Sign in to follow this  
Abwaan

Dibad bax lagu dalbanayay in ciidamada Ethiopia ay ka baxaan xaafdaha magaalada Muqdi

Recommended Posts

Abwaan   

Posted: 11/20/2008 1:58:00 PM

Shabelle: MUQDISHO.

 

Dibad bax lagu dalbanayay in ciidamada Ethiopia ay ka baxaan xaafdaha magaalada Muqdisho iyo dalka oo maanta ka dhacay duleedka Muqdisho.

 

Dibad baxyadani oo maanta ka dhacay inta u dhaxeyso deegaanka Ceelasha Biyaha iyo calamada ayaa dadkii isugu soo baxay waxa ay ku codsadeen in ciidamada Ethiopian-ka looga saaro xaafadahooda bacdamaa maanta oo kaliya ay ku egtahay waqtigii loo qabtay in xaafadaha dadka rayidka ay ugu baxaan Ciidamada Ethiopia sida uu dhigayo heshiiskii Jabuuti lagu gaaray.

 

 

 

Banaan baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah joogitanka ciidamada Ethiopian-ka ee gudaha dalka maadaama heshiiskii Jabuuti lagu saxiixay ay ka mid aheyd in ciidamada Ethiopia ugu dambeyntii 21-bishaan ay isaga baxaan xafadaha dadka rayidka ee magaalada Muqdisho.

 

 

 

Dibad baxayaasha aya sidoo kale waxa ay sheegeen in ay ka dibad baxayaan biyo yari soo wajhday mudooyinkii ugu dambeeyay waxayna Hayadaha samafalka ugu baaqeen in ay la soo gaaraan gurmad biniaadninimo maadaama ay sheegeen barakacyashu in aysan helin biyo iyo baad ku filan oo ay ka helaan hayadaha.

 

 

 

Banaan baxyadani maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Calamada iyo Ceelasha biyaha ayaa kusoo aadya xilli saacado yar uun ay ka harsan yihiin waqtigii lagu heshiiyay in ciidamada Ethiopian-ka ay ugu baxayan xaafadaha dadka rayidka ee magalada Muqdisho.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

 

Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

 

 

Daawo Sawirada

 

Isku%20Bax2.jpg

 

 

Isku%20Bax3.jpg

 

Isku%20Bax6.jpg

 

Isku%20Bax4.jpg

 

Isku%20Bax5.jpg

 

Isku%20Bax7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this