Sign in to follow this  
SOO MAAL

Riyaale Bil walba 200’000 Kun oo Dollar ayaa Looga Keenaa Total

Recommended Posts

SOO MAAL   

"Madaxweynaha Bil walba 200’000 Kun oo Dollar ayaa Looga Keenaa Total.." Inj Maxamed Xaashi Cilmi, Jun-15-2005

 

 

 

Wasiirkii hore ee Ganacsiga JSL inj Maxamed Hashi Cilmi oo wakhtigan ah mucaarid madaxbanaan ayaa ku eedeyay kukumadda madaxweyne Dahir Riyaale Kaahin in ay masuul ka tahay sicir bararka ama qiimo korodh-ka shidaalka dalka.

 

 

 

Inj Maxamed Xaashi oo kal Hore Xilka uu ka qaaday Madaxweyne Daahir Reyaale Kaahin ayuu shir jaraa’id oo uu qabtay Shalay waxa uu ku yidhi sidan.

 

 

 

“ Xukumaddu waxa ay si qayrul caadi ah u kordhisay qiimaha shidaalka iyadoo qiimaha foostada batrool-ka ah ku kordhisay $10 dollar, foostada naaftada ahna $ 20.90 dollar. Marka la isku eego labada qiime ee la kordhiyay waxa badan ka naafatada lagu kordhiyay oo ah ta ay dadka intooda badani ku xidhan tahay; Haddii beer la qodayo, haddii light la shidayo iyo haddii biyo la soo saarayo." Inj. Xashi wuxuu intaa ku daray,

 

 

 

"...Waliba Dalwadaha Aduunku cashuur badan ma saaran naaftada ee iyagaa kaaba."

 

 

 

Inj Maxamed Xaashi Cilmi waxa kale oo uu si adag u naqadiyay heshiiskii ay dawladdu kaga kiraysay haamaha shidaalka ee Berbera shirkadda Total oo ah ta imika gacanta ku haysa iibinta shidaalka dalka.

 

 

 

"Heshiisaaksi waxa uu ahaa sharci jabin, xukumadu kama bixin qandaraas iyadoo shirkado badani danaynayaan haamaha shidaalka." Ayuu yidhi Maxamed Haashi Cilmi.

 

 

 

"Waxa kale oo jira dayactirka haamaha Total ku qiimaysay $ 700’000 dollar inaga Somaliland waxa la inoo xisaabiyay $ 3600’000 dollar waxa umada khasaare la galiyay 2900’000" Ayuu Inijneerku ku nuux-nuuxsaday.

 

 

 

Inj. Maxamed Xaashi waxa kale oo uu muqadis ku tilmaamay mooshinka maamuus ka xayuubinta madaxweynaha ee la sheegay in ay wadaan xubno ka mid ah golaha wakiiladdu.

 

 

 

Inj. Xaashi waxa kale oo uu intaasi raaciyay, "Bil walba $200’000 dollar ayaa looga keenaa Total." Waxana uu hadalkiisii ku soo gebagebeeyey, ".. ninka intaa marayaa ee aan dambi ka baqaynin ee maanta ku hawlan inaan la furin golahii wakiiladaâ€

 

Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo mucaarid aad u adag noqoday tan iyo kalhore markii xilka dawladda uu ka degay.

 

 

 

C/Casiis Muse

 

Hadhwanaagnews

 

Hargeysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this