Sign in to follow this  
Jabhad

Qaad lagu gubay Muqdisho.

Recommended Posts

Jabhad   

Qaad lagu gubay Muqdisho

15 Nov 15, 2006, 09:37

 

 

 

 

Markii ugu horeysay ayaa Maxkamaddaha Islaamiga maanta duhurtii Qaad ku gubeen magalada Muqdisho, kadib markii mudo sadax maalin ah uu ka maqnaa, iyadoo Qaadkan uu u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed.

 

Jihada uu Qaadkan ka yimid ayaan la ogeyn hase ahaatee Madiino Cali Xasan oo ka mid ah haweenka Qaadkaas u rarnaa ayaa xaqiijisay in maliishiyada Maxkamaddaha ay ku qabteen bar kontorool oo ku taala siinka dheer halkaasi oo ay ku gubeen ilaa iyo in ka badan 10 baabuur oo qiimaha Qaadka saaran lagu qiyaasay kontan iyo shan kun oo Dollar-ka Mareykanka ah.

 

Waxaa suuqyada lagu iibiyo Qaadka dhacdadan kadib lagu arkayey dadka cuna oo aad ugu xumaanaya, hase ahaatee lacagihii ay ugu talagaleen iney ku iibsadaan Qaadka ayaa la arkayey iyagoo macmacaan iyo waxyaabo kale ugu iibinaaya caruurtooda iyo xaasaskooda.

 

Cali Muxayadiin Cali, Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Wararka

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Digniin loo diray shirkadaha sigaarka

15 Nov 15, 2006, 08:22

 

 

 

 

Maamulaha shirkadda Somali Tobacco Company Maxamuud C/llaahi Wehliye ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyay qoraal loogu digayo ka ganacsiga sigaarka, wuxuuna mas'uulkan uu sheegay in laga codsaday in ay joojiyaan ganacsiga sigaarka.

 

Qoraalkan oo kasoo baxay Maxkamadaha Islamiga ayaa waxaa uu mas'uulkan uu sheegay in wada hadalo ay u socdaan Maxkamadaha iyo shirkaddiisa, isagoo intaa raaciyay in shirkaddiisa 70 tan oo sigaar ay ka yaalaan koonfurta dalka Soomaaliya.

 

Maxamud C/llaahi Wehliye ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin joojinta sigaarka balse waxaa uu sheegay in xiligan ay dhibaato kasoo gaareyso shirkaddiisa oo keenta dalka sigaarka la yiraahdo Super Mach oo dadka qaarkood isticmalaan.

 

Golaha Maxkmaddaha Islaamiga ayaa gobolada Jubooyinka ka joojiyay isticmaalka Qaadka, sigaarka iyo noocyada kala duwan ee Tubaakada, iyadoo magaalada Muqdisho ay tahay meesha kusoo xigta in laga mamnuucayo isticmaalka.

 

Cali Muxayadiin Cali, Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

So what is their alternative after all this dramatic economic changes?

 

Do they have welfare system? Fifteen years of self destruction will take at least 50 years of construction….that is only common sense.

 

I smell disaster…do you have any idea how many poor families benefits from selling cigarettes?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this