Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: NRC Somali clans forgive each other on the holly Quran

Recommended Posts

ergo_iscafin.jpg

 

wararkii ugu danbeeyay ee shirka dib u heshiisiinta beelaha oo maanta horumar laga

gaaray { 05 Aug 2007}

 

waxaa la daabacay Sun 05 Aug 2007 15: 06: 45

Shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ugu socday magaalada Muqdisho ayey maanta shanta beelood ee ka qeybgalaya dhamaantood ay si qaraaxad leh isugu cafiyeen ugana calool duubteen wixii horay ugula dhex maray beelaha Soomaaliyeed.

Shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ugu socday magaalada Muqdisho ayey maanta shanta beelood ee ka qeybgalaya dhamaantood ay si qaraaxad leh isugu cafiyeen ugana calool duubteen wixii horay ugula dhex maray beelaha Soomaaliyeed.

 

Ugu horeyn beesha ****** oo uu horkacayo Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa 114 Kitaab Qur'aanka kariimka ah ugu hoyatay beesha ******* iyadoo ay socotay qasiidooyin Nabi amaan ah, Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King Kong) oo ka wakiil ahaa beelaha ******* ayaa ka guddoomay beesha ****** kuwaasoo iyaguna si wada jir ah ugu sii gudbiyay beelaha Digil iyo Mirifle.

 

Maxamed Cabdullaahi Fiqi oo isna ku hadlayey magaca beelaha......... ayaa ka guddoomay beelaha ****** iyo ******* isagoo sheegay iney qaateen cafiska iyo galiinka ay u soo jeediyeen labadaasi beelood oo horay ugu tabanayeen iney u geysteen tacadiyo iyo xadgudubyo, sidoo kale beelaha ******, ******* ......... ayaa Kutubtaasi ay u gudbiyeen beesha Direed oo ay ugu galiimeen una weydiisteen iney cafiyaan kana guddoomaan.

 

Boqor Raabi oo u hadlayey........ ayaa ka guddoomay sadaxdaasi beelood una sheegay iney iska cafiyeen wixii horay u dhacay oo ay xalay dhalay ka yihiin isagoo raaciyay iney ka rumeeyaan cafiskaasi codsadayna in sidooda afarta beelood ay ugu galiimaan beelaha isbaheysiga oo uu sheegay iney iyagu yihiin kuwa ugu dhibaatada badan ee 17-kii sano ay ku dhaceen tacadiyo iyo xadgudubyo ka gaar ah kuwa ku dhacay shacbiga Soomaaliyeed.

 

Gabagabadii beelaha Soomaaliyeed markii ay is cafiyeen ayaa loo gudbay ka doodista qodobka Sagaalaad ee ah xagjirnimada Diineed taasoo hoolka shirarka ka dhalisay dood iyo falanqeyn la xiriirta in marka hore la macneeyo erayga xagjir iyo waxa loola jeedo.

 

Maxamed Ismaaciil oo ka mid ahaa ka qeybgalayaasha ayaa sheegay iney bannaan tahay in lala dagaalamo kooxaha xagjirka ah oo aan marnaba ogoleyn wada hadal, deganaansho iyo horumar.

 

Dood iyo falanqeyn dheer oo mararka qaar gaartay in Makroofanada la isku ciriiriyo ayaa Sh. Cali Nuur Macallin uu halkaasi ka jeediyay erayo kul kulul oo uu sheegay in xagjirnimada hadey tahay mid Diineed ay Soomaalidu danbi ku tahay in wax laga sheego hadii ay taasi kuwo qaraxyada iyo weerarada wada ay banaan tahay in laga doodo.

 

Gobolkabanaadir.com

 

[ August 06, 2007, 01:51 AM: Message edited by: The Duke ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa maanta looga hadlay shirka dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed?

 

Mogadishu,5,August 2007 "HornAfrik Media"

 

Beelaha ka qayb qaadanaya shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed ee ka soconaya Magaalada Muqdisho ayaa maanta isla gaaray in gabi ahaanba la iska ilaawo waxyaabihii hore iyadoo kulankii maanta ay isku wada gudoonsiiyeen Kitaabka quraamka kariimka.

 

Digri ayaa lagu bilaabay marka la is gudoonsiiynayey kitaabka quraamka kariimka ,iyadoo maxabaysi xoogan uu ka dhex muuqday ergooyinka shirka.

 

Guddiga ayaa maanta soo diyaariyay kitaabo aad u fara badan kuwaas oo loo qeybiyey beelaha,iyadoo la sheegay in kutubtaasi ay yihiin kuwa la doonayo in beelaha ay isku cafiyaan.

 

Beesha ****** oo uu hor kacaya Imaam Maxamuud ayaa waxaa ay beelaha ******* gudoonsiiyey isi madooda kitaab deetaana labada Beelood ee ******* iyo ****** oo wada jira ayaa gudoonsiiyay kitaabka beelaha kale ee digil iyo mirif kale iyagoo sadaxdaasi beelood ay hadana wada gudoonsiiyay beelaha direed

 

Beelaha *******,******,,,,,,,,,,,...., waxaa ay wada gudoonsiiyeen kitaabkaasi beesha shanaad.

 

Beelaha shanaad ayaa sheegay inay in ay ku qanacsanyihiin waxa maanta ka dhacay laakinse ay tahay in magaca loo bixyey laga daayo habka 4.5 kana isna loo baahan in la dhaafo waayo bay dheheen waa aan dhibsanay.

 

Sidoo kale haweenka shirka ka qaybgalaya ayaa la gudoonsiiyay kitaabtaasi quraamka ah.

 

Ugu dambeyn gudoonka shirka ayaa waxaa ay daaha ka qaadeen in wixii khilaaf ahaa ee u dhaxeeyey beelaha ay halkaasi ku dhamaadeen kuwaas oo hada kadib u gudbi doona ergooyin qaran.

 

Dhinaca waxaa maanta looga dooday shirka beelaha qodobka 9-aad ee ka mid ah 11 qodob ee ajandayaasha shirka dib u heshiisiinta qaran kaasoo ah in la ergooyinku ay ka doodaan xagjirnimada diinta islaamka iyadoo qaar kood ay ka codsadeen shir gudoonka in loo macneeyo erayga agjirnimada iyadoo isla maanta dib loo dhigay qodobkaasi oo barri lagu wado in la sii wado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Halkuu marayaa shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya?

By Falastin A. Iman

30-July-2007

 

Shirweynaha dib u heshiisiinta Qaran ee ka socda Muqdisho ayaa Isniintii (30kii July07) galey maalintiisii 15aad oo ergooyinka ka wakiilka ah beelaha hirka jooga ay gudbiyeen cabashooyin ay kala tabanayeeaan.

Waxyaabaa sida weyn looga doodey maalmihii u dambeeyey waxa ka mid ah qeybsiga loo baxshey ‘point five’ ama beelaha loogu yeero ‘others’ oo beelahaasi ay ku doodeen in qeybsigaas iyaga nuska ka dhigaya la baab’iyo.

 

Shir guddoonka shirweynuhu waxa ay ku celcelsheen in shirkani uu noqon doono mid siyaasadeed waxana ay kuwa shirka ka maqan ugu baaqeen in ay ak soo qeyb galaan.

 

Waxase shir guddoonku sheegey in marka hore dadku is-cafinayo oo la isku qalbi xaaray beelaha wax kala tirsanay.

 

Shirkan oo la filayo inuu socdo laba bilood ayaa beesha caalmku u qoondeysey lacag gaareysa $8.5 malyuun.

 

Waxyaabaha la filayo in shirka lagu falaaqeeyo waxa ka mid ah arimo khuseeya midnimada qaranka iyo wanaajinta is-xukunka wanaagsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beelaha Soomaaliyeed ee ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta oo maanta si guud isu cafiyay

 

Axad, August 05, 2007(HOL): Beelaha Soomaaliyeed ee Shanta ah ee ka qeyb qaadanaya shirweynaha dib u heshiisiinta Qaran ee Beelaha Soomaaliyeed ayaa maanta iska cafiyay wixii dhibaato ahaa ee hore u soo maray iyo dagaaladii dalka ka socday mudadda dheer.

 

beelaha waxay kala guddoomeen kitaabada Qur'aanka kariimka ah oo beel walba xaalmaris ahaan loo siiyay, iyadoo beel kastaahi ay madasha ka caddaysay markii ay gudoontay kitaabadaasi inay ku qanacsan tahay is cafinta beelaha Soomaaliyeed dhex martay.

 

Shir gudoonka shirka Qaran ee Beelaha Soomaaliyeed Md. Cali Mahdi Maxamed ayaa soo jeediyay inay Beelaha Soomaaliyeed isku xaal mariyaan Kitaabka Alle, wuxuuna sheegay in marka hore ay beesha ****** xaal mariso Beesha *******, iyadoo intaasi kadibna ay labada beelood ee ****** iyo ******* si wadajir ah u xaal marin doonaan beesha ............, intaasi dabadeedna ay saddexda beelood ee ******, ******* iyo .......... oo wadajira ay wada xaal marinayaan beesha ***, kuwaasi oo marka danbe afarta Beelood si wadajira xaal marinayaan Beesha Shanaad oo eedo badan ka wada tirsanaysa wallaalahooda kale.

 

Tallo soo jeedintaasi kadib ayaa beelaha Soomaaliyeed waxay si kala gooni gooni ah ay u fuliyeen codsigii guddoonka sidii loogu talagalay, waxaana beel walba hogaaminayay madax dhaqameedka ay leeyihiin kuwaasoo ka tacsiyadeeyay wax kasta oo xumaan ah oo beeshooda laga tirsanayo.

 

Hadallo ay halkaasi si kala duwan ay uga soo jeediyeen Imaam Maxamuud Imaam Cumar, Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King Kong), Boqor Cabdullaahi Raabi iyo kuwo kale oo ku kala hadlayay magacyada beelaha ******, *******,........, ..... iyo Beesha Shanaad ayaa mid walba wuxuu si gooni ah uu u caddeeyay in uu raali ka yahay sida loogu soo hoyday iyo qaabka looga raali geliyay wixii horey u dhacay oo xumaan ahaa.

 

Is cafintaasi ka hor ayaa shirweyanaha qaran waxaa uu kao dooday qodobkii ku aadanaa xag-jirnimada Diinta oo ah qoddobka sagaalaad oo Shirweyanaha Qaran uu ka doodayo.

 

Culumaa'udiin ay ka mid yihiin Sheekh Muuse Cadde, Sheekh Xasan Cabdi Yarow, Sheekh Maxamed Guuleed Muuse, Sheekh Sayid Cali iyo xubno kale ayaa si aad ah uga dheereeday qodobkan xasaasiga, waxaana ay culimadaasi shirweynaha ka sheegeen in xilligaan ay Soomaaliya ka jirto wax ku sheegeen Fitno Diimeed, waxayna ku celceliyeen in dhibaatada diinta ay tahay mid waqtigaan aad uga adag, iyaga oo xusay in dalka Soomaaliya ay xilligaan ay ka jiraan firqooyin Diimeed oo isugu jira takfiir, Tabliiq, Itixaad, Shabaab, Shiico, Quraniya, Calmaaniya, iyo kuwa kale oo aad u badan.

 

Culimaadasi waxay qireen in dalka Soomaaliya la soo geliyay sanadahan dambe kitaabo aad u fara badan oo dhamaantood ka hor imaanaya diinta Islaamka, waxayna soo jeediyeen in dib loogu noqdo kitaabka ALLE.

 

Gabagabadii kulankaii maanta ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed oo sheegay in shirguddoonku shirka ku faraxsan yahay sida ay maanta beelaha Soomaaliyeed u kala qaateen xaal marintii ku aadnayd dhibaatadii kala gaartay oo beel waliba la siiyay Kitaabka Qur'aanka kariimka ah, waxuuna ku nuuxnuuxsady in Berito dib la isugu soo laaban doono ka dooddida qodobka xag-jirnimada Diimeed oo maanta bilowday.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^One must undertsand the topic one wants to contribute towards.

 

The elders of the Somali clans have forgiven each other on the Quran. This is a landmark moment, what happened in the past is past lets starts a fresh.

 

The Quran is your reward for forgiving what was done to you and what you did is forgiven by others. A powerful testiment.

 

Nothing to do with TFG, politics or governemnt.

 

ergo_iscafin.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this