Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Huge demo against lack of water

Recommended Posts

Dadweyne ka careeysan biyo la'aan soo foodsaaray oo maanta isugu soo baxay magaalada Hargeeysa.

 

Posted: 8/24/2008 2:50:00 PM

Shabelle: HARGEYSA

Dadweyne ka careeysan Biyo la’aan soo food saartay ayaa maanta dibadbaxyo ka dhigay afaafka hore ee Wakaalada Biyaha magaalada Hargeysa.

 

Dadkani oo ahaa kuwo aad u careysan isla markaana gaaraya boqolaal ayaa isugu soo baxay wakaalada Biyaha magaalada Hargeeysa kuwaasi oo ka cabanaya Biyo la’aan ka taagan xaafado ka tirsan Hargeeysa.

Dadka ku nool xaafadaha Woqooyiga magaalada Hargeeysa ayaa sheegay in ku dhawaad 5 maalin aysan wax biyo ah helin isla markaana mudadaasi dad ku dhintay xaafadahaasi loo waayay wax lagu dhaqo isla markaana loo qaaday xaafado kale sida ay shegeen.

 

Dadkani waxaa ay intaa ku dareen in dowlada ay ka qaadatay Taag ay biyaha ku keydsan jireen oo ay ku soo Iibsadeen lacag gaareysa $1000 kun doolar isla markaana aysan garaneeyn sababta ay dowlada sidaa u yeeshay.

 

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Magaalada Hargeeysa Qaliif Cabdullaahi Xuseen ayaa waxaa uu sheegay in hadalada ka soo yeeraya dadkaasi aysan waxba ka jirin isla markaana biyaha soo gaara magaalada Hargeeysa iyo dadka ku nool ay aad u kala badan yihiin.

 

Dadka ku nool magaalada Hargeysa ayaa aad ugu dhiban helitaanka biyaha nadiifka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this