Haatu Posted June 20, 2009 Afar Sarkaal oo saacadahii ugu badnaa dagaalamayay Degmadda Maamulka Kaaraan ayaa gacanta lagu dhigay iyagoo nool,waxaana goobta afarta dagaalyahan lagu qabtay yiilay 11 nin oo ka mida ajnabiyiinta Al-Qaeda. Taliska boliiska Soomaaliyeed ayaa Waagacusub u sheegay in afarta Sarkaal ee la qabtay loo bandhigayo Saxaafadda. Ciidamadda dowladda ee ay kala hogaaminayaan Cabdi Qaybdiid,Salaad Cali Jeelle iyo Yusuf Indhacadde ayaa iskugu tegay Buurta Diikoow,ka gadaal markii ay cagta mariyeen Aagagii Keysaneey iyo Kaaraan oo ay ku galeen dagaal qaraar. Ciidamo uu horkacayo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee gobolka Banadir Cabdi Fitaax Shaaweey ayaa ka dagaalamaya Suuqa Cirtoogte ee Huriwaa,waxaana la sheegay inay bartilmaameedsanayaa n Warshadda baastadda. Dowladda KMG waxay qaaday tilaabadii ugu horeysay ee dagaal,waxaana Mogadishu laga dareemayaa taageerada baaxad weyn oo shacabka kula safan yihiin dagaalyahanada dowladda Somalia. Kulan deg dega oo ay yeesheen golaha wasiiradda Xukumadda Somalia ayey dalka ku geliyeen xaalad deg dega oo beesha Caalamka ay ku weeydiisteen gurmad ciidan si Qaranimada Somalia loo badbaadiyo. www.waagacusub.com Quote Share this post Link to post Share on other sites