Sign in to follow this  
Liibaan

WAA GUUL: Madaxdhaqameedka SSC Oo Isku Raacay Inay Hawlaha Wadaan Khusuusidu

Recommended Posts

Liibaan   

12dayaal.jpg

 

 

WAA GUUL: Madaxdhaqameedka SSC Oo Isku Raacay Inay Hawlaha Wadaan Khusuusidu

 

 

News (Buurawadal) 22.03-10 Shirkii maanta lagu balansanaa magaalada Buurwadal ayaa ku soo gabagaboobay guul iyo is afgarad waxaana halkaas layskula qaatay in go,aamadu yihiin kuwii hore ee lagu gaadhay deegaanka Buurawadal ,

 

isla markaana beesha SSC hawlaheedii u wadato ,sidii hore loogu sheegayna maamulka Puntland ay u furantahay in uu kaalintiisa qaato dibindaabyadana joojiyo.

 

Kulankan oo ay soo xaadireen dhamaan madax dhaqameedka SSC marka laga reebo Suldaan Siciid Cismaan oo aan mawqifkiisu cadayn wali ayaa waxa ay dhamaantood madax dhaqameedkii heshiiska ku saxeexay Madaxtooyada Garoowe dhaar ku mareen in aanay waxba iska badelin mawqifkooduna yahay kii hore ,waxa dhaqaale ah oo ay qaateena aysan jirin, isla markaana aysan marnaba diyaar u ahayn in ay iibsadaan qadiyada dadkooda , go,aamaduna yihiin kuwii Buurawadal lagu gaadhay , arrinta kaliya ee aanu Puntland ogolaanshaha u siinay ay tahay in ay garanayaan wadada Laascaanood loo maro haday wax qabanayaan..

 

Madax dhaqameedka Garoowe ayaa waxaa u hadlay Garaad Saleebaan Garaad Maxmed, Boqor C/laahi Daba gooye, iyo Garaad Abshir, waxayna shacabka hortooda ka cadeeyeen in ay arrimaha ku wareejiyeen golaha Khusuusiga oo golahaasi yahay kan hawsha wadaya, aaminsanna yihiin go,aamadii shirarkii Nairobi, Holhol, Iyo Buurawadal, oo ah midayn Iyo Badbaadin deenka SSC.

 

Dhinaca madax dhaqameedka Buurawadal ayaa waxa u hadlay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan mawqifkan madaxdhaqameedka Garoowe inooga yimi , waxaanu sheegay in ay halkaasi ka cadeeyeen Madaxdhaqameedka SSC in ay wali ku sugan yihiin mawqifkoodii ahaa heshiiskii Buurawadal isla markaana aynu meel uga soo wada jeesano sidii loo hir galin lahaa heshiiskii Buurawadal waxaana hawsha inoowadaya Golaha Khusuusiga iyo Hogaanka , Puntland haday wax qabanayso wadadu waa u furan tahay, hasa yeeshee waa in aysan dibin daabyo u gaysan hawlaha socda ee shacabka SSC maamulanayo ayuu yidhi Garaad J.G. Ismaaciil.

 

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waxa uu sheegay in madaxtooyada Garoowe aan lala hayn maxaad u tagteen hasa yeeshee heshiiskii aynu gaadhnay sidiisii u hirgalo oo loo fuliyo.

 

Dadweynaha ku sugnaa madasha shirka ayaa aad u soo dhaweeyey mawqifka cusub ee ay qaateen madaxdhaqameedka saxeexay heshiiska Madaxtooyada Garoowe, waxayna shacabku sheegeen in aan loo baahnayn in laga noqdo heshiiskii Buurawadal isla markaana hore loo socdo.

 

Dhanka kale C/raxmaan Faroole oo shalay ka khudbadeeyey magaalada Qardho ayaa ka sheegay halkaasi in ay heshiis wada galeen madaxdhaqameedka *********** oo ay ku wareejiyeen hawlaha deegaanka SSC, hasa yeeshee waxaa arrintaas waxba kama jiraan ka dhigaya mawqifka cusub ee ay qaateen madaxdhaqameedka SSC oo kala kulmay gudaha iyo dibada shacabka SSC diidmo xoogan iyada oo ay warbaahinta SSC shacabka u soo bandhigtay shirqoolada loo maleegayo shacabka SSC , kuwaas oo ka soo kala burqanaya Hargeysa iyo Garoowe.

 

Mawqifkan cusub ee ay qaateen Madaxdhaqameedka SSC ayaa waxa uu guuldaro weyn ku yahay madaxda Madaxtooyada Garoowe fadhida kuwaas oo doonayey in la soo afjaro shirarka ka soconaya Buurawadal , lana kala diro golaha Khusuusiga , taas oo maanta dhiciweyday, midnimo iyo is afgaradna lagu dhameeyey hawsha.

 

Golaha khusuusiga ayaa dhawaan samayn doona sadex gudi oo kala ah, Gudiha dhaqaalaha, gudiga abaabulka iyo gudiga hawl galinta, waxaana lagu wada in uu ku dhawaaqo guddoomiyaha golaha khusuusiga Mudane C/risaaq Gacamey dhawaan.

 

News Desk WidhWidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kulmiye   

"Dhanka kale C/raxmaan Faroole oo shalay ka khudbadeeyey magaalada Qardho ayaa ka sheegay halkaasi in ay heshiis wada galeen madaxdhaqameedka"

 

Glad to know that some of our elders have some decency. Nabad iyo heshiisku waa mid loo wada baahan'yahay:)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dhanka kale C/raxmaan Faroole oo shalay ka khudbadeeyey magaalada Qardho ayaa ka sheegay halkaasi in ay heshiis wada galeen madaxdhaqameedka *********** oo ay ku wareejiyeen hawlaha deegaanka SSC,
hasa yeeshee waxaa arrintaas waxba kama jiraan ka dhigaya mawqifka cusub ee ay qaateen madaxdhaqameedka SSC oo kala kulmay gudaha iyo dibada shacabka SSC diidmo xoogan iyada oo ay warbaahinta SSC shacabka u soo bandhigtay shirqoolada loo maleegayo shacabka SSC , kuwaas oo ka soo kala burqanaya Hargeysa iyo Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this