Sign in to follow this  
Member-sol-

Maxaa keenay in lala kulmo saraakiishii Xasuuqa gaysatay sida Qeybdiid Darwiish

Recommended Posts

This is an all time low for the "peace caravaan"

 

to be meeting with the biggest criminals in somalia, who should be brough to justice.

 

 

(18-08-2008) Heshiis ayaa maanta lagu Saxiixay Dalka Jabuuti oo u Muuqda mid ay ku Qanacsanyihiin Xubnaha garabbka Jabuuti kaasi oo lagu magacaabau Xubno lagu sheegay Dib u Heshiisiinta iyo Amaanka oo aan la ogayn waxa ay qabanayaan.

 

Shirakan oo socda Mudo 3-maalin ah ayaa waxaa lagu wadaa in la soo Gabagabeeyo maalinta bari ah waxaana heshiisku ahaa heshiis aan la ogayn sida uu noqon doono taasi oo ah in ay Xubnaha la magacaabay tagaan Muqdisho taasi oo macnaheedu yahay in ay ragaasi booqdaan Goobaha la isku hor fadhiyo.

 

 

Waxaa ka mid ah Xubnaha la magaacabay ama ay Hor fariisanayaan Maamulka Jabuuti jooga ee uu Hogaamiyo Sheekh Shariif in ay yihiin rag ka gaystay Xasuuq Muqdisho iyo Soomaaliya oo Dhan taasi oo ay la yaabeen dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Reer Muqdisho.

 

 

Isku soo duuboo Arintu ma sahlana in Janaqow oo Hogaamiyo ama la socda Darwiish iyo Cabdi Qeybdiid in aysan hor tagi karain ama ayasan tagi Karin Taliska ama Goobaha ay gacanta ku hayaan Xoogaga wax iska Caabinta, Heshiiskani ayaa waxa uu qorayaa in Xubnaha la magacaabay ay Muqdisho imaanayaan oo ay Heshiis la galayaan ama Koontaroolayaan Goobaha la isku hor fadhiya taasi oo ah wax lala yaabay.

]

[

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yeey yihiin cidanka ka socdo isbahaysiga Djbouti ee lagu talo jiro in lagu biiriyo ********ta TFGda, si ay u wada sugaan waxa loogu yeero "amaanka"?

 

I think any kind of this coalition will be attacked by the resistance and will be seen as an effort to strenghen the corrupt TFG.

 

Sheekadii baa kuso cadaatay labada sharif iyo daneystayaasha la shaqeeya, inbadan waa la sheegay in nimankan eey daba ordayaan jagooyin.

 

Allo amuuraha sahal.

 

the full story

 

 

---- Isbahaysiga Garabka Djibouti & DFKMG oo Heshiis wada gaaray.

By Somalimirror on 18 Aug, 2008 11:10 PM in Main, Wararka

 

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Ergada Wada hadallada Jibouti ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jibouti ayaa shaaca ka qaaday xili uu caawa u waramayay Warbaahinta Muqdisho in ay iyaga iyo Wafdigii DFKMG ah isla gaareen Heshiis Hor dhac u ah Midka Sacuudiga ay wada gaareen ka dib markii ay lahaayeen gudiyo ay labada dhinac iska soo dhex xuleen 3 maalin kulamo isdaba joog ah.

 

C/raxmaan ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid yihiin:-

 

 

 

 

1) in ay ciidamada Gumeysiga Itoobiya kaga baxaan xaafadaha iyo guryaha shacabka mudo 15 maalin gudahood isla markaana la dajiyo goobaha ay ka guuraan ciidamadaasi Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Isbahaysiga iyo DFKMG ah.

 

 

 

 

2) In si tartiib – tartiib ah ay ciidamada Gumeysiga Itoobiya uga baxaan Dalka gudihiisa isla markaana lagu Badalo Ciidamo kala ah AMISOM, UN iyo qaar ka socda Dalalka Islaamka

 

 

 

 

3) In laga shaqeeyo sidii loo dhisi lahaa Qaran soomaaliyeed oo loo dhanyahay.

 

 

 

 

4) In Gar-gaar Bani aadamnimo lala gaaro dadka dhibaataysan iyada oo ay ka qeyb qaadanayaan arintaasi ciidamada AMISOM.

 

 

 

 

5) In Bisha soo socota ee September la isku soo noqdo si loo diyaariyo Dastuurka iyo sidii loo shaqeyn lahaa xaalada kala guurka.

 

 

 

 

Mar la weydiiyay C/raxmaan C/shakuur goobaha ay ciidamada Gumeysiga Itoobiya ka guurayaan cidda badalaysa ayaa waxa uu sheegay in ay Badalayaan ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban ciidamada DFKMG ah iyo Isbahaysigooda Garabka Jibouti, isaga oo carabka ku dhuftay in ay qolo waliba hadda meel dagantahay isla markaana qoladaasi ay la wareegayso meelaha ay ciidamadaasi ka guuraan.

 

 

 

 

C/raxmaan ayaa sidoo kale sheegay in Heshiiska caawa ay wada gaareen iyaga iyo DFKMG ah laga Tirinayo:-

 

 

 

 

1) Bixitaankii ciidamada Gumeysiga Itoobiya 120-kii bari ee loo qabtay.

 

 

 

 

2) Imaanshiyaha ciidamo Caalami ah.

 

 

 

 

3) Fulinta Heshiiska Jibouti.

 

 

 

 

C/raxmaan C/shakuur warsame ayaa sidoo kale ku fasiray Heshiiskani mid farsamo oo kaliya.

 

 

 

 

Sidoo kale C/raxmaan ayaa shaaca ka qaaday in ay Bil Bil kulamo gaar ahi kula yeelanayaan DFKMG ah magaalooyinka Nairobi, Jibouti iyo Dalka gudihiisa haddii ay suuro gasho.

 

 

 

 

Dhinaca kale Axmed C/salaam oo u waramayay Idaacada Shabeele ee Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wax qodob ah oo lagu heshiiyay oo la xiriira in ciidamada gumeyisga Itoobiya mudo 15 maalin ay uga guuraan xaafado iyo wax la mid ah.

 

 

 

 

Axmed C/salaam ayaa sidoo kale sheegay in ay ugu muhiimsantahay waxyaabaha ay ku heshiiyeen in marka hore xabada la joojiyo ka dibna loo gudo galo fulinta qodobada kale ee heshiiskii Hore.

 

 

 

 

Sidoo kale nin u hadlay Ururada Bulshada Rayidka oo magaciisa lagu soo gaabiyay “C/naasir” ayaa isagana sheegay in ay dhinacooda aad ugu farceen sida Cad ee ay labada dhinac u wada qaateen Barnaamijka iyo Heshiiska intaba.

 

 

 

 

C/naasir ayaa sidoo kale Beeniyay in wax ka socda Ururada Bulshada Rayidka ah oo xubno laga siiyay Gudiga Siyaasada iyo Amaanka aysan jirin, isaga oo sheegay in iyagu lagu marti qaaday oo kaliya in ay goob joog ahaadaan isla markaana ay cadaadis saaraan ciddii ay wax ka socon waayaan oo kaliya.

 

 

 

 

Heshiiskan ayaa la sheegayaa in uusan wali saxiixay Sheekh Shariif Sheekh Axmed isla markaana lagu tilmaamay in uusan rasmi ahayn illaa uu isagu saxiixo.

 

 

 

 

Ma Cadda illaa iyo hadda sida uu uga dhaqan gali karo heshiiskani Dalka Gudihiisa, wuxuuna ku soo beegmayaa iyada oo isla maanta lagaga dhawaaqay Magaalada Jalalaqsi Heshiis ay wada gaareen Masuuliyiinta Maamulka Maxaakiimta ee gudaha kaas oo iskaga fogeeyeen Khilaafka u dhexeeya Masuuliyiinta Maxaakiimta ee ku kala sugan Eritrea iyo Jabuti. Isla markaana ay adkeynayaan heshiiskii Golaha Maxaakiimtu ku gaareen Dalka Sacna iyada oo lagu xalinayo khilaafaadkii dhacey.

 

www.somalimirror.com

----

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this