhex martay laba Masuul oo carbeed oo shiraya ayaa isu xanaaqay oo isu gacan qaaday markii la kala qabtay ayaa la waydiiyey nin weriye ah oo goobta joogey sidee u aragta falkaa dhex maray labada mas’uul wuxuuna yiri “Waxaan la yaabanahay nimanka iyagoo madax ah oo siman oo shiraya oo television laga daawanayo isu dulqaadan waayey miyaa ummad dhan oo kala nooc nooc ah u dulqaadan kara oo xukumi kara!!. Hadaba Shariifka oo aan ka filayney inuu 9 milyan oo Soomaali ah uu mid waliba wuxuu doonayo yiraahdo oo siduu doonayo ra’yigiisa u cabiro uu maamulo oo ku ixtiraamo ra’yigiisa ayaa ka muraaradilaacay sawir gacmeed uu sameeyey nin Soomaalinimadiisa iyo Wadani nimadiisaba lagu kalsoon yahay…. Waa nasiib daro...ku biirtay khaladaadkii hore ee maxkamadaha

 

 

Walaahu Aclam

 

 

Cabdiraxman Xariri

xariri@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this