MoonLight1 Posted October 2, 2009 Xisbu Islaam oo ku dhaaratay hadii weerar kale lagu soo qaado Axmed Madoobe ay mowqif cad qaadan doonaan Inkastoo wali mowqif mideysan aanay ka qaadan Hogaanka Xisbul Islaam dagaaladii shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee hilfaha loogu qaaday Axmed Madoobe ayaa hadana Saraakiisha Xisbul Islaam ay ku hanjabeen in hadii mar dambe uu dhaco weerar kale ay mowqif cad qaadan doonaan. Sheekh Maxamed Macalin Cali oo ka mid ah Saraakiisha Xisbul Islaam ahna Xogyahaha Xafiiska Warfaafinta ee Maamulka Xisbul Islaam u qaabilsan Gobolka Banaadir ayaa shir jaraa'id uu ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu mar kale ku celiyay dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe uu ku tilmaamay mid lagu soo qaaday Xisbul Islaam. Waxaa uu uga digay Xarakada Alshabaab in ay joojiyaan dagaalada ay ku qaadayaan sida uu sheegay goobaha ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiinta Xisbul Islaam, waxaana uu sheegay in Mowqifka Xisbul Islaam uu yahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka balse ay mowqif qaadan doonaan hadii weerar danbe uu dhaco sida uu hadalka u dhigay. Hadalka Xoghayaha Xafiiska warfaafinta ee Maamulka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin Cali ayaa imaanaya xilli maalinimadii shalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubadda hoose ay isku fara saareen Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab iyo Ciidamo uu hogaaminayay Sheekh Axmed Madoobe oo kamid ah Saraakiisha sar sare ee Ururuka Xisbul Islaam, kaasoo laga awood roonaaday. jowhar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted October 2, 2009 Xisbu Islaam oo ku dhaaratay hadii weerar kale lagu soo qaado Axmed Madoobe ay mowqif cad qaadan doonaan This reminds of of Af MaayMaay saying "Car iinka naqbo" which means "come on do it again and I will.." Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted October 2, 2009 They are already at it in Buulo Gaduud, Quote Share this post Link to post Share on other sites