Cowke Posted June 5, 2010 Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo Wasaarada Waxbarashada Puntland ku sheegay in guulo Puntland u soo hooysay (Garowe) RBC: Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdi Samad Cali shire ayaa ku amaanay Wasaaradda Waxbarashada Puntland tilaabo wax ku ool ah in ay qaaday taa oo ku sheegay mid taariikhi ah xili uu qodbad u jeedinayay tira arday ah oo imtixaan uga furmay Dugsiga sare ee Ganbool ee Magaalada Garowe. Cabdi Samad Cali shire waxa uu sheegay in wasaaradda waxbarashad ay markii ugu horaysay ku guulaysatay in ay midayso imtixaanada dugsiyada sare ee Puntland iyo kuwa dhexe iyo hoose, waxuuna sheegay in tilaabadaa ay tahay mid taariikhi ah oo guul ah oo Puntland u soo hoyatay. Madaxwayne ku xigeenka ahna sii hayaha xilka Madaxwaynaha Puntland Cabdi Samad Cali shire waxa uu sheegay in ardaydaa Imtixaanka u furmay ay ku dadaalaan sidii ay u heli lahaayeen fursadaha waxbarasho oo Puntland ka heshay dalka dibadiisa markii ugu horaysay . Waxuuna tilmaamay ardaygii imtixaanadaa ku guulaysta in uu fursad waxbarasho oo lacag la,aan ah ka heli doonaan dalka Yaman, Suudaan. iyo gooba kale oo wasaaradda waxbrashada Puntland dadaal ugu jirto in ay waxbarasho lacag la,aan ah u hesho ardayda dugsiyada sare ka soo qalin jabiyay. Ugu danbayntii ayuu ugu duceeyay ardayda in ilaah ku guuleeyo imtixaanka ay galayaan waxuuna dhinac kale la dar daarmay macalimiinta loo xil saaray ilaalinta imtixaanadaa oo ah kuwa ka duwan imtixaanadii hore marka loo eego sida uu xaalku iminka yahay waana markii ugu horaysay ee Madaxwyane ku xigeen iyo xubna Golaha Xukuumada ka socda furaan Imtixaanada sanad dugsiyadeedyada. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 5, 2010 1329 Arday oo maanta Imtixaanaadkii Finaalka ahaa ugu farsiisatay Dugsiyada sare ee Puntland (Sawiro) (Garowe)RBC: Waxaa maanta si isku mid ah ugu fadhiistay imtixaanada Dugsiyada sare ee Puntland gaar ahaan fasalka ugu danbeeya ee Afaard oo ah halka ay ku qalin jabiyaan aradyda dugsiyada sare 1329 Arday oo ka kala socda 24 Dugsi oo ku yaala Gobalada Puntland oo dhan. Ardaydaa Imtixaanadaa u fadhiisatay ayaa waxa ay imtixaanadaa ku galayaan 13 Goobood oo loo cayimay oo kuyaala gudha Gobalada Puntland kuwaas oo ay u cayintay Wasaaradda waxbarashada Puntland oo ah wasaaradda arimahaa u xilsaaran. Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa booqday qar ka mid ah Goobahaas waxa uuna halkaa kula hadlay ardayda wax ka dhigata dugsiyadas uu booqday oo ay ka mid ahaayen dugsiga Ganbool iyo Dugsiga sare ee Imaaami Nawawi qaybta Garowe. Wasiirka ayaa ardaydaa ku bogaadiyay in ay dadaal dheer u galaan sidii ay uga faai,daysan lahayeen fursadaha waxbarasho ee wasaaradu ka heshay dalka diabadiisa waxuuna kula dar daarmay in ay ka taxdiraan habka imtixaandka loo galayo oo ka fogaadaan waxyaabaha dhibaatida u keeni kara. Ardayda Imtixaanada u fadhiisanayay ayaa qaarkood Warbaahinta RBC u sheegeen in ay Imtixaaaandka sanadkaan uu yahay mid ka duuwan kuwii hore islamarkaana ay diyaar garow xoogan u galeen sida uu u sheegayy RBC Maxamuud Timi Jilac oo ka mid ah aradyda dhigta Dugsiga sare ee Ganbool. Imtixaanadka dugsiyada sare ee Puntland ayaa socon doona muda shan cesho ah waxuuna si rasmi ah ugu bilowday Maanta Dugsiyada sare ee ku yaala Gobalada Puntland islamarkaana waxaa waraaqdaha Imtixaanadaa u qaybiyay qaar ka mid ah dugsiyadas wasiirka waxbarashda Puntland Cabdi Faarx Juxa. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 5, 2010 Madaxweyne ku xigeenka PL oo maanta Furay Talaalka Maalmaha Caafimaadka Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/samad cali shire ayaa maanta ilmihii ugu horayey dhibacaha talaalka Cudurada dilaaga ah ku bilaabay munaasbad balaaran oo xariga looga jarayey maalmaha caafimaadka dhalaanka iyo hooyada oo laga fulinayeo dhamaan puntland caruurta ka yar shanta sano, sidii loo ogaan lahaa nafaqada caruurta, gooryaanka iyo hooyada uurka leh caafimaadkooda Waxaana barnaamijkaani gacan ka gaysanayey ha’yado ay ka mid ahayeen WHO Unicef iyagoo la kaashanaya Wasaarada Caafimaadka, Wasirka Caafimaadka Puntland Dr Cali C/laahi warsame oo ka hadlay munaasabada lagu furayey wajiga koowaad maalmaha caafimaadka dhalaanka ayaa siweyn uga faalooday inta cudur ee dilaaga ah ee laga Talaalayo Caruuta. Inkastoo ay goobta ka haldeen masuuliyiin badan oo ka kala socday Dowlada puntland iyo ha’yadaha caalamiga ah oo wada tilmaamay ahmiyada uu u leeyahay talaalka Carurta iyo hooyada ay tahay mid aad u saraysa waxna ka tari doonta xili walba oo uu la soo darisaan xaanuuno una noqonaya difaac ayaa shacabka puntland waxaa fariin u diray dhiirigalin ah in ay qaataan talaalka kana faa’iidaystaan madaxwayne ku xigeenka puntland C/samad cali shire . Waxaa uu madaxweyne ku xigeenku sheegay in ay tani tahay muhiimad dhanka caafimaadka ah bulsha weynta Puntlandna ay si wanaagsan uga faa iideystaan . Ugu danbayntii marka ay xafladu dhamaatay isla markaasna ay goob jog ka ahayen dhamaan timamkii loogu tala galay in ay qaadaan talaalka kana hawlaagaan goobaha loo cayimay ayaa loo amaray in ay bilaababaan olalaha talalka iyadoo ay dhinacsocdaan wacyigalin laga wado idaacada maxaliga oo dadka lagu fahan siinayo talalaka iyo faa’iidadiisa C/naasir Yaasiin Salaad SBC International- Garoowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 5, 2010 Imtixaanka Fasalka Form Four Oo Ka Bilaabmay Magaalada Bosaaso (Sawiro) June 5, 2010 Waxaa Saaka degaanada Puntland si toos ah uga bilaabmay Imtixaanka dugsiga Sare gaar ahaan fasalka ugu dambeeya ee Form Four,goobaha ay imtixaanku ka bilaabmeen ayaa ka mid ah magalaada Bosaaso oo ay ardaydu tageen Iskuulada si ay uga qaybgalaan imtixaanka. Ardayda ayaa inta aysan imtixaanka gelin la siiyey wacyigelin iyo nidaamka ku aadan arimaha imtixaanka ayagoo laga dardaarmay in ay iska ilaaliyaan waxyaabaha ka reeban oo aan la ogolayn. Tirada guud ee ardayda imtixaanka u fariisatay ayaa gaaraya 642-arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal,waxaana lagu galaaya imtixaanka saddex goobood ardayduna waxaa ay ka kala yimaadeen iskuulada kala ah; 1-Imaamu Shaafici 86 arday 2-Imaamu Nawaawi 127 arday 3-Najax 85 arday 4-Cabdulaahi Ismaacil oo ku yaalla degmada Ufeyn,waxaana ka yimi ilaa 6-arday 5-Xamdaan 141 arday 6-Bosaaso 105 arday 7-Gaarisa 24 arday 8-White Tower – Minaaratul Baydaa 68 arday Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Puntland Cali Axmed Gamuute oo la hadlay Horseed Media isagoo ku sugan mid ka mid ah saddexda xarumood ee lagu galaayo imtixaanka ayaa sheegay in sanadkaan uu yahay mid taariikhi ah maadama ardayda ay tahay markii ugu horeysay oo si mideysan degaanada Puntland laga wada galo imtixaanka fasalka Form Four,wuxuuna hambalyo u diray dhamaan arday ku dhaqan Puntland. Saddexda xarumood ee imtixaanka lagu kala galaayo ayaa kala ah dugsiga sare ee Bosaaso,Dugsiga Imaamu-Nawaawi iyo Dugsiga Xamdaan oo aan halkaas booqanay,waxaana ardayda qaar aan la kulanay markuu imtixaanka soo dhamaaday ay inoo sheegeen in ay ku faraxsanyihin imtixaanka ay galeen ayna rajeynayaan in ay natiijo wanaagsan helaan gaba gabadiisa. Xarumahaas ayaa ku sugnaa ilaaliyaal si aad ah u sugaayay imtixaanka ayadoo ay ilaalinayeen fasalada ay ardaydu fadhiyeen oo ay imtixaanka ku galaayeen. Imtixaankaan ayaa si rasmi ah uga furmey 7-da gobol ee Puntland,waxaana ardayda guud ahaan ay yihin 1340-arday ayadoo magaalada Bosaaso ay tahay gobolka ugu badan ay ardaydu imtixaanka fariistay. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 5, 2010 Nice pics especially this one Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 5, 2010 Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalada Form Four oo ka bilawday Deegaanada Puntland (Sawiro) June 5, 2010 Imtixaankan ayaa waxaa uu ka bilawday 7da gobol ee Puntland maanta oo taariikhdu tahay 5-june-2010, gobolada uu imtixaanku ka bilawday ayaa kala ah Karkaar, Bari, Nugaal, Mudug, Sanaag, Cayn iyo Sool,imtixaankan ayaa waxaa soo qabanqaabiya wasaarada waxbarasha ee Puntland waxaana la qaada sanadkasta wakhtigaan oo kale. Imtixaankan fasalka 12aadka ee dugsiyada sare ee Puntland ayaa ka dhacaya 13 goobood oo ka tirsan deegaanada Puntland sida ay ii sheegeen hawlwadeenada imtixaanka, goobaha uu imtixaanku ka dhacayo ayaa kala ah. 1-Bosaso-3 goobood 2-Qardho 3-Garoowe-2 goobood 4-Gaalkacyo 5-Baran 6-Galdogob 7-Buuhoodle 8-Xudun 9-Buurtinle 10-Dhahar Sanadkan 2010 waxaa imtixaanka u fariisanaya guud ahaan dugsiyada sare ee Puntland 1330 arday. Qardho: Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa ka mida goobaha saaka looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 12aad (Form four) , ardada ka qaybgalaysay imtixaanka ayaa ka socday saddexda dugsi ee kala ah, Sheikh Osman Omar Secondary school, Muntada iyo Imamu Nawawi Qardho waxayna ku galayaan hal goob oo ah dugsiga sare ee Sheikh Osman Omar Secondary School. Aradada u fariisatay imtixaanka dugsiyada Qardho ayay tiradoodu dhan tahay 110 arday,oo isugu jira wiilal iyo gabdho, waxaana kormeere (Supervisor) ka ah gudoomiyaha waxbarashada gobolka Nugaal Khaliif Xuuxuule, macalimiinta muraaqibka ka ah (invigilators) goobta imtixaanka ayaa dhan 5 macalin waxayna ka kala socdaan dugsiyada, Nawawi Bosaso, Alwaaxa Garowe, Xamdaan Bosaso, iyo Public Secondary school Bosaso. Waa marki ugu horaysay oo saddexdan dugsi ku kulmaan imtixaanka shahaadiga ah ee wasaarada waxbarashada Puntland-Puntland National Examination Board (PNEB),waxaana loo aaneynaya inay ka dambaysay arrintani ka dib midayntii Manaahijta dugsiyada sare ee Puntland. C/rashiid Maxamed Daahir Horseed-Media,Qardho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 5, 2010 Xaji, I think Picture Based News Is Better!!! By That Pic is the Ministry of Health. It's part of Farole deal to complete new ministries and parliament. This is the Ministry Of Education Building That was done also TThere is a few other ministries that's need to be ccompleted also, The ministries are going to look basic compared to the new Parliament!! Watch The Construction Builder Speak about and show the designs of the new parliament at 5:30 mark. Puntland Parliament Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted June 5, 2010 Originally posted by Cowke: 7-Gaarisa 24 arday Why I never Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 5, 2010 Originally posted by Haatu: quote:Originally posted by Cowke: 7-Gaarisa 24 arday Why I never 1329 Arday oo maanta Imtixaanaadkii Finaalka ahaa ugu farsiisatay Dugsiyada sare ee Puntland (Sawiro) Quote Share this post Link to post Share on other sites