Sign in to follow this  
Xoogsade

Dad caraysan oo gubay calanka Ethiopia

Recommended Posts

Xoogsade   

Dad caraysan oo gubay calanka Ethiopia

 

Maxamed Maxamuud Dhoorre

BBCSomali.Com

 

 

 

 

 

Ciidamada Ethiopia waxay baaritaanno ka sameeyeen degaannada ku dhow-dhow wasaaraddii hore ee gaashaandhigga

Dadku waxay ku doodayaan in ciidammada Ethiopia oo goobtaas baaritaan ka sameynayay ay iyagu halkaa sureen calankooda, hase yeeshee afhayeen u hadlay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa beeniyay in calanka ay sureen ciidammada Ethiopia.

Afhayeenku waxa uu ku tilmaamay in ay ka dambeeyeen dad doonaya in ay shacabka kiciyaan.

 

Ciidammada Ethiopia oo ku sugnaa goobta calankooda lagu gubayay, wax jawaab ah kama aanay bixin.

 

Baaritaan

 

Ciidamada Ethiopia ee saldhiggoodu yahay wasaaraddii hore ee gaashaandhigga ayaa xalay iyo saakaba baaritaanno ka waday degaanka ku dhow wasaaraddaasi ee Shiirkole ofishaale iyo dhabarka dambe ee wasaaraddaasi, iyagoo baarayey guryaha iyo gaadiidka maraya degaankaasi.

 

Calanka Ethiopia oo la arkay isagoo ka suran degaankaasi Shiirkole ee ciidamada Ethiopia ay baaritaanka ka wadeen ayaa waxaa ku qamaamay dadweyne aad u badan, kuwaasoo gubay calankaasi.

 

Aragtida goobjoogeyaasha

 

Goobjoogeyaal ku sugnaa degaankaasi ayaa sheegay in calankaasi Ethiopia laga suray dhowr goobood oo ay ku jirto wasaaraddii hore ee gaashaandhigga, isla markaana ay ka dambeeyeen ciidamada Ethiopia, hase yeeshee waxaa taasi beeniyey afhayeen u hadlay dowladda KMG ah oo qiray in calankaasi la suray meesha, hase yeeshee ay sureen dad uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay fidno ka dhex abuuraan shacabka iyo dowladda KMG ah.

 

Agagaarka wasaaraddii hore ee gaashaandhigga ayaa waxaa dhowaan ka dhacay dagaal xooggan oo dhex maray ciidamada Ethiopia ee halkaasi ku sugan iyo kooxo hubaysan oo weerar ku qaaday, wuxuuna ahaa dagaalkii labaad ee fool-ka-fool loogala horyimaado ciidamada Ethiopia, wuxuuna dagaalkaasi sababay dhimashada ilaa 11 qof inta la ogyahay, iyadoo 15 kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo ciidamada Ethiopia ay madaafiic ku garaaceen dhowr goobood oo magaalada Muqdisho ka tirsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this