Sign in to follow this  
Gabbal

The capture of Kismaayo; the causes as well as repercussions.

Recommended Posts

Gabbal   

Faallo:Natiijooyin Aysan Ku Faraxsanayn Maxkamadaha Midoobay Oo Ka Dhashay Duulaankii Kismaayo, Wal-wal Iyo Walaac Amni Oo Soo Wajahay Maxaakimta Soomaaliya Iyo Dagaallo Qaran Oo Laga Cabsi Qabo Inay Qarxaan

 

Oct 14,2006

 

by Garbahaarey-Gedo-NN

 

Midawga maxaakimta ee la wareegay magaalada Moqdisho 04/04/2006 ayaa laga soo bilaabo xiligaas waxay ku tilaabo-qaadayeen olole siyaasadeed oo ay ku doonayaan dhul-ballaarsi, xukun-baahin iyo hanashada gud ahaan geyiga Soomaaliya iyaga oo adeegsanayo dadaallo siyaasadeed, duulaan ciidan iyo dacaayad saxaafadeed.

 

Maalmo yar ka dib markii ay qabsadeen magaalada Moqdisho ayaa waxay la wareegeen magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/dhexe, kadibna waxay u daadageen gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya iyaga oo dacalka saaray gobalada uu ka taliyo maamul-gobaleed-ka Puntland.

 

Sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen maamulka G/Hiiraan, halka ay horayba u hanteen taageerada maamulka gobalka S/hoose, waxayna jeeniga la galeen qaybo ka mid ah deegaamada maamulka Bay, halkaas oo fariisin u ah DFKMG ah ee Somaalaiya.

 

Intaa ka dib, waxaa soo if-baxay hadal-haynta gobalada Juboyinka iyo in ay maxaakimtu maanka ku hayaan gacan-kudhigidda maamulada gobaladaasi iyaga oo ka anbaqaadayo hankooda siyaasadeed ee ku aadan hanashada gobalada koofureed ee dalka Soomaaliya.

 

Hase ahaatee waxaa jiray wal-wal iyo labo-labayn aan qarsoonayn oo ka jirtay gudaha maxaakimta taasoo ku aadanayd saxnimada dulaanka Kismaayo iyo natiijooyinka uu la imaan karo. Waxaana in muddo ah ka dhex taagnaa gudaha masuuliinta sar sare ee maxaakimta iyo dad-ka u dhun-duleela amaba ka agdhow labo fikradood oo kala duwan:

 

Fikrad dhiira-galinaysay duulaanka Kismaayo iyo in ay maxaakimtu xoog kula wareegaan maamulada Jubooyinka, iyo fikrad kale oo ku talinaysay in aan lagu dag-dagin weerarka Kismaayo, lana muujiyo daganaan iyo ka fiirsi iyada oo badalkii dagaalka la adeegsanayo dadaallo dublamaasiyadeed, hannaan xasiloon, iyo habab furfuran oo lagu kasbanayo kalsoonida xubnaha sar sare ee isbahaysigii Dooxada Jubba ee uu horkacayay wasiirka gaashaan dhiga ee DFKMG ah ee Soomaaliya Col. Barre Aadan Shire ( Hiiraale)

 

Arrimaha gun-dhiga u ahaa fikradda duulaankii Kismaayo

 

Xubnaha ka tirsan maxaakimta ee ku taliyay in dagaallo hubaysan lagu qaado gobalada Jubooyinka isla markaana xoog lagula wareego maamulka magaalada Kismaayo ayaa waxaa fikradooda gun-dhig u ahaa qodobadan hoos ku xusan:

 

1.Muhiimadda gobalada Jubooyinka iyo sumcadda siyaasadeed ee ay ku fadhido magaalada Kismaayo oo ah caasimada saddexaad ee dalka Soomaaliya isla markaana ah goob istaraatiiji ah xag dhaqaal, xag milatari iyo xag juqraafi

 

2.Ka hortaga ciidamo lagu magacaabay IGADSOM oo ka socda dalalka IGAD oo ay dalbatay DFKMG ah oo ay maxaakimtu sheegeen in ay ka soo dagayaan magaalada Kismaayo.

 

3.Gudoomiyaha Isbahaysigii Dooxada Jubba Xildhibaan Barre Hiiraale oo ay u arkeen hoogaamiye kooxeed la mid ah qab-qablayaashii laga eryay magaalada Moqdisho

 

4.Dhiira-galin ay ka heleen kala qaybsanaanta-ka iyo ismaan-dhaafka soo kala dhex galay masuuliinta sar sare ee IDJ iyada oo qaybo ka mid ah masuuliintaasi ay u gacan haadinayeen Maxkamadaha Midoobay iyo taageerro shacab oo ay maxaakimtu ka filiyeen shacabka ku dhaqan gobalada Jubooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo .

 

Qodobada Saldhiga u ahaa fikradii diidanayd weerarka Kismaayo

 

Shakhsiyaad ka mid ah golaha sare ee Shuurada iyo xubno kale oo ka tirsan golaha fulinta ee maxaakimta ayaa sida la caddeeyay ka soo horjeedsaday in guluf colaadeed lagu qaado gobalada Jubooyinka iyaga oo ku taliyay in wada-xaajoodyo joogta ah lala billaabo masuuliinta ugu sar sarrayso ee Isbahaysiga Dooxada Jubba, waxayna masuuliintaasi meesha ka saareen in aan marna cudud ciidan loo adeegsan gobalada Jubooyinka, waxana fikradaasi saldhig u ahaa qodobadan:

 

1.Ilaalinta wadahadalada nabadeed iyo waan-waanta u socoto maxaakimta iyo Dawlada Soomaaliya iyo ka fogaanshaha tillaabo kaste oo wax u dhimo karto heshiisyadii horudhaca ahaa ee ay ay dalka Sudan ku kala saxiixdeen labada dhinac.

 

2.Gudoomiyahii Isbahaysigii Doxada Jubba Barre Hiiraale oo loo arkayay nin aan sidaasi uga fogayn Maxkamadaha Midoobay, sababtoo ah:

 

• Barre waxuu maxaakimta gacan ka siiyay dagaaladii ba’naa ee ay la galeen hogaamiyo-kooxeedyadii Muqdisho ee laga adkaaday, waxuna Isbahaysigii uu hogaaminayay maxaakimta ugu deeqay saanad iyo ciidan.

 

•Waxuu muddo dheer daris-wanaag lalahaa Sh. Xassan Turki iyo malaysiyaadka daacadda u ah oo fariisimo ciidan ku lahaa deegaanka Kudhaa, waxana la ogyahay in uu Barre Hiiraale marar badan ku gacan-sayray isku dayo badan oo uu Maraykan-ku ku damcay in Isbahsiga Dooxada Jubba uu xididada u siibo malaysiyaad-ka Xassan Turki, iyada oo uu maraykanku Barre u ballan-qaaday boqollaal kun oo doolar.

 

• Barre Hiiraale waxuu ishortaagay in ciidamo shisheeye la keeno dalka Soomaaliya isaga oo ah mid ka mid ah wasiirada ugu muhiimsan ee DFKMG ah ee iyadu saxiixday soogalitaan-ka ciidamada IGAD ee dalka Soomaaliya, waxuna Barre shaaciyay in laga fursan karo ciidamadaasi, arrinkaasina waxuu si weyn u taageeray aragtida maxaakimta.

 

• Barre waxaa lagu tiriyaa hogaamiyo-kooxeed aan abadkii xariir saaxiibtinimo iyo mid siyaasadeedba la yeelanin dawlada Ithiopia oo marar badan isku dayday in ay calaaqaad siyaasadeed la saxiixato 7-dii sano ee uu ka talinayay magaalada Kismaayo, sida hogaamiyo kooxeedyada kale ee Soomaaliya oo lagu yaqaano in ay jaan-goynta siyaasadahooda kala tashadaan dawladda Ithiopia amaba ay majaraha u hayso.

 

3. xubnaha maxaakimta iyo dadka kale ee ka soo horjeeday duulaanka Kismaayo ayaa qabay in aan loo tillaabin magaalada Kismaayo oo 500 km u jirto Muqdisho iyada oo ayna si rasmi ah maxaakimtu ula wareegin maamulka magaalada Marko ee S/Hoose oo Moqdisho u jirto 90 km oo uu muddo durugsan ka talinayay mid ka mid ah hogaamiyo-kooxeedyada ugu tacaddiga badan dalka Soomaaliya, waxana garab-marka maamulka Yuusuf Indha-cadde loo arkayay in uu wax weyn u dhimayo muuqaal-ka siyaasadeed ee maxaakimta, soona jiidi doono canbaarayn iyo daleecayn maxaakimta kaga timaado dhinaca shacab-ka Soomaaliyeed, arrinkaa oo markii danbana sidaas u dhacay iyada oo ay dad badan u fasirteen duulaanka maxaakimta mid ku salaysan halgan qabiil.

 

4. arrinta kale ee la aaminsanaa ayaa waxay ahayd in ay haboonayd in ay maxaakimtu maamullo buuxo u dhisaan oo ay si haboon u agaasimaan aagaga ay sida rasmiga ah uga taliyaan ee ay ka mid tahay magaalada Moqdisho ka hor inta aan laga fikirin dhul-ballaarsi iyo qabsashada aagag xasiloon oo aysan ka jirin mashaqo siyaasadeed iyo mid amni oo deg deg ah, waxayna arrintaasi soo jiidan lahayd dareenka shacabka ku dhaqan goobaha ayna maxaakimtu gaarin.

 

5. Maadaama oo aysan maxaakimtu haysan awood ciidan oo sida larabo ugu filan difaaca gobalada koofureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya, ayaa waxay ku taliyeen xubno ka mid ah golaha maxaakimta in weerarka Kismaayo uu kala dhantaali karo awooda malaysiyaad-ka maxaakimta oo uu maxaakimta ku furi doono aagag ballaaran iyo bar-difaaceedyo si aad ah u kala fog.

 

Sida uu u dhacay duulaanka Kismaayo iyo jawaabta ay maxaakimtu kala kulmeen shacabka Kismaayo.

 

In kaste oo la sheegayo in aysan masuuliinta sar sare ee maxaakimtu u dhamayn go’aankii lagu qabsaday Kismaayo oo ay tahay umuur ay ku tala-xumaysteen koox lagu magacaabo AL-SHABAAB oo ka tirsan malaysiyaad-ka maxaakimta oo ay hogaaminayaan Aadan Cayrow iyo Xassan Turki iyada oo sida la sheegay ay duulaankaas ka qayb-qaateen ciidamo ajnabi ah oo ugu yaraan gaarayo 61 askari ayaa haddana duulaankaasi wuxuu u dhacay sidii go’aan ay u dhanyihiin masuuliinta labada gole ee maxaakimta.

 

Waxuuna gudaamiyaha golaha fulinta ee maxaakimta si weyn u difaacay duulaanka malaysiyaadka maxaakimta ay ku qaadeen magaalada Kismaayo isaga oo ugu qiil-bixiyay in uu duulaankaasi ahaa mid ku salaysnaa rabitaanka shacabka gobalada Jubooyinka.

 

Hase ahaatee jawaabta lagala kulmay inta badan shacab-ka Kismaayo ayaa noqotay mid si weyn uga duwan middii ay maxaakimtu ka filayeen dad-weynaha Kismaayo iyada oo ay malysiyaadka maxaakimtu la kulmeen macaaradad weyn iyo diido ba’an oo kaga tmid dhinaca dadweynaha Kismaayo.

 

Waxaana xaaladda sii murjiyay falal gurracan iyo go’aamo ay qaateen masuuliinta maxaakimta ee qabsaday Kismaayo, go’aamadaas oo horseeday banaan-baxyo shacab iyo mudaharaadyo isdaba-joog ah waxana go’aamadaasi ka mis ah:

 

1. Hubka ka dhigis ay damceen in ay ku sameeyaan dadweynaha magaalada iyo kooxo malaysiyaad ah oo aan la jaan-qaadin Barre Hiiraale oo isaga baxay magaalada ka hor inta aysan maxaakimtu qabsan, waxayna kooxahaasi door bidayeen in ay maxaakimta ku biiraan iyaga oo hubkooda sito sida malaysiyaadkii Muqdisho.

 

2. Joojinta ka ganacsiga Qaad-ka ee gudaha magaalada Kismaayo, halka ay maxaakimtu fasaxeen ka ganacsiga qaadka ee deegaamada kale ee ay ka taliyaan iyaga oo canshuur ku soo rogay ganacsatada Qaadka ee aagagaasi kale.

 

3. Xir-xiridda shacabka, iyo jir-dil la sheegay in loo gaystay dad badan oo ay ku jiraan dumar, dhalin yaro iyo dad da’ ah ku waasoo lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen abaaulka mudaharaadyara ka dhan-ka ah maxaakimta.

 

4.Caburinta saxaafadda iyo xiritaanka idaacadii Horn Afrik ee Kismaayo iyo iyada oo ay xabsiga u taxaabeen wariyayaashii ka hawlgalayay magaalada Kismaayo.

 

5.Gubitaankii Calan-ka Soomaaliyeed oo ka mid ah astaamaha qaran iyo sumadaha dalka ee ku fadhiyo sumcada iyo sarraynta.

 

6.Yagleelidda maamul aan ka farxinin in badan oo ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ama gobalada Jubooyinka.

 

Isku darka umuurahaas iyo kuwo kale oo la mid ah ayaa waxay soo dadajiyeen ismaan-dhaaf dhexmeeray bulshada Kismaayo iyo maxaakimta, waxayna arrintaasi sababtay in ay magaalada Kismaayo isaga huleelaan boqollaal isugu jiro malaysiyaad hubaysan iyo shacab gadoodsan ayada oo haatan la ogyahay in boqollaal malaysiyaad ah ay isku aruursanayaan oo ay difaac ka xirteen deegaanka Beer-xaani oo 60 km koofur-galbeed kaga began magaalada Kismaayo.

 

Waxayna malaysiyaadkaasi u diyaar-garoobayaan in ay ka qayb-qaataan weerar kaste oo ka dhan ah maxaakimta iyaga oo taageero joogta ah ka helayo Wasiirka Gaashaan dhiga ee DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

Su’aal Muhiim ah

 

Midowga maxaakimtu waxaa lagu yaqaanay in ay maxkamad Islaami ah si dhaqsa ah kaga dhawaaqaan degmo kaste oo ay qabsadan, hadaba maxaa ka hor istaagay in ay maxakamad kaga dhawaaqaan magaalada Kismaayo??

 

Natiijooyinka aysan maxaakimtu ku faraxsanayn ee ka dhashay dhul-ballaarsiga maxkamadaha iyo qabshashada Kismaayo

 

Sida ay tibaaxayaan dadka isha ku hayo dhul-ballaarsiga iyo dhaqdhaqaaqyada maxaakimta iyo saamaynta ay aarrintaasi ku yeelatay dawlada Ku meel gaarka ah iyo dalalka dariska ah, waxaa xukun-ballaarsiga iyo duulaamada maxaakimta ka dhashay qodobadan soo socda:

 

1. Wada xaajoodyadii nabadda ee u socday MMI iyo DFKMG ah ee Soomaaliya oo curyaamay amaba bur-buray, sida ay shaaciyeen masuuliin sar sare oo ka tirsan Dawlada Soomaaliya.

 

2.Xariirkii gaabiska ahaa ee u dhaxeeyay Barre Hiiraale iyo Maxaakimta oo meesha ka baxay, taageero xoogan oo uu Barre ka kasbaday shacabka G/Gedo iyo bulshooyin kale, dawlada Soomaaliya oo si hagar la’aan ah u taageertay, iyo isaga oo haatan ku guda jiro sidii uu guluf colaadeed oo xoogan ugu qaadi lahaa gobalada Jubooyinka, halka maxaakimtu ay ku caddibanyihiin difaac culus iyo heegan joogta ah.

 

3.Kumannaan ciidamo ajnabi ah oo ku hubaysan baabuurta gaashaaman ee dagaalka oo soo buux-dhaafiyay qaybo ka mid ah gobalada Soomaaliya, lana xaqiijiyay in ay qurshaynayaan sidii ay guluf colaadeed ugu qaadi lahaayeen aagaga ay ka taliyaan maxaakimtu min cirif ilaa cirifka kale, waxana laga cabsi qabaa in ay qarxaan dagaalo heer qaran ah oo aanan horay loo arag.

 

Hadaba aqristaha sharafta lahow, ma yihiin natiijooyinkaan kuwo lagu farxo? Ma u muuqdaa dhul-ballaarsiga maxaakimtu mid ku salaysan sal-fudayd iyo ka fiirsi la’aan? Ma u aragtaa oo maka wal-walsantahay in uu fashil ku dhamaado isbadalkii Muqdisho ee ay markii hore aduunyadu u riyaaqday? .

 

Mase kula tahay in uu sababsanayo go’aamada aan laga baaraan dagin ee golaha maxaakimta? Ma haysaa fursad ama ra’yi lagu baajin karo dagaalka musiibada ah ee laga cabsi qabo? Haduuse dagaalkaasi qarxo maxaad u filaysaa aayaha dalka Soomaaliya ee 16-ka sano ku jiray dagaalada sokeeye?

 

 

Axmed Maxamed Caafi (Gaaruf),

Somali Writer,

Caarif114@hotmail.com,

Gaaruf2@yahoo.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^War Abtiyow sidee wax kaa noqdeen, ma sidaas baa abti iigu aheyd, inaad fitno ka shaqeysid. Mise waxaad rabtaa in hadhoow la igu dacaayadeeyo oo la i yiraahdo Abtigiis ayaa dagaal ooge ah oo Kismaayo raba inuu dhiig ku daadsho?

 

cajjib

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Oo hanjabaddii iyo dagaal faraha looga gubtoaan soo wadnaa MA IS-BIXIN WEYDAY arrintii ma waxay isugu soo biyo shubatay BEERLAXAWSI iyo NIN FIICAN AH OO DAACAD AH OON ETHIOPIA WALIGIIS RAACIN baan ahaan jiray iwm :D .

 

Qoruhu wax cusub inooma sheegine aaway Gulufkii iyo dagaalyahan baan waligey ahaan jiray oo waa la igu yaqaanay iwm?

 

 

Qoraagu, dhinaca kale, Barre waa la taliyay waayo wuxuu yiri waxaa soo baxay:

 

taageero xoogan oo uu Barre ka kasbaday shacabka G/Gedo

Haddee Barre waa inuusan DOQON noqon ee uu taageeradaaas ka faaiideystaa oo Guddomiyaha gobolka GEDO ciriirsadaa inta uu taageeradaas haysto oo MAXKAMADUHU aysan meesha soo gaarin, waayo nimankaasi aniga niman fariisanaya iilama eka.

 

War miyeysan sidaa idiin la muuqan?

qof taageeradii dadkiisa haysta wuxuu raadiyaa soow gardarro ma aha?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ Qof taageerada dadkiisa heesta deegaankiisana jooga wuxuu raadinaya waa faruuroow maxaa berbera ku geeyay dee waa faduul!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

War NUUNE saaxiibow ma ila aragtay?

 

Maxaa ninka wada?

 

anigu waxaan ka baqayaa taageeradaas yarta ah ee uu hadda haysto inuu waayo ama xaaladdu si kale isu beddesho oo ay meeshaas uga jajabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

HA, Saaxiiboow ninkii soo joogso laga waayo soo jiifsaa laga helaa.

 

Marka anigu BARRE ayaan talo siinayay waayo fursadda uu hadda haysto waligiis ma helin mana heli doono ee haddaad la-taliayayaashiisa ka mid tahay taladayda u gudbi FADLAN.

 

Haddii klae saaxibadiisa hoose ayuu ku biirayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this