Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Qisadii Al-itixaad Iyo Cabdullaahi Yuusuf

Recommended Posts

Buuggan waxaa lagaga sheekaynayaa, dhacdo xus mudan oo soo martay qaybo ka mid ah bulshada soomaaliyeed. Waa dagaal qarxay 19 juun 1992kii oo dhexmaray ururkii la odhan jiray Al-itixaad Al-islaami iyo ururkii la odhan jiray SSDF oo uu hoggaaminayey Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Goobtu waa Boosaaso. Buuggu wuxu u qoranyahay hab sheeko ah oo lagu qurxiyey dareenkii qofka laga soo weriyey. Waxaa la soo bandhigayaa qof goobjooge ahaa wixii uu kala kulmay dagaalka iyo waayo aragnimadiisii.

 

 

Waa wiil dhallinyaro ah oo aan ka soo jeedin gobolladii dagaalladu ka qarxeen oo maxbuus ahaan gacanta ugu galay garabkii dagaalka ku xoogroonaaday ee SSDF.

 

 

Wiilkan oo magaciisa lagu suntay Samatar Ducaale, sideebuu ku yimid Boosaaso?

 

 

Markii dagaalku qarxay sidee wax u dheceen?

 

Sidee Xabsiga Boosaaso u galay Samatar? Sidee ula dhaqmeen madaxdii SSDF iyo madax dhaqameedkii reer Barigu markii ay qabteen? Muxuu xabsigii kula kulmay? Yaa kula jiray jeelka? Sidee uga baxay?

 

Dhammaan jawaabta su'aalahaas ayaad ka dhexhelaysaa qisadan xiisaha badan ee buuggu koobsanayo. Waxad intaa ku darsata in qisada dagaalkan ay horjoogeyaal ka haayeen, ragga maanta loogu hadalhaynta badanyahay siyaasadda Soomaaliya oo kala ah; Madaxweynaha dawladda federaalka ku meelgaadhka ah Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo hoggaamiyeha maxkamadaha islaamiga ah Sheekh Xasan Daahir Aweys.

 

 

Buuggan waxa qoray Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir) oo ah qoraa hore u diyaariyey buugaag daabacan iyo kuwo madbacad sugaya oo fara badan

 

Haddaad xiisaynayso buuggan kala xidhiidh qoraaga laftiisa. Qiimuhu waa $15 (100 KR).

 

Haddaad dalbanayso tiro badan 10 xabbo waxaad leedahay qiimo jebin ah ilaa 15%,

 

Haddaad dalbanayso tiro ka badan 50 xabbo waxaad helaysaa qiimo jebin ill 30%.

 

Xidhiidh:

 

Maxamed Xirsi Guuleed (abdibashir)

 

Sweden/Stockholm

 

 

abdibashir@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this