Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland calls for end to fighting madness in Mogadishu.

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo markii ugu horaysay ka hadlay dagaalada ka socda Koonfurta Somaliya

 

04 June, 2009 By _Dowladnimo

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiraxamaan Maxamed Farole ayaa ugu baaqay kooxaha ku dagaalamaya koofurta Soomaliya in dagaalka ay joojiyaan oo ay u daneeyaan dadka taagta daran ee ay ku kor dagalamayaan mudada dheer.

Madaxweyne Farole ayaa hadalkan ka sii daayay Xaflad xariga looga jarayay wada cusub oo loo sameeyay Wasaarada Caafimaadka Maamulka Puntland oo xarun cusub looga dhisay meel dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

 

Madaxweynaha ayaa u sheegay kooxaha dagaalamaya hadii ay diin ku dagalamayaan in ay diinta uga danbeeyaan Culumada waaweyn ee Soomaaliyeed iyagaa xalinaye hadii kale ay u naxaan dadka muda 20sana ku dhaw xabada ka dul socotay.

 

" Waxaan leenahay waana ka xunaha hadii aan nahay Shacabka Puntland mana jeclin in dadka walalaha aanu nahay ay noqdaan kuwa diris la ah baaba waxaana leenahay joojiya xabada oo xalka raadsha una daneeya Shcabkiina" sidaa waxaa yidhi Madaxweynaha Puntland.

 

Madaxweyne Farole ayaa intaa ku daray in Maamulkiisu haatan hayo kooxa kayimid koonfurta Somaliya sida uu sheegay oo doonayay in ay khal khal galiyaan amaanka Puntland waxuuna ka dhawaajiyay Madaxweynaha in uusan maamulkiisu u dulqaadan doonin cid kasta oo doonaysa in ay shido ka abuurta deegaanada Puntland.

 

"Maamulka waxa uu haatan gacanta ku hayaa kooxo ka soo kictamay koonfurta Somaliya oo lugu tuhunsanyahay in amaanka ay doonayeen in ay wax u dhimaan waxana la hor keeni doonaan Maxkamada waxana lagu qaadi doonaa sharciga waxa uu ka qabo" ayuu madaxweyne Farole yidhi.

 

Ugu danbayntii Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in shacabka Puntland ay soo dhaweeyeen dad badan oo ka soo qaxay dagaalada ka jira Gobalada koonfureed ee dalka Soomaliya, isagoo ugu baaqay dadkaas soo qaxay in ay ka digtoonadaan waxii naftooda iyo sharaftooda wax u keeni kara oo ay ka fogaadaan in loo adeegsado khal galinta amaanka Puntland.

 

Ma ahan markii ugu horaysay ee maamulka Puntland baaq ka soo saaro dagaalada ka socda caasimada Soomaliya ee Muqdisho wana markii labaada ee Maamulka Puntland uu ka hadlo dagaalada u dhaxeeya labada garab ee is diidan ee Mucaardka iyo Dowlada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this