General Duke Posted January 13, 2010 5 dhimasho ah, 5 dhaawac ah oo uu sababay qarax ka dhacay saldhiga bilayska ee magaalada Laascaanood. Laascaanood, Jan 12 - Qarax xoogan, oo diryankiisa laga maqlay abdi xaafadaha magaalada, ayaa fiidnimaadii caawa waxaa uu ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Qaraxan oo sida la sheegay ahaa qunbulad gacmeed la tuuray, lalana eegtay saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood ayaa gaystay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Saddex askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa la sheegay in ay ku geriyoodeeen qaraxaasi, halka 5 kalena uu dhaawac ka soo gaadhey. Khasaaraha xoogiisa ayaa la sheegay in uu gaaray ciidanka maamulka Somaliland ee iyagu ku sugnaa saldhiga xiligii la qarxiyey. Qaraxa oo dhacay abaaro 7:30 fiidnimadii ee caawa ayaa dhawaqiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Laascaanood; waxaana daqiiqado kadib markii qaraxu dhacay soo buux dhaafiyey magaalada maleeshiyaadka maamulka Somaliland ee iyagu gacanta ku haya magaalada, kuwaasoo rasaas ku furay suuqyada iyo goobaha dadku kusoo aruureen. Magaalada ayaa lagu soo rogey bandow, waxaana meelaha qaar laga maqlayaa dhawaqa rasaasta ka dahcda qoryaha baabuurta la saaro ee baroomada, taasoo sida la sheegay ay ridayaan maleeshiyaadkii suuqa soo galay kaidb markii qaraxu dhacay. Maaha markii ugu horeysey oo qarax Kan la mid ah uu ka dhaco magaalada Laascaanood; dabayaaqadii sannadkii ina dhaafay ayay ahayd markii qarax kan la mid ah lala eegtay hotel Dhiif ee magaalada Laascaanood, laguna dilay taliyihii ciidanka Somaliland ee gobolka Sool. Laascanood oo 3-dii sano ee la soo dhaafay uu ka talinayey maamulka Somaliland ayaa waxaa ku soo badanaya qaraxyada iyo dilalka. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 13, 2010 no one died Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted January 14, 2010 defeated boy duke is this how desparate puntland supporters have got to lool i suppose if you are outfought and out though then you have no option but to become insurgants making hit and run and never looking back but dont worry we will catch these cowards and give them very lenghy prison sentences like those before them. Quote Share this post Link to post Share on other sites