General Duke Posted May 4, 2009 Abshir Bacaadle “Qorshe looga hortagayo Dilaayeyaasha halala yimaado”. Sunday, 03 May 2009 07:03 BXM Dilalka oo kusoo batay Magaalada Muqdisho gaar ahaan kan lala beegsanayo dadka waxgalka ah iyo shaqsiyaadka caanka ah oo ay dheeryihiin dad rayid ah oo lagu qaldamo ayaa waxaa uu dhibaato ka dhex abuuray shacabka Muqdisho. Dhibaatada uu abuuray ayaa ah in qof waliba uu ka shakiyo qofka kale isaga oo u maleeya in qofka kasoo horbaxa uu dili rabo inkastoo Muqdisho arrintaasi ay ku cusbeyn. Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacaadle) oo la hadlay saakay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in xilligani loo baahan yahay in lala yimaado qorshe looga hortagayo dilalka Muqdisho ka bilowday. Koox wailba ayuu sheegay in markii dil uu dhoco ay iska bariyeelaan waliba ay cambaareeyaan dilkaasi taasina ay tahay mid shaki weyn gelisay shacabka Muqdisho oo ku jahwareeray cidda wax dileysa. “Qorshe looga hortagayo Dilaayeyaasha halala yimaado” ayuu yiri Abshir bacaadle oo intaasi ku daray in haddii lasoo qabto qofka wax dilay dib dambe aanan loo arki doonin cid wax disha. Dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaanan la ogeyn illaa iyo hadda cidda ka dambeysa kadib markii koox waliba ay iska bariyeeshay dilkaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites