Sign in to follow this  
General Duke

23/06/2008-Al Shabaab attacks kill many civilans keep more hungry

Recommended Posts

Warbixin: Kooxda Alshabaab oo asbuucaan fuliyay shirqooladii iyo dilalkii ugu badnaa

Posted to the MOL June 23, 2008, 6:47 am

 

Kooxda Alshabaab ee dagaalka ka wada koonfurta Somaliya ayaa asbuucaan fuliyay shirqooladii ugu badnaa intay falalka noocaan ah soo bilaabeen illaa sannadkii 2000 wixii laga soo bilaabo.

 

Maalintii shalay ayay kooxdaas afduub ku kaxaysteen madaxii hay’ada qaxootiga ee QM taas oo dhabar jab ku noqotay howlihii bini’aadninimo ee ay haya’adaas ka waday koonfirta Somaliya.

 

Magaalada Baledweyne ayaa isna waxaa kooxda Alshabaab ku toogteen madaxii hey'adda CRD ee Gobolada Dhexe Allaha u xariistee Maxamed Xasan Kulmiye. Waxaa isla magaalada Baladweyne lagu dilay doraad mid ka mida ahaa dadka shacabka ah, kaas oo kooxda Alshabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeeyay ciidamada itoobiya.

 

Waxaa magaalada Muqdisho isna lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada booiiska ee dowladda kmg ah ee Soomaaliya, Sargaalkaas ayaa lagu dilay shirqool ka dib markii gaari uu watay loo dhigay miino wadada geeskeeda loogu qariyay. Sarkaalka qaraxa lagu dilay waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Waasuge oo ahaa taliyaha booliska ee qeybta Galbeed ee magaalada Muqdisho.

 

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu dilay nabadoon Cabdirisaaq Farabadane Guhaad. Miino ayaa waxaa loo hoosgaliyay marxuumka gaarigiisa uu watay, waxaa isla goobtii ku nafwaayay darawalkii gaariga waday, nabadoonka ayaa ku geeriyooday cisbitaalka Gaalkacyo saacado yar ka dib. Warar aan Gaalkacyo ka helayno ayaa sheegaya in nabadoonkaas qabiil ahaan loo dilay iyagoo warar soo baxaya ay sheegayaan in dilkiisa uu soo amray Sh. Xasan Daahir Aweys oo ah madaxa kooxda Alshabaab.

 

Waxaa intaas oo shirqool oo ay kooxda Alshabaab fuliyeen ka sii daran iyagoo laayay dad kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan. Kooxda Alshabaab ayaa bomb gacmeed ku tuurtay Shineemo Afrika oo ku taala Degmada Xamar Jajab, halkaas oo dhalinyaro badan aya ku daawanayeen Filim uu inta la ogyahay 2 ku dhimatay halka illaa 6 kka midana ay ku dhaawacmeen.

Shinneemo ku taal magaalada Baydhabo ayaa iyana waxaa lagu tuuray bomb gacmeed iyadoo Ugu yaraan Afar qof ay ku dhinteen shirqoolkaas iyadoo tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

 

Haddaba isku duuboo dadka Somaliyeed ayaa meel walba oo ay ka joogaan koonfurta Somaliya dareemay arxan darada kooxda Alshabaab asbuucaan, iyadoo aysan dowlada KMG ahi wali helin qaab istiraajiyadeed oo ay kula dagaalaan kooxdaas diin iyo qabiil isku dhexjira awgiis u laynaysa dadka shacabka ah.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Interpeace, CRD, PDRC & APD oo ka hadley dilkii Kulmiye

23 Jun 23, 2008 - 8:01:46 AM

 

nterpeace iyo Hay'adaha Somalida ee gacan saarka la leh ayaa ku tilmaamey wax laga xumaado dilkii Eng. Maxamad Xasan Kulmiye loogu gaystey maalintii shaley 22 June,2008 magaalada Baldweyne.

 

 

Eng. Maxamad Xasan Kulmiye

Alaha u naxariiste Eng.Kulmiye ayaa madax ka ahaa hay'ada CRD xafiiskeda gobolada dhexe gaar ahaan gobolka Hiraan.

 

Hay'adahaan ayaa tacsi u direy dhamaan ehelka Kulmiye, asxaabtiisa shaqada iyo dhamaan shacabka Somalida iyaga oo ku tilmaamey in Marxuumkaan si aan nasasho laheyn uga shaqeeyey nabad ku soo dabaalida gobolka Hiraan iyo dhamaan Somalia.

 

Kulmiye ayaa Alaha u Naxariistee xafiiska CRD ee gobolka Hiraan shaqadiisa bilaabey Labo sano ka hor halkaas oo isaga iyo howlwadeno kale ee hay;ada ka qayb qaateen nabadeynta dagaalo beleedyo ka dhacey gobolka Mudug, Mahas iyo Ceel Buur.

 

Dadaalada nabadeed ee Kulmiye ayaa dhamaan ku soo dhamaadey dib-u heshiisiin dhab ah oo dhexmartey qabaa'ilada walaalaha oo halkaas wada daga.

 

Warsaxafadeedkaan oo nuqul kamid ah soo gaarey Warsidaha Garowe Online ayaa waxaa uu ku qoran yahay afka Ingriiska Halka ka akhri: GUJI

 

Garowe Online,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this