Jacaylbaro Posted October 25, 2007 Laascanood(QARAN)-Waxaa maanta markii ugu horaysay uu irirada ufuray Duqa Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool Axmed Daahir Xasan xafiiska Dawlada hoose tan iyo intii maamulka Somaliland uu la wareegay gacan ku haynta Gobolka Sool oo uu kala wareegay maamulka Puntland. Waxaa kasoo qayb galay xaflada wayn ee loo dhigay furitaanka xafiiska Degmada Laascaanod dadwayne aad ufara badan oo ay fureen maamulka Somaliland isagoo hore ugu furaan jiray maamulkii Puntland ee ka arimin jiray Gobolka Sool muddo shan sanadood ah. Dadwayanaha kasoo qayb galay ayaa ahaa dadwayne boqolaal kor udhaafaya iyo waliba masuuliyiin ka socda maamulka Somaliland ee hadda ku sugan Gobolka Sool iyo waliba Odayaal dhaqameedyo matalayay shacabka Gobolka Sool. Xaflada ayaa ugu horayn waxaa furay Duqa Degmada Laascaanood oo si wayn ugu soo dhaweeyay halkaasi dhamaanba bulshadii ka qayb qaadatay xaflada isagoo si wayn uga mahad celiyay bulshadaasi waxaana uu sheegay in uu xafiisku hadda wixii ka danbeeya uu si rasmi ah ufuran yahay. Sidoo kale Duqa Degmada Axmed Daahir Xasan ayaa waxa uu sheegay in ay hadda wixii ka danbeeya ay hawl gali doonaan dhamaanba xafiisyada Dawlada Somaliland ee ay ku leedahay Gobolka Sool si dagdag ahna loo furi doono dhamaaba xafiisyadaasi. Xafladan maanta ka dhacday hoolka shirarka ee Dawlada hoose ayaa ahayd xafad ku bilaabatay jawi daganaansho ah oo ay dadka halkaasi isugu yimi ay si wayn ugu faraxsanaayeen xafladaasi iyadoo ay halkaakisna ay ka hadleen dadawayne fara badan iyo waliba masuuliyiin. Isku soo wada duuboo waa markii ugu horaysay ee xafiiska Dawlada hoose si rasmi ah loo furo oo ay furaan maamulka Somaliland tan iyo intii dhidibada loo aasaasay oo ay ka furaan Gobolka Sool iyadoo uu horay xafiiskani u shaqayn jiray oo uu ufuraa maamulka Puntland. Source: Afnugaal Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 25, 2007 hadhwanaag 2007-10-25 (Hadhwanaagnews) Laascaanood(HWN) Xubnaha Maamulka Degmada laascanood iyo xubnaha ka tirsan xukuumada somaliland ee ku sugan magaalada laascaanood ayaa irirdaha ufuray xafiiskiisa dawalda hoose ee magaalada laascaanood, tan iyo mudo gaadhaysa shan sano markii maamulka somaliland ka baxay gudahda laascaanood. Xaflad Balaadhan oo loo sameeyay furitaanka xafiiskaas oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyinta xukuumada somaliland iyo Maamulka Dawlada Hoose culima awdiinta Magaalada iyo Duqaytida dhaqanka ee magaalada ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Dawlada hoose ee magaaldaas. Xaflada ayaa ugu horayn waxaa furay Duqa Degmada Laascaanood oo si wayn ugu soo dhaweeyay halkaasi dhamaanba bulshadii ka qayb qaadatay xaflada isagoo si wayn uga mahad celiyay bulshadaasi waxaana uu sheegay in uu xafiisku hadda wixii ka danbeeya uu si rasmi ah ufuran yahay. Sidoo kale Duqa Degmada Axmed Daahir Xasan ayaa waxa uu sheegay in ay hadda wixii ka danbeeya ay hawl gali doonaan dhamaanba xafiisyada Dawlada Somaliland ee ay ku leedahay Gobolka Sool si dagdag ahna loo furi doono dhamaaba xafiisyadaasi. Xafladan maanta ka dhacday hoolka shirarka ee Dawlada hoose ayaa ahayd xaflaad ku bilaabatay jawi daganaansho ah oo ay dadka halkaasi isugu yimi ay si wayn ugu faraxsanaayeen xafladaasi iyadoo ay halkasna ay ka hadleen dadaweyne aad uu fara badan iyo waliba masuuliyiin. Si kastaba ahatee markii ugu horaysay ee xafiiska Dawlada hoose si rasmi ah loo furo oo ay furaan maamulka Somaliland tan iyo intii ay la wareege en gacan ku haynta magaalada laascanaood . Cabdisalan Maxamuud Ducaale(ILKacase) Hadhwanaagnews.com Quote Share this post Link to post Share on other sites