Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalilands foreign minister speech at Chatman house

Recommended Posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Beesha Caalamka u Gudbinaya Guulaha Dimuqraaiyadeed ee Somaliland ku Tallaabsatay

London (Jam)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa khudbad ka jeediyay xarunta Boqortooyada Daraasadadda iyo Falaqaynta Siyaasadda Caalamka ee loo yaqaano Chatham House ee ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska.

 

 

Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar oo booqashadiisii u horraysay ee dalka dibada uga baxo ku jooga dalka Ingiriiska, sida lagu baahiyey shabakada wararka ee Hadhwanaagnews.com waxa uu shalay xarunta Chatham House kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye, cilmibaadhayaal, khabiiro ka faallooda siyaasada Geeska Afrika, suxufiyiin iyo saraakiil ka socda wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska iyo marti sharaf kale.

 

 

Waxaa uu Dr. Maxamed Cabdillaahi ka hadlay sidii nabadgalayada iyo xalaasha ahayd ee ay doorashadii madaxtooyada Somaliland dalka uga dhacday iyo sidii wanaagsanayd ee awoodda loo wareejiyay oo ku tilamaamay mid sumad gaar ah ugu astaysan marka la eego doorashooyinka ka dhaca waddamada soo koraaya ee aan wali dhaqanka dimuqraadiyadu ku xididaysan.

 

 

Waxaa kale oo wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalimiga ee Somaliland si dheer uga hadlay hawlaha culus ee horyaalla maamulka cusub ee Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo ku tilaamay inay yihiin hawlo baaxad wayn leh oo iskaashi caalami ah u baahan.

 

 

Waxaanu wasiirka arrimaha dibeddu xusay in halwha horyaal xukuumada cusub oo ay ka mid yihiin kuwa nabaadgalyo, baahi biyo, caafimaad, waxbarasho iyo dhaqaale, kuwaasi oo uu xusay inay dhammaantood u baahan yihiin hawlagallo dawladeed oo degdeg.

 

 

Waxaa kale oo uu Dr. Maxamed tibaaxay qorshayashaayasha dawladooda ay ku wajahayso wax ka qabashada baahida dalka ee uu ka hadalay. Wuxuu soo jeediyay qorshayaal muujinaya qaabka dawladoodu ku talo jirtay inay wax kaga qabatao arrimahan oo taabanaya dhinacyo kala duwan.

 

 

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar intii aanu toddobaadkan ka soo ka ambabixin magaalada Hargeysa, waxa uu qasriga madaxtooyada Somaliland kula shiray wefti culus oo ka socday deeqbixiyayaasha caalamka, madax ka socdau Banigga Adduunka iyo madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay, isaga oo wasiirku xusay inuu socdaal ku marayo waddamo ka mid ah Yurub oo gaadhsiinayo guulaha siyaasdadeed ee Somaliland ka gaadhay xagga doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda, una soo qadimaayo bulshada caalmaka qorshyaasha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee xukuumadda cususb ku wajahayso arrimaha horyaalla dalka iyo sidii loo kobcin lahaa iskaashi xagga nabadaalayda iyo horumurka ee ka dhexeeya Somaliland iyo dunida.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Xarunta Chatham House Ka Jeediyey Khudbad Ka Hadlaysa Guulihii Ay Somaliland Ka Soo Hoysay Doorashadii Madaxtooyada

 

 

Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalimiga ee Somaliland si dheer uga hadlay hawlaha culus ee horyaalla .....

 

Hargeisa, (GNS) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa khudbad ka jeediyay xarunta Daraasadadda iyo Falaqaynta Siyaasadda Caalamka ee loo yaqaano Chatham House ee ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu sharaxaad dheer kaga bixiyey qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxtooyada iyo sida ay Somaliland uga baahan tahay in ay ka hesho Aqoonsi caalamiga Beesha Caalamka. Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo booqashadiisii ugu horeysay tan iyo markii la magacabay ku jooga wadanka Ingiriiska, ayaa xarunta Daraasadadda iyo Falaqaynta Siyaasadda Caalamka ee Chatham House kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye ah, cilmibaadhayaal, khabiiro ka faallooda siyaasada Geeska Afrika, suxufiyiin iyo saraakiil ka socda wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska iyo marti sharaf kale,kuwaas oo uu u sharaxay qaabkii Somaliland ay uga dhacday doorashadii madaxtooyadu. Dr. Maxamed Cabdillahi ka hadlay sidii nabadgalayada iyo xalaasha ahayd ee ay doorashadii madaxtooyada Somaliland dalka uga dhacday iyo sidii wanaagsanayd ee awoodda loo wareejiyay oo ku tilamaamay in ay ahayd mid Somaliland u soo horaysay sumacda weyn

 

Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalimiga ee Somaliland si dheer uga hadlay hawlaha culus ee horyaalla Xukuumadda cusub ee madaxweyne Axmed Siillaanyo,kuwaas oo ay ka mid yihiin qaar dhinaca nabadgelyada, dhaqaalaha, waxbarshada, Caafimaadka iyo biyaha,kuwaas oo uu dhamaantood sheegay in ay u baahan yihiin in lagu waajaho hawlagallo dawladeed oo deg deg. Wasiirku waxa uu sheegay in uu socdaal ku marayo waddamo ka mid ah Yurub oo gaadhsiinayo guulaha siyaasdadeed ee Somaliland ka gaadhay xagga doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda, una soo qadimaayo bulshada caalmaka qorshyaasha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshi ee xukuumadda cususb ku wajahayso arrimaha horyaalla dalka iyo sidii loo kobcin lahaa iskaashi xagga nabadaalayda iyo horumurka ee ka dhexeeya Somaliland iyo dunida.

 

 

Gabiley News Desk

London

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland oo ka hadalay xarunta Siyaasadda ee Chatham House

 

Friday, 06 August 2010 09:09

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamaed Cabdillahi Cumar, ayaa khudbad ka jeediyay xarunta Boqortooyada Daraasadadda iyo Falaqaynta Siyaasadda Caalamka ee loo yaqaano Chatham House ee ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska.

 

 

Wasiirka oo ku jira boqashadiisi dibadda ee ugu horaysay tan iyo markii sida rasmiga ah loogu magacaabay jagada Wasiirka Arrimhaa Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalailand, waxaa uu shalay xarunta Chatham House kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye, cilmibaadhayaal, khabiiro ka faallooda siyaasada Geeska Afrika, suxufiyiin iyo saraakiil ka socda wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska iyo marti sharaf kale.

 

 

 

Waxaa uu Dr. Maxamed Cabdillahi ka hadlay sidii nabadgalayada iyo xalaasha ahayd ee ay doorashadii madaxtooyada Somaliland dalka uga dhacday iyo sidii wanaagsanayd ee awoodda loo wareejiyay oo ku tilamaamay mid “Sumad gaar ah ku astaysan marka la eego doorashooyinka ka dhaca waddamada soo koraaya ee aan wali dhaqanka dimuqraadiyadu ku xididaysan” waa sida uu hadaalka u dhigaye.

 

 

 

Waxaa kale oo wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalimiga ee Somaliland si dheer uga hadlay hawlaha culus ee horyaalla maamulka cusub ee Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo ku tilaamay “hawlo baaxad wayn leh oo iskaashi caalami ah u baahan”. Waxayne hawlahani isguga jiraan ayuu yidhi “kuwa nabaadgalyo, baahi biyo, caafimaad, waxbarasho iyo dhaqaale”oo dhmmaantood u baahan hawlagallo dawladeed oo deg deg.

 

 

 

Waxaa kale oo uu Dr. Maxamed tibaaxay qorshayashaayasha dawladoodu ay ku wajahayso wax ka qabashada baahida dalka ee uu ka hadalay. Wuxu soo jeediyay qorshayaal muujinaaya qaabka dawladoodu ku talo jirtay inay wax kaga qabato arrimahan oo tabanaaya dhinacyo kala duwan.

 

 

 

Dr. Maxamed oo intii aanu ka soo duulin magaaladda Hargaysa wuxuu kula shiray Qasriga Madaxtooyada Somaliland wafti culus oo ka socday deeqbixiyayaasha caalamka, madaxda bangiga adduunka iyo madaxda hay’adaha UN ta, Wasiirku wuxuu ii sheegay in uu socdaal ku maraayo waddamo ka mid ah Yurub oo u gaadhsinaayo guulaha siyaasdadeed ee Somaliland ka gaadhay xagga doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda, una soo qadimaayo bulshada caalmaka qorshyaasha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee xukuumadda cususb ku wajahayso arrimaha horyaalla dalka iyo sidii loo kobcin lahaa iskaashiga xagga nabadaalayda iyo horumurka ee ka dhexeeya Somaliland iyo dunida.

 

Wararka Wasiirka Cusub kala soco shabakadda Hadhwanaagnnews anagu idin soo gudbin doona hadba wixii ka soo kordha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Xarunta Chatham House Ka Jeediyey Khudbad Ka Hadlaysa Guulihii Ay Somaliland Ka Soo Hoysay Doorashadii Madaxtooyada

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa khudbad ka jeediyay xarunta Daraasadadda iyo Falaqaynta Siyaasadda Caalamka ee loo yaqaano Chatham House ee ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu sharaxaad dheer kaga bixiyey qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxtooyada iyo sida ay Somaliland uga baahan tahay in ay ka hesho Aqoonsi caalamiga Beesha Caalamka. Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo booqashadiisii ugu horeysay tan iyo markii la magacabay ku jooga wadanka Ingiriiska, ayaa xarunta Daraasadadda iyo Falaqaynta Siyaasadda Caalamka ee Chatham House kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye ah, cilmibaadhayaal, khabiiro ka faallooda siyaasada Geeska Afrika, suxufiyiin iyo saraakiil ka socda wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska iyo marti sharaf kale,kuwaas oo uu u sharaxay qaabkii Somaliland ay uga dhacday doorashadii madaxtooyadu. Dr. Maxamed Cabdillahi ka hadlay sidii nabadgalayada iyo xalaasha ahayd ee ay doorashadii madaxtooyada Somaliland dalka uga dhacday iyo sidii wanaagsanayd ee awoodda loo wareejiyay oo ku tilamaamay in ay ahayd mid Somaliland u soo horaysay sumacda weyn

 

Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalimiga ee Somaliland si dheer uga hadlay hawlaha culus ee horyaalla Xukuumadda cusub ee madaxweyne Axmed Siillaanyo,kuwaas oo ay ka mid yihiin qaar dhinaca nabadgelyada, dhaqaalaha, waxbarshada, Caafimaadka iyo biyaha,kuwaas oo uu dhamaantood sheegay in ay u baahan yihiin in lagu waajaho hawlagallo dawladeed oo deg deg. Wasiirku waxa uu sheegay in uu socdaal ku marayo waddamo ka mid ah Yurub oo gaadhsiinayo guulaha siyaasdadeed ee Somaliland ka gaadhay xagga doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda, una soo qadimaayo bulshada caalmaka qorshyaasha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshi ee xukuumadda cususb ku wajahayso arrimaha horyaalla dalka iyo sidii loo kobcin lahaa iskaashi xagga nabadaalayda iyo horumurka ee ka dhexeeya Somaliland iyo dunida.

 

 

 

berberapress.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Originally posted by Jacaylbaro:

Well, I'm not so sure about the guy but this was not so bad to begin with ,,,,,

Same here. SL needs a very articulate individual and this guys isn't the one. Ever since I saw that Al Jazeera Interview where he was a bumbling wreck!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by N.O.R.F:

quote:Originally posted by Jacaylbaro:

Well, I'm not so sure about the guy but this was not so bad to begin with ,,,,,

Same here. SL needs a very articulate individual and this guys isn't the one. Ever since I saw that Al Jazeera Interview where he was a bumbling wreck!
Oh, Prof. Samatar thrashed him on that interview. I really felt sorry whoever sent him to an international network to represent for them. I can't believe he is made a "foreign" minister.

Share this post


Link to post
Share on other sites

What do you expect, he doesnt even have any International experience.

 

The irony of all this, he is also to manage and coordinate with the donors and ngo's a which used to be part of the Ministry of Planning.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this