Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

No division nor political disagreement betw Emir Godane and abu mansuur

Recommended Posts

WAR DEG DEG AH: Abuu Mansuur "Uma Jawaabayo Dabaalada ilaahey cadawgiisa ah ee waxaan laabta u dejinayaa Shacabka Muslimiinta ah ee Beenta loo sheegay, wax Khilaaf ah oo Mujaahidiinta u dhexeeya majiraan".

 

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo katirsan hogaanka sare ee Shabaabul Mujaahidiin ayaa tacliiq dheer ka jeediyay Masjidka Dabaqeynka ee degmada Yaaqshiid.

 

 

Abuu Mansuur ayaa shacabka Muslimiinta Muqdisho ugu hambalyeeya ka qayb qaadashada Xamlada Nihaayatul Muctadiin oo lagu wiiqay Maleeshiyadka DKMG ah.

 

 

"ma doonayo in aan u jawaabo Dabaalada iyo ilaahey cadawgiisa waxaan doonayaan in aan shacabka Muslimiinta Niyadooda dejiyo,ilaahey ayaa qur'aankiisa ku sheegay Cadawgu wuxuu doonayaa in uu Muslimiinta meel walba kala dagaalamo, majiraan wax khilaaf ah oo Mujaahidiinta u dhexeeya bal waxaaba Mujaahidiinta kusoo biiraya kuwa aan horay uga mid aheyn"ayuu yiri Abuu Mansuur.

 

Al-Qaa'id Abuu Mansuur ayaa ka taariikheeyey Xawaadis Ifki ah oo Umadda Muslimka ah soo martay sida dhacdadii Been abuurka aheyd ee lagu sameeyay Gurigii Nabi Muxamed Sallallaahu xaleyhi Wasalama.

 

 

"Ilaahey Cadawgiisa waxay rabaan in ay Murtidiinta iyo gaalada jabta ku dagaal geliyaan Mujaahidiinta ayaa Iskhilaaftay, waad hoogteen Ismakhilaafin Shacabka Muslimka ahna waxaan ugu bishaareynayaa in dhawaan ay bilaaban doonto Xamllo cusub oo cadawga lagu naafeynayo"ayuu hadalkiisa sii raaciyay Abuu Mansuur.

 

 

Xiligii uu Abuu Mansuur hadlayay waxaa hareertiisa taagnaa Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Shabaabul Mujaahidiin oo warbaahinta cadawga ay maalmahan sheegayeen in ay is khilaafanyihiin, Macalin Burhaan ayaa isna jeediyay Khodbad qiima badan oo uu uga hadlayay qaabka loo cilaajin karo Tashwiishka Muslimiinta lagu dhaxfuro

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abuu Mansuur “Sheekh Usaama Waxaan u sheegeynaa in Ardeydaadii Soomaaliya joogta ay wali mideysan yihiin”

posted by: Axmed Kulan

 

 

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta salaadii jimcaha kadib ka hadlayay Masaajid ku yaal degmada Yaaqshiid oo ay ku dukadeen boqolaal ruux ayaa waxaa uu ku beeniyay wararka sheegaya khilaafka u dhaxeeya Hogaanka Shabaab.¨

 

 

Abuu Mansuur ayaa sheegay in aanay jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeyay Madaxda Shabaab, isagoo sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo la dhoo dhoobay.

 

“Jaahilka in laga aamuso ayaa sax ah, waa been waxa ay sheegayaan, aniga uma jawaabayo Beenaale Bahoku iyo Dowladda Ridada ah”ayuu yiri Abuu Mansuur.

 

Abuu Mansuur ayaa sheegay in dhowaan ay soo qatimayaan dagaalkii ay iclaamiyeen Bishii Ramadaan, isagoo ugu dhamaan dhamaan Mujaahidiinta inay u diyaar garoobaan.

 

 

“Sheekh Usaama Waxaan u sheegeynaa in Ardeydaadii Soomaaliya joogta ay wali mideysan yihiin”ayuu sii daba dhigay Abuu Mansuur oo tilmaamay in aanay jirin haba yaraatee khilaaf si gooni u jira.

 

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa jiray warar la iska dhexmarayey oo sheegayey in khilaaf xooggan uu u dhexeeyo Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansur iyo Shiikh Muqtaar Abuu Zubeyr oo loo yaqaan Axmed Cabdi Godane

Halkan hoosewaxaad ka sii daawan kartaa ninkii Burundiiska ahaa ee ay dileen Alshabaab

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Muqtaar Roobow oo Beeniyey Inuu Khilaaf Soo Dhex Galay Madaxda Ururka Al-Shabaab

MUQDISHO(OODWEYNENEWS)- Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa maanta beeniyay warar meelmihii u dambeeyay la isla dhexmarayay oo sheegay in ay bur bureen Al Shabaab.

 

Sheekh Mutaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta ka hadlayay Magaalada Muqdisho kadib ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar maalminii u dambeeyay la hadal hayay oo sheegayay in uu jiro khilaaf bur buriyay Xarakadda Mujaahidiinta Al Shabaab, waxaana uu wararkaasi ku tilmaamay mid ay dhoodhoobeen dad cadow ku ah Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay ka midyihiin dowladda KMG iyo AMISOM oo uu sheegay in aanay isaga u banaaneyn in uu u jawaabo.

 

Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha ugu sar sareysa ee xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab gaar ahaan kuwa maalmahaan la hadal hayay inay is khilaafeen isaga iyo hogaanka ugu sareeya ee AL Shabaab ayaa sheegay in ay sii wadayaan qebtii ugu dambeysay ee dagaalkii ay Xarakada AL Shabaab iclaamiyeen bishii Barakeysneyd ee Ramadaan, waxaana uu mar kale ku baaqay in dagaalkaasi laga qeyb qaato.

 

Sheekh Muqtaar waxaa uu isagoo ka faa’iideysanayay warbaahintii xiligaasi kula sugneyd majisdka uu ka hadalay fariin u diray hogaamiyaha ugu sareeya Urur weynaha Al Qaacida Usaama Bin Laadin, waxaana uu sheegay in wali aysan bur burin AL Shabaab islamarkaana ay mideysanyihiin sida uu carabka ku dhiftay ardayda Al Qaacida ee ku sugan Soomaaliya.

 

Hadalka Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa ku soo aadaya xili Maalmihii u dambeeyay la hadal hayay warar sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay masuuliyiinta sar sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab islamarkaana hogaamiyayaal uu ka mid yahay Sheekh Muqtaar Roobow ay kala baxeen ciidamadooda gobolo ka mid ah koofurta iyo badhtamaha Soomaaliya walow arinkaasi maanta uu beeniyay abuur Mansuur.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hoggaamiye ka tirsan Xarrakatul Shabaab Mujaahidiin oo beeniyay inuu jiro khilaaf u dhexeeya

 

Sabti, October 09, 2010 (HOL) − Hoggaamiyaha labaad ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo ka hadlay masjid ku yalla Muqdihso ayaa beeniyay inuu jiro khilaaf u dhexeeya hoggaanka sare Al-shabaab.

 

"Waxaan maqlayay maalmihii lasoo dhaafay, waxbaa kala kacay iyo waxbaa kala booday, balse taasi waa been abuur aan jirin, waxaan leeyahay kuwa wararkaas faafinaya been ayaad sheegteen," ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Roobow.

 

Afhayeenkii hore ee Xarrakatul Shabaab, wuxuu sheegay inay mideysan yihiin, oo aan lagu aqoon inay kala tagaan, inay kooxo kale kusoo biiraan mooyaane, isagoo sheegay inuusan u jawaabayn kuwa wararkaas faafiyay oo uu ku tilmaamay doqon.

 

"Mujaahidiinta ayaan u jawaabayaan, waxaana leennahay ma jiro wax khilaaf ah, ee iska hubiya wararkaas oo kale, waayo faasiqiin ayaa faafinaya," ayuu yiri Sheekh Mukhtaar oo sheegay inay soo gabgabeyn doonaan dagaalka ay kula jiraan AMSIOM iyo dowladda Soomaaliya.

 

Sheekh Mukhtaar, wuxuu *****lka ka qaaday in wararkan ay baahiyeen xubno ka tirsan dowladda ay taageerto Qarammada Midoobay, ayna yihiin kuwo lagu qarinayo khilaafka u dhexeeya oo uu isku casilay ra'iisul wasaarihii hore.

 

"Xarrakatul Shabaab, ma yaqaanaan mooshin, sidoo kalena iskuma qabsadaan jago, wararkaasna waa kuwo ay dowladdu ku doonayso inay ku qariso khilaafkeeda," ayuu si cad u yiri Sheekh Mukhtaar, isagoo sheegay inuusan hadafkooda waxba u dhimayn.

 

Dagaallada ka socda Soomaaliya, ayuu sheegay inay wax ku leeyihiin mujaahidiinta ka dagaalama Afgaanistaan, Marooko iyo dalal kale oo caalamka ku yaalla, sidoo kalena ay gacan ka geystaan shacabka Soomaaliyeed.

 

"Waxaan u sheegaynaa hoggaamiyaha Al-Qaacida Sheekh Osama Bin Laden, inaan weli mideysannahay, aana nahay ardadiisii, dagaalkana aan wadayno inta aan ka dhimanayno," ayuu Sheekh Abuu-Mansuur u sheegay warbaahinta Muqdisho, isagoo xusay in jihaadka socda ay dad badan god u galeen, iyaguna ay sugayaan geeri.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Maxkamadihii Islaamka ay burbureen markii ay ka leexdeen dariiqii saxda ahaa, iyaguna aysan ka leexanayn dariiqa, wuxuuna xusay in taasi ay tahay sababta keentay midnimadooda.

 

Hadalkan, ayaa imaanaya iyadoo dhawaan la shaaciyay inuu jiro khilaaf u dhexeeya hoggaamiyaha Xarrakatul Shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr iyo Sheekh Mukhtaar Roobow, ayna xubno ka tirsan ciidamadooda kala baxeen Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this