Xoogsade Posted February 27, 2007 Dad caraysan oo gubay calanka Ethiopia Maxamed Maxamuud Dhoorre BBCSomali.Com Ciidamada Ethiopia waxay baaritaanno ka sameeyeen degaannada ku dhow-dhow wasaaraddii hore ee gaashaandhigga Dadku waxay ku doodayaan in ciidammada Ethiopia oo goobtaas baaritaan ka sameynayay ay iyagu halkaa sureen calankooda, hase yeeshee afhayeen u hadlay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa beeniyay in calanka ay sureen ciidammada Ethiopia. Afhayeenku waxa uu ku tilmaamay in ay ka dambeeyeen dad doonaya in ay shacabka kiciyaan. Ciidammada Ethiopia oo ku sugnaa goobta calankooda lagu gubayay, wax jawaab ah kama aanay bixin. Baaritaan Ciidamada Ethiopia ee saldhiggoodu yahay wasaaraddii hore ee gaashaandhigga ayaa xalay iyo saakaba baaritaanno ka waday degaanka ku dhow wasaaraddaasi ee Shiirkole ofishaale iyo dhabarka dambe ee wasaaraddaasi, iyagoo baarayey guryaha iyo gaadiidka maraya degaankaasi. Calanka Ethiopia oo la arkay isagoo ka suran degaankaasi Shiirkole ee ciidamada Ethiopia ay baaritaanka ka wadeen ayaa waxaa ku qamaamay dadweyne aad u badan, kuwaasoo gubay calankaasi. Aragtida goobjoogeyaasha Goobjoogeyaal ku sugnaa degaankaasi ayaa sheegay in calankaasi Ethiopia laga suray dhowr goobood oo ay ku jirto wasaaraddii hore ee gaashaandhigga, isla markaana ay ka dambeeyeen ciidamada Ethiopia, hase yeeshee waxaa taasi beeniyey afhayeen u hadlay dowladda KMG ah oo qiray in calankaasi la suray meesha, hase yeeshee ay sureen dad uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay fidno ka dhex abuuraan shacabka iyo dowladda KMG ah. Agagaarka wasaaraddii hore ee gaashaandhigga ayaa waxaa dhowaan ka dhacay dagaal xooggan oo dhex maray ciidamada Ethiopia ee halkaasi ku sugan iyo kooxo hubaysan oo weerar ku qaaday, wuxuuna ahaa dagaalkii labaad ee fool-ka-fool loogala horyimaado ciidamada Ethiopia, wuxuuna dagaalkaasi sababay dhimashada ilaa 11 qof inta la ogyahay, iyadoo 15 kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo ciidamada Ethiopia ay madaafiic ku garaaceen dhowr goobood oo magaalada Muqdisho ka tirsan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xoogsade Posted February 27, 2007 Small victory for us anti-xabashis and their somali spies Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 27, 2007 ciil aan qabay maro ma kula dhacay ,,,,, RAGGA U BADHEEDHA DHEH MARYAHA ISKA DAAYA OO ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xoogsade Posted February 27, 2007 You think they wouldn't yaa jeceel? dadka tabar baa ciishay ee Amxaar muusan gumeesteen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 27, 2007 then they should realize that and stop burning clothes ,,,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites