Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Laascaanood Municipality Office Opened

Recommended Posts

Laascanood(QARAN)-Waxaa maanta markii ugu horaysay uu irirada ufuray Duqa Degmada Laascaanood ee

Gobolka Sool Axmed Daahir Xasan xafiiska Dawlada hoose tan iyo intii maamulka

Somaliland uu la wareegay gacan ku haynta Gobolka Sool oo uu kala wareegay maamulka

Puntland. Waxaa kasoo qayb galay xaflada wayn ee loo dhigay furitaanka xafiiska

Degmada Laascaanod dadwayne aad ufara badan oo ay fureen maamulka Somaliland isagoo

hore ugu furaan jiray maamulkii Puntland ee ka arimin jiray Gobolka Sool muddo shan

sanadood ah.

 

Dadwayanaha kasoo qayb galay ayaa ahaa dadwayne boqolaal kor udhaafaya iyo waliba

masuuliyiin ka socda maamulka Somaliland ee hadda ku sugan Gobolka Sool iyo waliba

Odayaal dhaqameedyo matalayay shacabka Gobolka Sool.

 

Xaflada ayaa ugu horayn waxaa furay Duqa Degmada Laascaanood oo si wayn ugu soo

dhaweeyay halkaasi dhamaanba bulshadii ka qayb qaadatay xaflada isagoo si wayn uga

mahad celiyay bulshadaasi waxaana uu sheegay in uu xafiisku hadda wixii ka

danbeeya uu si rasmi ah ufuran yahay.

 

Sidoo kale Duqa Degmada Axmed Daahir Xasan ayaa waxa uu sheegay in ay hadda wixii

ka danbeeya ay hawl gali doonaan dhamaanba xafiisyada Dawlada Somaliland ee ay ku

leedahay Gobolka Sool si dagdag ahna loo furi doono dhamaaba xafiisyadaasi.

 

Xafladan maanta ka dhacday hoolka shirarka ee Dawlada hoose ayaa ahayd xafad ku

bilaabatay jawi daganaansho ah oo ay dadka halkaasi isugu yimi ay si wayn ugu

faraxsanaayeen xafladaasi iyadoo ay halkaakisna ay ka hadleen dadawayne fara badan

iyo waliba masuuliyiin.

 

Isku soo wada duuboo waa markii ugu horaysay ee xafiiska Dawlada hoose si rasmi ah

loo furo oo ay furaan maamulka Somaliland tan iyo intii dhidibada loo aasaasay oo

ay ka furaan Gobolka Sool iyadoo uu horay xafiiskani u shaqayn jiray oo uu ufuraa

maamulka Puntland.

 

 

 

Source: Afnugaal :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2007-10-25 (Hadhwanaagnews) Laascaanood(HWN) Xubnaha Maamulka Degmada laascanood iyo xubnaha ka tirsan xukuumada somaliland ee ku sugan magaalada laascaanood ayaa irirdaha ufuray xafiiskiisa dawalda hoose ee magaalada laascaanood, tan iyo mudo gaadhaysa shan sano markii maamulka somaliland ka baxay gudahda laascaanood.

 

Xaflad Balaadhan oo loo sameeyay furitaanka xafiiskaas oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyinta xukuumada somaliland iyo Maamulka Dawlada Hoose culima awdiinta Magaalada iyo Duqaytida dhaqanka ee magaalada ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Dawlada hoose ee magaaldaas.

Xaflada ayaa ugu horayn waxaa furay Duqa Degmada Laascaanood oo si wayn ugu soo dhaweeyay halkaasi dhamaanba bulshadii ka qayb qaadatay xaflada isagoo si wayn uga mahad celiyay bulshadaasi waxaana uu sheegay in uu xafiisku hadda wixii ka danbeeya uu si rasmi ah ufuran yahay.

 

Sidoo kale Duqa Degmada Axmed Daahir Xasan ayaa waxa uu sheegay in ay hadda wixii ka danbeeya ay hawl gali doonaan dhamaanba xafiisyada Dawlada Somaliland ee ay ku leedahay Gobolka Sool si dagdag ahna loo furi doono dhamaaba xafiisyadaasi.

 

Xafladan maanta ka dhacday hoolka shirarka ee Dawlada hoose ayaa ahayd xaflaad ku bilaabatay jawi daganaansho ah oo ay dadka halkaasi isugu yimi ay si wayn ugu faraxsanaayeen xafladaasi iyadoo ay halkasna ay ka hadleen dadaweyne aad uu fara badan iyo waliba masuuliyiin.

 

 

Si kastaba ahatee markii ugu horaysay ee xafiiska Dawlada hoose si rasmi ah loo furo oo ay furaan maamulka Somaliland tan iyo intii ay la wareege en gacan ku haynta magaalada laascanaood .

 

Cabdisalan Maxamuud Ducaale(ILKacase)

Hadhwanaagnews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this