Qandalawi Posted November 20, 2009 Roma: “ Nasiib daro weeyaan in manta la hor istaago gobalka Soomaaliyeed oo horumarkiis” Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. 20. november 2009 Rooma(AllPuntland)- Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cumar C/rishiid Cali Sharmaake oo ah masuulkii dawladda KMG ah usaxiixay heshiiskii magaalada Gaalkacyo ee Puntland, ayaa shaaca ka qaaday in aad uga xun yahay in gobal Soomaaliyeed oo horumar gaaraya laga hor istaago, wuxuuna sheegay in aan laysku xanibi Karin dalka Soomaaliya. Raysalwasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in ay nasiib daro uarkaan arrintaasi, isagoo qiray in khilaafka xooga leh ee udhaxeeya Madaxweynaha dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo Dawladda Puntland uu yahay mid ay ku jiraan xalintiisa, isagoo sheegay in ay dhinacyadu isku qabteen qodobo uu ku sheegay kuwa aan sidaasi ubuurneyn. Mr, Sharmaake wuxuu cadeeyey in ay Puntland ka jirto nabadgalyo iyo horumar, isagoo qiray in la joogo waqtigii lugu taageeri lahaa hormar ay gaarto Puntland, isla markaasna dawladda KMG ah ayuu sheegay in ay masuuliyadeedu tahay in ay gobalada dalka Soomaaliya, inta nabadgalyada ah ay gaarsiiso horumar la gaaban karo. “ Nasiib daro weeyaan in gobal Soomaaliyeed oo horumar gaaray laga hor istaago, waxaana lagama maarmaan in la taageero gobalada nabadgalyada ah, sidii ay usii wadan lahaayeen horumarkooda, koleey mar ayuu wadanka isoo gaarayaaye, waxaana Puntland ka jirto nabadgalyo wanaagsan, dawladda Soomaaliya-na wixii ay awoodo wey ku taageeraysaa oo ku saabsan horumarkaasi” Ayuu yiri Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Raysalwasaaraha Soomaaliya wuxuu qiray in ay socdaan dadaalo lugu doonayo in nabad labada dhinac laysku keeno, isagoo sheegay in ay Puntland tahay meel balaaran oo laga taageersan yahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in aysan dawladda KMG ah ka maarmin taageeradaas. Hadalka Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md, Cumar C/rishiid Cali Sharmaake ayaa ku soo beegmaya xili khilaaf adag udhaxeeya dawladda Puntland iyo dawladda KMG ah, kaasoo oo ku saabsan xaaladaha horumarineed ee Puntland, markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka biyo diiday fulinta qaar kamid ah qodobadii dawladda KMG ah iyo Puntland ay gareen. F. C. Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted November 20, 2009 “ Nasiib daro weeyaan in gobal Soomaaliyeed oo horumar gaaray laga hor istaago, waxaana lagama maarmaan in la taageero gobalada nabadgalyada ah, sidii ay usii wadan lahaayeen horumarkooda, koleey mar ayuu wadanka isoo gaarayaaye, waxaana Puntland ka jirto nabadgalyo wanaagsan, dawladda Soomaaliya-na wixii ay awoodo wey ku taageeraysaa oo ku saabsan horumarkaasi” Ayuu yiri Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Raysalwasaaraha Soomaaliya wuxuu qiray in ay socdaan dadaalo lugu doonayo in nabad labada dhinac laysku keeno, isagoo sheegay in ay Puntland tahay meel balaaran oo laga taageersan yahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in aysan dawladda KMG ah ka maarmin taageeradaas. The question is, what would the consequences be for Sheikh Shariif if Puntland joined one of the opposition groups against the TFG much like they opposed Abdiqasim's TNG during the Arta era? Does he not have enough opposition and violent fighters against him? Why is he trying to anger his PM and the whole of his clan-base of Puntland by not respecting the Galkacyo initiative? Does the man have strategy or he's only blowing off with the wind and lands whaterever? These are few questions that popped into my mind, any answers? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted November 20, 2009 Muqdisho: Shariif Sheekh Axmed oo qirtay in uu diiday qodobadii uu Saxiixay Raysalwasaare Sharmaake…Shir Jaraa’id. 20. november 2009 Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in uu diiday qaar kamid ah qodobadii uu saxiixay Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Mr, Cumar C/rishiid Cali Sharmaake, isagoo sheegay in uu dhawaan kula kulmay magaalada Nayroobi Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya. Shariif Sheekh Axmed oo maanta Muqdisho kula hadlay Wariyaasha ayaa shegay in uu isagu diiday qodobada qaarkood, oo uu ku sifeeyey kuwa aan dan ku jirin, isla markaasna wuxuu sheegay in ay sidaas ku kala tageen dawladda Puntland ee Soomaaliya. Shariif wuxuusan soo qaadin in uu diiday in horumar lagaarsiiyo Puntland, wuxuuna ku soo qaaday hadalkiisa ku wajahan heshiiskii Puntland & dawladda KMG ah in ay ka biyo diideen qodobadii ay soo hordhigtay dawladda Puntland. “ Is afgarad ayay gaareen Puntland & Wafdigii Faderalka ee ugu tagay Gaalkacyo, waa la wada hadlay, anagana Nayroobi ayaan isku aragnay madaxda Puntland, qodobadii ay na soo hordhigeena anagaa diidnay qaarkood” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya. Madaxweynaha dawladda KMG ah ayaa sheegay in ay dawladdiisu ku shaqeynayso sharci iyo kala dambeyn, isagoo ula jeeday in heshiiskaasi qodobada qaarkood ay yihiin kuwa aan waxba dan ah ugu jirin shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna shaaca kaqaaday hadalo maalmihii ugu dambeeyey laysla dhexmarayay oo sheegayay Shariif Sheekh Axmed iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada in ay diidan yihiin heshiiskaasi. Shariif Sheekh Axmed wuxuu sidoo kale soo qaaday hadal ay dhawaan ka carooden Ahlu Suna Waljameeca, wuxuuna sheegay in cid kasta oo hubeysan ay uaqoonsan yihiin Jamhad ka soo horjeeda nabadgalyada Soomaaliya. “ Ahlu Suna waa culumadii Soomaaliyeed, balse hadalkayga ah Jamhad anaa iri, waayo wax kasta oo hubeysana oo jooga Soomaaliya, manta waa Jamhad, marka taas ayuu la xariiraya hadalkeygu” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda KMG ah oo umuuqday mid raaligalinayay Ahla Suna, balse ku adkeystay hadalkisii. F. C. Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted November 20, 2009 So the two top TFG heads are holding press releases, and the conversation between them is going like this: Prime Minister Sharmaarke: It is unfortunate to halt and stop the progress and development of a Somali region. President Shariif Ahmed: I refused to approve and sign the Galkcayo accord, we are against it and of no benefit to the Somali people. What is going on? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sabriye amp co. Posted November 20, 2009 Farooles attempt to blackmail the Somali government has backfired. Prime Minister Cumar cabdirashid sharkaame was naive to even contemplate any possibility of the government accepting or even entertaining such illicit arrangement with the clear cut goal of Extortion. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 20, 2009 Puntland has gained a great advantage today, Sharof Hotel is confused today, his weak words compared to the strong stance of President Faroole highlights who has the upper hand. His own PM, and MP's are against his stance, the weak man is in trouble, Puntland is united not a single person in the state has come on the side of the weak happless Sharif. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sabriye amp co. Posted November 20, 2009 Farooles endless rants on air, complaints and grievances (call for gatherings) depicts him far from anything remotely strong but goes to show exactly how dependant Puntland is on Somalia with its scarce resources of live stock and the infamously unreceptive soil for agriculture. It is about time Faroole realised the Pirate era is coming to an end as his disappointment here stems largely from the dismissal of his hopes in extorting the Central Government of Somalia by H.E. President Sh Shariif Sh Axmed. Majority of Somali pundits have declared this a case of “Once a Burdhcad, Always a Burdhcad” while supporting Sh Shariifs firm stance against corruption as they call for more crooks to be left High & Dry in their illicit & irrational pursuits. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 20, 2009 ^^^Faroole has decided to play his role as the most powerful Somali figure around. Sharif Hotel is the one who is know begging and wanting to make a deal. I respect my President for he took a stance that was serious, and did not play the usual silly Somali double speak. Puntland progress, is non negotiable, Puntland status as the only functioning state in all of Somalia that wants unity is not in question. A fake "religious" leader who can not travel to Jowhar and Balcad and is full of clan envy, Sharif Hotel will not be able to withstand the truth, in Puntland he deals with a competent power waiting to lead all of Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites