SOO MAAL Posted June 15, 2005 "Madaxweynaha Bil walba 200’000 Kun oo Dollar ayaa Looga Keenaa Total.." Inj Maxamed Xaashi Cilmi, Jun-15-2005 Wasiirkii hore ee Ganacsiga JSL inj Maxamed Hashi Cilmi oo wakhtigan ah mucaarid madaxbanaan ayaa ku eedeyay kukumadda madaxweyne Dahir Riyaale Kaahin in ay masuul ka tahay sicir bararka ama qiimo korodh-ka shidaalka dalka. Inj Maxamed Xaashi oo kal Hore Xilka uu ka qaaday Madaxweyne Daahir Reyaale Kaahin ayuu shir jaraa’id oo uu qabtay Shalay waxa uu ku yidhi sidan. “ Xukumaddu waxa ay si qayrul caadi ah u kordhisay qiimaha shidaalka iyadoo qiimaha foostada batrool-ka ah ku kordhisay $10 dollar, foostada naaftada ahna $ 20.90 dollar. Marka la isku eego labada qiime ee la kordhiyay waxa badan ka naafatada lagu kordhiyay oo ah ta ay dadka intooda badani ku xidhan tahay; Haddii beer la qodayo, haddii light la shidayo iyo haddii biyo la soo saarayo." Inj. Xashi wuxuu intaa ku daray, "...Waliba Dalwadaha Aduunku cashuur badan ma saaran naaftada ee iyagaa kaaba." Inj Maxamed Xaashi Cilmi waxa kale oo uu si adag u naqadiyay heshiiskii ay dawladdu kaga kiraysay haamaha shidaalka ee Berbera shirkadda Total oo ah ta imika gacanta ku haysa iibinta shidaalka dalka. "Heshiisaaksi waxa uu ahaa sharci jabin, xukumadu kama bixin qandaraas iyadoo shirkado badani danaynayaan haamaha shidaalka." Ayuu yidhi Maxamed Haashi Cilmi. "Waxa kale oo jira dayactirka haamaha Total ku qiimaysay $ 700’000 dollar inaga Somaliland waxa la inoo xisaabiyay $ 3600’000 dollar waxa umada khasaare la galiyay 2900’000" Ayuu Inijneerku ku nuux-nuuxsaday. Inj. Maxamed Xaashi waxa kale oo uu muqadis ku tilmaamay mooshinka maamuus ka xayuubinta madaxweynaha ee la sheegay in ay wadaan xubno ka mid ah golaha wakiiladdu. Inj. Xaashi waxa kale oo uu intaasi raaciyay, "Bil walba $200’000 dollar ayaa looga keenaa Total." Waxana uu hadalkiisii ku soo gebagebeeyey, ".. ninka intaa marayaa ee aan dambi ka baqaynin ee maanta ku hawlan inaan la furin golahii wakiilada†Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo mucaarid aad u adag noqoday tan iyo kalhore markii xilka dawladda uu ka degay. C/Casiis Muse Hadhwanaagnews Hargeysa, Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites