Saalax Posted September 21, 2009 Written by Qarannews Sep 21, 2009 at 07:37 AM Ceerigaabo(Qarannews ) Suldaan-C/raxmaan Maxamed Cilmi (Riwaaye) oo kazoo kicitimay dhinaca degaanka Oog ee gobolka Sool oo dhowaan lagu soo doortay ayaa galabnimadii Sabtida(shalayto) soo gaadhey magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. Suldaankan oo kasoo jeeda Beesha ***** ayaa isaga iyo weftigiisa si weyn loogu soo dhoweeyey halkaas, iyadoo dadweyne watey gaadiid tiro badani kazoo horkeceen meel dhawr iyo toban km dhinaca galbeed ka xigta magaalada Ceerigaabo, waxana suldaanka iyo wegtigiisa lagu dejiyey guri weyn oo kuyaalla magaalada Ceerigaabo. Suldaan-Riwaaye wuxu subaxnimadii Axadda(Saaka) garoonka kubbadda (Stadium Daallo) ee magaalada Ceerigaabo dadweynaha reer Ceerigaabo kagala qayb qaatay munaasibaddii Salaadda Ciidal-fidriga ee halkaas lagu tukadey. Waxana suldaanka beesha ***** fagaarahan hadal kooban uga jeediyey bulsha-weynta faraha badan ee halkaas isugu soo baxday, isagoo ugu horrayn uga mahad celiyey sida wanaagsan ee halkaas loogu soo dhoweeyey, isagoo sidoo kalena halkaas ka sheegay suldaanku in kastoo lagu soo doortay degaanka Oog ee gobolka Sool haddana in uu yahay nin u dhashay gobolkan Sanaag kuna soo biiray saaxadda madax-dhaqameedyada xilligan jira. Waxana suldaanku hadalkiisii ku geba-gebeeyey duco fara badan isagoo ilaah ka baryaya inuu addoomihiisa ka saaro abaarta ba'an ee xilligan jirta, uguna beddelo raxmaddiisa iyo caafimaadqab in ay ku gaadhaan ciiddan ciiddeeda, isagana uu ka dhigo kii caddaalad iyo sinnaan ku hoggaamiya bulshadiisa iyo guud ahaanba beelaha walaalaha eek u dhaqan gobolka Sanaag iyo guud ahaanba Somaliland. Qarannews Ceeriggaabo. http://www.qarannews .com/index.php?o...5 905&Itemid=62 [ September 22, 2009, 12:07 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ] Quote Share this post Link to post Share on other sites
Geel_jire Posted September 21, 2009 Qabil names are not allowed ducaysane ..you must edit your title. lol i guess the filters only catch Qabilada waaweyn .. next people will start using lafaha hoose Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 22, 2009 at lafaha hoose. Reer Geeljire jufo la dhaho jiraan ma ogtahay horta? Just kaftaming. But I am sure laf la dhaho lagama weynaayo Soomaalida. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 22, 2009 Anu reer Macruuf ayaan kuu maqlay... Quote Share this post Link to post Share on other sites