Sign in to follow this  
Fabregas

Guddoomiyihii Gobolka Mudug oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah ka kaxeysteen Gurigiisa

Recommended Posts

I was listening to the BBC yesterday and mid ka mid ah masuuliyiinta gobolka ayaa markii la weydiiyay sheegay inuu shir la lahaa Itoobiyaanka ka dibna uu u raacay xagaa iyo Itoobiya ,,,,,,,,, :D

 

 

loooooooooool@wuu raacay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha mamulka Puntland ee Somali ayaa wax uu Gobolka Mudug u magacaabay Gudoomiye cusub oo maamulka Puntlnd ee Somalia ug wakiil noqon doona Gobolkasi isagoo casily Gudoomiyihii hore ee maamulka Puntlnd uga wakiilka ahaa.

 

 

Gudoomiyahan hadda loo magacaabay Gobolka Mudug ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdulqadir Axmed (Daahir Afloow) halka Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug lagu magcaabi jiray C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane) uuna xilka Gudoomiyanimada hayay muddo dheer.

 

 

 

Xilka qadistan lagu sameeyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane) ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xilli uu ku maqnaa Dalka Ethiopia oo ay sarakiil Ethiopian ahi ay uyeedheen si ay wada shaqayn dhanka amaanka ah ay Gudoomiyaha ugala yeeshaan Gobolka Mudug.

 

 

 

Waxaana sarakiisha Dalka Ethiopia kala shirayay sidii mamulka Gobolka Mudug ay ul shqyn lahaayeen dalka Ethiopia dhanka amaanka taas oo dad badan ay hadda iswaydiinayaan in xilka qadista lagu sameeyay ay ku timi uun maamulka Cadde si toos h uga amar qadan wayay halka uu amaanka kala shqeeyay dalka Ethiopia.

 

 

 

Hadaba Gudoomiyaha Cusub ee loo magacaabay Gobolk Mudug ee lagu magacaabo Cabdulqadir Axmed (Daahir Afloow) aya wax uu ku maqan yahay Dalka Kenya gaar ahaan Nairobi xiliga loo mgacaabay xilka Gudoomiyanimada iyadoo dhanka kalena wararku sheegayaan in labada Gudoomiyaba ay kusoo foollee yihiin magaalada Gaalkcayo.

 

 

 

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

GAALKACYO-Gudoomiyihii wiigii hore ciidamada Itoobiya ka kaxaysteen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Cabdirishiid Cali Xaashi( Dhubane) ayaa maanta ku soo noqday gurigiisii,kaas oo xilka laga qaadey maalin kadib markii ciidamo itoobiyaan ahi la aadeen dhinaca Itoobiya.

 

 

 

 

Mr Dhuubane oo sida la sheegay ay ciidamada sirta ee Itoobiya kaxaysteen,isagoo horey ula shaqaytn jirey,oo aan la garan karin waxay isugu dhaceen,ayaa shir jaraa'id qabtay maanta kadib markii uu soo guryo noqday wiig kadib.

 

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha dawlada Soomaaliya mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu ka codsaday ciidamada Itoobiya iyo madaxda wadankaaba inay sii daayaan odaygaas,ilaa iyo hadana lama oga sida xaqiiqda dhabta ah ee lagu soo daayey masuulkaas.

 

Dawlada Puntland ayaan ilaa iyo hada ka hadlin xariga masuulkaas,aan ka ahayn in markii la kaxaystay in xilkii uu Cadde ka xayuubiyey.

 

"Anigu waxaan booqasho ku tegey degmada Wardheer oo aan kula soo kulmay saraakiisha ciidamada Itoobiya,waxaana ka wada hadalnay amaanka Puntland,waxna kama jiraan warka sheegaya in la xidhay,oo ciidamada Itoobiya wadanka meeshii ay doonaan bay tegi karaan"ayuu yidhi Dhuubane oo warsaxaafadeed ku qabtay gurigiisa Gaalkacyo,isagoo aan ka hadlin xilkii laga qaaday,iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this