Xaaji Xunjuf Posted June 20, 2010 Wafti ka socda Somaliland oo uu hogaaminayo Xildhibaan Xamse Gaadaweyne oo gaadhay Buuhoodle. Warkii 20-Jun-2010 iyo Qormadii: NEWS Wafti ka kooban xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo uu hogaaminayo xildhibaan Xamse Gaadaweyne ayaa gaadhay degmada Buuhoodle oo halkaas ay ka dhaceen rabshado iyo dagaalo dhexmaray dadka deegaankaas iyo ciidanka Itoobiya,kaasoo keenay dhimasho, dhaawac,iyo hanti la qaatay. Waftigan oo siyaasiyiinta ku weheliya uu ka mid yahay siyaasi Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ka mid ahaan jirey golaha wasiirada ee maamulkaas,waxayna shirar kala duwan la qaateen odayaasha iyo waxgaradka deegaankaas. Waftigan ayaa waxay horudhac u yihiin wufuud kale oo la filayo inay maalamaha soo socda gaadhaaan deegaankaas,iyadoo la filayo inay waan wana ka dhex sameeyaan hogaanka SSC iyo maamulka Somaliland oo dagaalo ku dhexmareen degmada Widhwidh iyo tuulooyinka ku dhow. Afnugaal News Desk. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 20, 2010 Wefti Somaliland ah oo ay hogaaminayaan Xildhibaan Xamse Gaadaweyne iyo Wasiirkuxigeenkii hore ee Hawlaha guud ee Somaliland oo Buuhoodle soo gaadhay. Posted: June 19/2010, 8:31 pm Wefti Somaliland ah oo ay hogaaminayaan Xildhibaan Xamse Gaadaweyne iyo Wasiirkuxigeenkii hore ee Hawlaha guud ee Somaliland Cabdirashiid ducaale qambi ayaa Buuhoodle soo gaadhay. Weftigan oo xukuumada Somaliland u soo xilsaartay dhowr qorshe ayaa la filayaa inay ayaamaha soo socda ay ku sugnaadaan magaalada buuhoodle. Warar lagu kalsoonyahay oo aanu ka helnay ilo xogogaal ah oo ka tirsan maamulka somaliland ayaa xaysimo.com u sheegay in weftigani ay shir la yeelan doonaan kooxda narobi ay hogaamiyaan Saleebaan xagletoosiye iyo Garaad Jaamac garaad Cali. Weftigani waxay sidaan fariin hoose oo Somaliland kooxdan ku amaanayso siday beesha u kala qaybiyeen islamarkaana u fashiliyeen abaabul qorshe dib u xoreyneed oo dhameystiran. Kooxdan ayaa qaybo badan oo bulshada SSc ka tirsani ay aaminsanayeen inay si hoose ugu adeegaan maamulka Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 21, 2010 Xubno Kulmiye Ka Socda iyo Kooxda Xaglatoosiye oo Kulmay Share Wararka naga soo gaadhaya magaala madaxda Gobolka Cayn ayaa sheegaya in caawa (20-06-2010) fiidkii ay kulmeen laba masuul oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ee Somaliland iyo kooxda uu hogaamiyo Xaglatoosiye. Kulankan ayaa ka dhacay aqalka uu Xaglatoosiye ka degan yahay magaalada Buuhoodle waxaana halkaa ugu yimi Cabdirashiid Ducaale Qambi (Raaf) iyo Xamse Gaadaweyne oo labaduma ka tirsan xisbiga Kulmiya ee Siilaanyo. Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili ay magaalada Buuhoodle hareysay tuhun aha in kooxda xaglatoosiye ay isu diyaarinayaan dhinaca Hargeysa ka dib natiijada doorashada Maamulka Hargeysa. Siilanayo oo dhanwaan hadal jeediyay xiliuu ku jiray olalaha doorashada maamulka Hargeysa ayaa sheegay in wada hadlo u socdo iyaga (Kulmiye) iyo SSC (Xaglatoosiye) hadalkaa Siilanayo oo ay dad badani u arkayeen in uu ahaa mid dacaayad ah hase haate kulanka Caawa dhexmaray labada dhinac ayaa ka marqaati kacaya in uu jiro qorshe qarsoon oo u wato Xaglatoosiye. Warar aanu ka helnay ilo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in dhawaan codsi ka yimi dhinaca Kulmiye oo ay ku dalbadeen dhawr qodob kuwaas oo ay ka mid tahay in si doorashadu uga qabsoomto degaamo ka mid ah dhinaca Hawdka sida Widhwidh in ciidamada SSC laga soo dulqaado . Wararka ay Taleex Media ka heshay degaamada Dandan iyo Dhalaamacune ayaa sheegaya in ciidamadii gfadhiisinka kulahaa degaanka dhalaamacune loo soo raray Dandan. Ujeedada Wadada hadalka Caawa ayaan kala caddeyn waxa ay ku saabsan tahay hase ahaate waxaa loo badinayaa in ay qayb ka tahay isu dhawaanshaha labaad garab ee Kulimiye iyo Xaglatoosiye. Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland Maxamed Aadan Faraax oo dhawaan wareysi siiyey Taleex Media ayaa sheegay in ay suura gal tahay doorashada gobolada waqooyi galbeed ka dib ay kooxda Xaglatoosiye u safri doonaan dhinaca Hargeysa . Wixii war ah ee ka Soo kordha arinkaa kala soco Taleex Media Taleex Media Buuhoodle,Somalia Email: sscayn@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted June 21, 2010 Reer Buuhoodle spoke loud and clear,and said NO to separatism. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted June 21, 2010 ^^Internet propaganda has its limits awoowe yeysan ku waalin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 21, 2010 ^^ war airportka buhoodle baanu dhisayna , bal ummad diidan ina wax lo dhiso ka waran waba cajiib. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted June 21, 2010 xaaji airportigii soo kii reer Oodweyne khalkhaliyey maaha ooy caro darteed dillaaci gaareen, marka dhirta laga guray Buuhoodle dusheeda shan baraa hartaye, is yara adkeeya, everything will go just fine insha Allaah. Siilaanyo will win, haddaan la khiyaamin Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted June 21, 2010 I think this is the delegation X.X. is talking abut.. See pics Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted June 21, 2010 Originally posted by Xaji_Xunjuf: ^^ war airportka buhoodle baanu dhisayna , bal ummad diidan ina wax lo dhiso ka waran waba cajiib. I used heard many times "Riyo haday dib leeyihiin dabadooday ku qarsan lahaayeen." Quote Share this post Link to post Share on other sites