General Duke Posted July 21, 2007 Garoowe: Khilaafkii udhaxeeyey Golayaasha Puntland oo lasoo afmeeray. 21. juli 2007 Garoowe(AllPuntland)- Khilaafkii dhamaan soo kala dhexgalay golayaasha dawlad gobaleedka Puntland ayaa maanta lugu soo gabagabeeyey Magaalada Garoowe. Madaxweynaha dawlad gobaleedka Puntland ayaa waxaa loo soo gudbiyay go'aamo ay soo saareen gudiga loo xilsaaray xalinta khilaafkii oo kala dhexgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Maxkamada Sare ee Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu aqbalay dhamaan qodobadaasi oo kala ahaa . 1. La buriyay Go'aankii Maxkamada Sare Puntland ee ku wajahnaa Axmed Cali Xaashi gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland. 2. Waxaa Mudane Cismaan Dalmar Yuusuf loo ogolaaday in uu ka mid noqdo xildhibaanada baarlamaanka Puntland. 3. Waxaa la baabiyay Dhamaan Dacwadii la xiriirtay qoraalkii Been Abuurka ee laga sameeyey gudoomiyaha baarlamaanka Puntland. 4. Waxaa lafarayaa Golayaasha dawlad gobaleedka Puntland in ay yeesheen Wada Shaqeyn joogtada si loogu adeego danaha Umada Reer Puntland. 5. Cid kasta oo amarka ka hor timaada talaabo Sharciga Waaqafsan. Go'aamadan oo ay soo saareen gudi uu Madax uyahay wasiirka Maaliyada Puntland Dr.Maxamed Cali Yuusuf oo arintan ka shaqeeyey ayaa waxa ay maantaba horgeeyeen Baarlamaanka Puntland. Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa waxa ay cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen qodobadan ka soo baxay Xaafiiska Madaxweynaha dawlad gobaleedka Puntland,ayagoo sheegay in ay yihiin go'aamo Mudan in lataageero. Baarlamaanku waxa ay sidoo kale cod uqaadeen Cismaan Dalmar Yuusuf in uu noqdo Mudane ka mid baarlamaanka Soomaaliya ayadoo sidoo kale baarlamaanku isku raaceen in Cismaan noqdo xubin buuxda oo ka mid ah Baarlamaanka dawlad gobaleedka Puntland. Go'aamadan ka soo baxay gudi ka koobnaa 3 wasiir iyo xubno kale isla markaana Madaxweynaha Puntland aqbalay ayaa waxa ay yihiin kuwa soo dhaweyn kala kulmay dhamaan Madaxda Golayaasha dawlad gobaleedka Puntland iyo Shacabka ku dhaqan deeganada Puntland. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites