Sign in to follow this  
General Duke

Laas Canood: militia defects from Somaliland after defeat

Recommended Posts

Ciidamo ka soo goostey Somaliland oo ku soo biirey Puntland

 

Ilaa iyo 55 ka mid ahaa ciidamada Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa habeenimadii xaley soo gaarey gudaha magaalada Laascanood, kuwaasi oo ka soo baxsadey deegaanka Adhi-Cadeeye oo ay fadhiyaan ciidamo ka tirsan maamulka la magac baxay Somaliland oo ay halkaasi isku horfadhiyaan ciidamada Puntland.

 

Taliyaha saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood C/raxmaan Axmed Xaashi (C/raxmaan Tuur) oo u waramayey SBC International ayaa sheegay in ciidamadan ka soo baxdey maamulka Somaliland ay u dhasheen deegaanada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaasi oo uu sheegay inay u dulqaadan waayeen dagaalka lagu soo qaadayo Gobolada ay u dhasheen.

 

C/raxmaan Tuur ayaa sheegay in ciidamadan in loo soo gudbin doono xerada ciidamada ee deegaanka Xorgoble halkaasi oo lagu wado in tababar loogu sameeyo, waxaana marka tababarkaasi uu soo dhamaado loo kala gudbin doonaa deegaanada Puntland oo ay ka qaban doonaan hawlaha loo xilsaaro ee ku aadan sugida amaanka iyo difaaca deegaanada Puntland.

 

Ciidamadan ayaa ahaa kuwii ugu horeeyey ee ka goosta maamulka Somaliland tan iyo markii ay dagaalada iyo xiisadaha colaadeed ka soo cusboonaadeen deegaanada ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland.

 

Axmed Max'ed Jaamac (Axmed Suufi)

 

SBC International Laascaanoo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood: Ciidamado ka soo gadoodey Somaliland oo soo gaaray Magaalada Laascaanood.

 

23. september 2007

Laascaanood(AllPuntland)- Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa waxaa soo gaaray tiro ciidamo ah oo ka soo gadoodey Maamulka Somaliland ,ayadoo ciidamadaasina ay isku soo dhiibeen ciidamada dowlada gobaleedka Puntland.

 

Jiida hore ee ay isku hor fadhiyaan labadan ciidan ayaa ciidankan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay xalay ka soo gudbeen waxa ayna usoo talaabeen dhinaca magaalada Laascaanood waxa ayna dhamaantood ka soo jeedaan gobalada Sool ,Sanaag iyo Cayn.

 

55 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Maamulka La baxay Somaliland ,ayaa soo tagi taankooda waxa ay ku macneeyeen markii ay u adkeysan waayeen dagaalada gardaradaa ee lugu hayo deegaanada Puntland ayagoo markaasina sheegay in ay haatan diyaar uyihiin difaacada deegaanadooda.

 

Taliyaha Saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood C/rixmaan Axmed Xaashi ayaa usheegay Saxaafada Puntland in dhamaanba ciidamadaasi loo gudbin doono magaalada Qardho ee gobalka Karkaar si halkaasi ay ugu soo qaataan tababaro kala duwan inkastoo warar ku sheegayaan in aan ciidankaasi wali lasoo gaarsiin magaalada laascaanood.

 

Warar kale oo laga helayo goobaha ay isku hor fadhiyaan labadan ciidan ayaa waxa ay sheegayaan in saaka goobahaasi laga dareemayey xiisado colaadeed ayagoo Maamulka la baxalay Somaliland lasheegay in uu wado qorshayaal hubab loogu gudbinayo gudaha dalka Soomaaliya.

 

Labada ciidan ayaa todobaadkii hore hal mar dagaalo ay dhexmareen inkastoo dagaaladaasi ay khasaare lixaad leh ka soo gaareen Maamulka la baxalay Somaliland ,ayadoo Puntland uu kaga dhaawacmay hal Askari oo ka mid ah ciidamada Difaaca ee Puntland.

 

Ciidamadan ka soo gadoodey Maamulka la baxay Somaliland ayaa noqonaya ciidamadii ugu tirada yaraa ee ka soo baxa Ciidamada Somaliland una soo gala dowlad gobaleedka Puntland ciidamadooda jooga gobalka Sool.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka soo goostey Somaliland oo ku soo biirey Puntland

 

Ilaa iyo 55 ka mid ahaa ciidamada Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa habeenimadii xaley soo gaarey gudaha magaalada Laascanood, kuwaasi oo ka soo baxsadey deegaanka Adhi-Cadeeye oo ay fadhiyaan ciidamo ka tirsan maamulka la magac baxay Somaliland oo ay halkaasi isku horfadhiyaan ciidamada Puntland.

 

Taliyaha saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood C/raxmaan Axmed Xaashi (C/raxmaan Tuur) oo u waramayey SBC International ayaa sheegay in ciidamadan ka soo baxdey maamulka Somaliland ay u dhasheen deegaanada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaasi oo uu sheegay inay u dulqaadan waayeen dagaalka lagu soo qaadayo Gobolada ay u dhasheen.

 

C/raxmaan Tuur ayaa sheegay in ciidamadan in loo soo gudbin doono xerada ciidamada ee deegaanka Xorgoble halkaasi oo lagu wado in tababar loogu sameeyo, waxaana marka tababarkaasi uu soo dhamaado loo kala gudbin doonaa deegaanada Puntland oo ay ka qaban doonaan hawlaha loo xilsaaro ee ku aadan sugida amaanka iyo difaaca deegaanada Puntland.

 

Ciidamadan ayaa ahaa kuwii ugu horeeyey ee ka goosta maamulka Somaliland tan iyo markii ay dagaalada iyo xiisadaha colaadeed ka soo cusboonaadeen deegaanada ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland.

 

Axmed Max'ed Jaamac (Axmed Suufi)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this