Gabbal Posted March 18, 2007 Col. Fartaag Oo Ku Jira Isbitaal Ku Yaala Adisa Ababa Oo Ka Warbixiyay Xaaladiisa Mar 17,2007 by Kismaayo-GEDO-NN Col: Cabdullaahi Sheekh ismaaciil Fartaag oo ka tirsan saraakiisha Sarsare ee Xoogga dalka ayaa markii ugu horaysay ka warbixiyay Xaaladiisa Caafimaad ee dhaawacii ka soo gaaray qaraxii 11kii febraayo lala beegsaday Beerta xorriyada Kismaayo. Isagoo khadka taleefanka ugu waramayay Gedonet ayuu kornaylka oo lagu dawaynayo isbitaal ku yaala magaalada Adisababa ee Xarunta dalka Itoobiya, waxaa uu sheegay in uu Wanaagsan yahay islamarkaana uu filayo in dhawaan uu ka soo baxo isbitaalka. “Xaalkaygu waa wanaagsan yahay waa la ii kabay lugta, waxaana aan bilaabay in aan biro ku socdo, waana ilaahay Mahadi” ayuu yiri Fartaag oo isaga iyo 3 kale oo ka tirsan saraakiisha dawlada lagu dawaynayo Adis ababa. Col. Cabdullahi Fartaag ayaa ku tilmamaay qaraxii uu ku dhaawacmay in ay fuliyeen dad ka soo horjeeda qaranimada Soomaaliyeed mar uuna la soo qaban doono. Waxaana uu ugu baaqay qaybaha Ciidamada Soomaliya in ay xoojiyaan midnimadooda iyo isku duubnimadooda. Dhammaan ciidanka xoogga ee jubbooyinka jooga waxaan ugu baaqayaa in ay wada jiraan oo ay dadka iyo dalka u shaqeeyaan si loo soo celiyo sharafteena” ayuu yiri Taliyahii guutada saddexaad ee Xooga dalka Cabdullaahi Sheekh ismaaciil fartaag. 11kii febraayo ayuu ku dhaawacmay qarax lala beegsaday beerta Xorriyada Kismaayo oo ay ka dhacaysay xaflad milatari dad badana ay isugu yimaadeen. Waxaana sidoo kale, halkaas ku dhaawacmay saraakiil kale uu ka mid yahay taliyaha qaybaha Booliiska ee jubbooyinka General Axmed Muuse Busul iyo taliyaha nabadsugida j/hoose C/laahi C/raxmaan Midgaanow. N D F-GEDO-NN-Kismaayo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taako Man Posted March 18, 2007 Hopefully the Col gets back as soon as possible. I wish him a speedy recovery inshallah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 18, 2007 Its good to hear the young Col is doing fine. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fiqikhayre Posted March 18, 2007 I wish him a good recovery inshallah. Certainly the Colonel is a patriotic Somali, who cares deeply for the well being of his country and its citizens, as can been seen from the quotes below. I salute Col. Fartaag and I wish him the best of health inshallah and that he returns to serve his nation and people to the best of his ability. Ameen. Col. Cabdullahi Fartaag ayaa ku tilmamaay qaraxii uu ku dhaawacmay in ay fuliyeen dad ka soo horjeeda qaranimada Soomaaliyeed mar uuna la soo qaban doono. Waxaana uu ugu baaqay qaybaha Ciidamada Soomaliya in ay xoojiyaan midnimadooda iyo isku duubnimadooda. Dhammaan ciidanka xoogga ee jubbooyinka jooga waxaan ugu baaqayaa in ay wada jiraan oo ay dadka iyo dalka u shaqeeyaan si loo soo celiyo sharafteena” ayuu yiri Taliyahii guutada saddexaad ee Xooga dalka Cabdullaahi Sheekh ismaaciil fartaag. Quote Share this post Link to post Share on other sites