Sign in to follow this  
General Duke

AU troops on route to Somalia..

Recommended Posts

Adis Ababa: Midowga Afrika oo hoosta ka xariiqay in ciidamo ay u dirayaan Soomaaliya, lix biloodna ay halkaasi joogi doonaan

 

Axad, January 20, 2007

 

Adis Ababa(AllPuntland)- Midowga Afrika ayaa xafiiskiisa magaalada Adis Ababa kasoo saaray go'aan ciidamo loogu dirayo dalka Soomaaliya.

 

Ciidamada ay isla ogolaadeen midowga Afrika ayaa lagu sheegay inay yihiin 9 Batalyan oo ah ciidamada kala duwan ee Afrika.

 

Ciidamadan ayaa waxaa laga dhawaajiyay inay dalka Soomaaliya joogi doonaan muddo lix bilood ah, kadibna ay hawsha kala wareegi doonaan ciidamada Qaramada midoobay.

 

Siciid Jinnit oo kamid ah madaxda golaha ammaanka midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamadan ay caawin doonaan dawladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan sidii ay u shaqayn lahaayeen hay'adaha dawliga ah.

 

Mr: Jinnit wuxuu sheegay in midowga Afrika uu ka codsaday midowga Yurub iyo dhammaan dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika inay dhaqaalaha ka caawiyaan ciidamada tagaya dalka Soomaaliya.

 

Ciidamada guud ee midowga Afrika ugu talo galay dalka Soomaaliya ayaa gaaraya 8,000 oo askari, waxaana la filayaa in bilowga ciidankaasi ay tagaan dalka Soomaaliya bishan dhammaadkeeda.

 

Midowga Afrika wuxuu ka codsaday qaramada midoobay in ay caawiyaan midowga Afrika todobaadyada ugu horeeya ee ay hawsha galayaan ciidanka midowga Afrika.

 

Magaalada Muqdisho waxaa khamiistii tagay Francios Fall oo qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaana uu arimaha ciidamo gaynta kala hadlay madaxwaynaha Soomaaliya.

 

C/laahi Yuusuf ayaa sheegay in dawladdu aysan hawsha wadi karin haddii aysan helin ciidamo nabad ilaalin ah oo caawiya.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidammo ka socda Uganda iyo South Africa oo soo gaaraya dhawaan gudaha Soomaaliya

 

Jan 20 . 2007 Radiofreesomalia.com

 

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa inay soo gaaraan gudaha Soomaaliya toddobaadkaan billowga ah dabayaaqadiisa ciidammo dhowr dal oo Afrikaan ah ka socda.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidammo ka socda Dalalka South Afrika iyo Uganda ay soo gaaraan gudaha Soomaaliya inta uusan dhammaan toddobaadkaan, waxaana tani ay ka dambeysay kaddib markii Dowladda Ethiopia ay sheegtay inay ciidammadeeda kala baxdo gudaha Soomaaliya.

 

Dowladda Uganda ayaa waxay diyaarisay ciidammo gaaraya 2500-askari, waxaana la horgeeyay qorshaha ciidammo geyntaan dalka Soomaaliya baarlamaanka dalkaaas, six buuxda ugu codeeyay in ciidammadooda ay qayb ka noqdaan ciidammada nabad ilaalin ahaanta u tagaya gudaha Soomaaliya.

 

Dhanka kale, Dowladda South Afrika ayaa iyaduna waxay qirtay inay ciidammo tiro badan oo aysan tiradooda cayimin u soo dirayso Soomaaliya maalmaha soo socda, waxaana lagu wadaa in ciidammadaan ay qayb ka noqdaan kuwa nabadda ilaalinaya ee gudaha Soomaaliya la geynayo.

 

Afrikaanka ayaa waxay sheegeen inay ciidammo nabad ilaain ah u dirayaan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo baddali doona kuwa Ethiopian-ka ah ee haatan ku sugan, waxaana dowladaha Uganda iyo South Afrika ciidammadooda haddii ay yimaadaan Somalia noqonayaan kuwii ugu horreeyay ee yimaada gudaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this