Cowke Posted June 14, 2010 Wasiirka Warfaafinta Puntland oo si wayn loogu soo Dhaweeyay Magaalada Minneapolis (Sawiro) Xaflad aad loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan qaybaha bulshada ee jaaliyadda soomaaliyeed oo degan labada magaalo ee mataanaha ah iyo nawaaxigeeda ayaa habeenimadii xalay oo ay bishu ahayd 06/13/2010 ayaa lagu qabtay hoolka oo wayn ee ku yaala university . Xafladaasoo ahayd mid si aad ah loo soo aggasimay isla markaana aad ka arkaysay dhamaan jaaliyaddii ka soo qaybgashay faexadda iyo is marxabaynta ka muuqatay . waxaa xafladaas ka soo qayb galay odayaal dhaqameed haween aqoonyahanno iyo dhalin iyo ulumaaudiin oo dhamaantood ka kala yimid qaybaha kala gadisan ee labada magaalo ee mataanaha ah iyo waliba magaalooyinka u dhow ee Rochester . Xafladda waxaa lagu furay sidacaadada ah ayadaha quraanka , ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay Boqor Abdulaahi axmed khayre wuxuuna dhamaan dadkii iyo wasiirkaba kula taliyay in laga shaqeeyo sidii qarankii iyo isku duubniii soomaaliyeed loo soo celin lahaa wuxuu yidhi waxaan baaq u dirayaa nabad ah dhamaan shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba in ay ka shaqeeyaan side nabad loogu wada noolaan lahaa ma doonayno xabad madoonayno in caruurteena iyo odayaasheena iyo haweenkeenaba ay subax walba ku waabariistaa xabad iyo madfac . Waxaa kaloo halkaa ka hadal kooban ka yidhi oday dhaqameed Mohamed cabdi qaac wuxuuna soo dhaweeyay wasiirka sidoo kale waxaa ku xigay Mohamed Hassan ******oow oo isna u hadlay (DPF) oo ah ururka qurba joogta wuxuuna yidhi wasiirku waxaa uu ahaa dhalintii wax ka abaabushay ururkaan waana an soo dhawaynayaa anoo si fiican u aqaan kartidiisa . Intaa ka dib waxaa hadlay gudoomiyaha comunitiga la magic baxday banaadiri Mohamed Osman isagna wuxuu soo dhaweeyay wasiirka wuxuuna kula dardaarmay inuu wasiirka ka geeyo fariin ah in puntland ay wado nidaamkii fedraalka taasoo aad loogu riyaaqay . waxaa ka dib hadlay faddumo hiirad oo ahayd muddo sodoon sano wariye ka tirsan idaacadii la oaran jiray (radio mugadishu ) waxayna u hadlaysay dhamaan haweenka soomaaliyeed meelmkasta ay joogaan waxay tidhi faadumo dalkeenii rajo wayn ayaan ka qabaa anigu ma an qabo inuu dalkii burburay sida ay soomaalidu inta badan qabto balse waxaa naga maqan oo kaliya nidaam dowladeed iyadana hadduu alle idmo waa la helayaa . Hodan caruuse oo iyadana ka tirsan urur la yiraahdo (Somali Woman Association ) ayaa iaydana soo dhawaysay wasiirka waxayna sheegtay in haweenka soomaaliyeed ee puntland ahaayeen kuwii asasay puntland iyadoo intaa raacisay waa la qariyaa xaqiraad dumarka awgii . Farhiya cabsiiye oo ah suxufiyad ka shaqaynaysay idaacada (V.OA) iyadoo iska casishay ka dib markii ay ku aragtay in lagu xadgudbay iyada xuquuqdeedii iyo suxufiga xuquuqdiisa . waxayna dadkii u sheegtay inay hadda ku guda jirto filim documentary ah oo ka hadlaya caruurtii soomaliyeed ee magaaladan Minneapolis laga kaxeeyay si ay uga dhinac dagaalamaan urur diimeedka la yiraahdo Alshabaab oo dagaal baan kula jira dowladda taagta daran iyo ciidamada shisheeye ee Amison .ugu dabnabayntii waxaa lagu soo dhaweeyay wasiirka oo runtii aad ugu hambalyeeyay dhamaan dadkii waqtigooda sharafta leh u soo huray ee ka soo qayb galay xafladaa iyo dhamaan suxufiyiintii ka soo qaybgalay maadaama uu yahay wasiirka warfaafinta waxa uu dadkii tusay horumarka ay ountland ku talaabsatay iyadoo ay dhamaan dadkii ka soo qybgalay aay aad ula dhaceen filmkaa ka turjumayay hormarka xagaa aminiga iyo warfaafinta iyo waxbarashadaba ay gaartay . wuxuu dhamaan wasiirkii kula dardaarmay inay taageeraan nidaamka dowlad wadaaga ee puntland wado isagoo uga digay dadka qurbaha jooga inay ka waantoobaan dabka ay shidayaa iyo buun buuninta ay fadhi ku dirirka kula sheegaystaa wadankiina ku dadaala siduu nabad u heli lahaa buu hadalkiisa ku soo gabagabeeyaya wasiirka . Waxaa diyaarshay noona soo direy Somali America media mpls mn Mohamed Hussein osman Mxuseen840@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites