Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland Minister speaks on oil deal

Recommended Posts

wasmacdantapunt.jpg

Maamulka P/land oo ka hadlay macdan qodista

 

Bosaso, Somaliya (Calanka.com) 23-Marso-08

 

Mudooyinkii Dame Waxaa Caasimada Puntland Ku Sugnaa Wafuud Ka Socota Sharikaad Ajaaniba ah kuwaasi oo u kuurgalaya Arimaha la Xiriira Macaadiinta Puntland.

 

Wasiirka macdanta P/lan Xasan Aloore -Dhageyso

 

Wafuudan Oo ka kala Socota Shirkad Dhinaca Saliid Qodista ku takhasusta Oo Lagu Magacaabo African Oil Iyo Saxafiyiin Ajaanib ah oo La Sheegay In ay Laftigoodu Indhadheyn Degaanada Puntland ah ay u socdaan Sida uu Daljir u Xaqiijiyay Wasiirka Macdanta Iyo Batroolka Ee Puntland Xasan aloore.

 

Mr Aloore Isaga Oo la hadlaya Radio Daljir ayuu ku sheegay Sharciga Macdan qodista Ee Puntland Oo Dhawaan ay si is jiid jiid ah ay ku ansixiyeen Golaha Barlamaanka Ee Puntland In Kasta oo wasiirku uu Iska Difaacay Su'aal ahayd Marhadii uu barlamaankii uu Laba ugu kala Jabay Sharcigan Kuna Murmeen Waxa ay Wasiiradiisu Dib Ugula Laaban weyday oo markale ay wax uga soo badaliweyday balse waxa uu arintaasi ku tilmaamay in aysan la xiriirin Dhinaca wasaarada oo ay ku keed oo kaliya Dhinaca Qoraalka Sharcigan.

 

Xasan Aloore oo ka hadlay Shir Jaraa'id oo uu dhawaan Qabtay Wasiirka Tamarta Macdanta Iyo Batroolka DKMG Mahamud Cali Kaanje kaasi oo ku aadanaa Sharciga Cusub Ee Barlamaanka Iyo Golaha Xukuumadu ay ansixiyeen oo Mr Kaanje Ku Tilmaamay In ay Yihiin Kuwo DKMG Dhinaca Lagala maray Balse Wasiir aloore Ayaa sheegay in mamulka Puntland Uu Madax banaanyahay Arimaha Dhulkiisa Khuseeya Dowlada Dhexena ay isugu imaan karaan oo kaliya Arimaha Wax wada qaybisaga oo kaliya.

 

Aloore ayaa sheegay in ay muhiimad weyn siin doonaan Dadka Goobaha ay Degan yihiin Laga Baarayo Macdanta oo ku aadan Dhinaca Shaqada Iyo Horumarinta degaankaasi.

 

Arimaha Qodista Macdanta Puntland ayaa soo ifbaxday Markii uu xilka Madaxtinimada Puntland uu qabtay Madaxweyne Cadde isaga oo Madaxweynuhu u cuskanaya Kobcinta Dhaqaalaha Puntland Iyo Arimaha Shaqo Abuurida Laakiin Waxaa Muddo Arimaha Hortaagnaa Khilaaf u Dhaxeeyay Xukuumada Madaxweyne cadde Iyo Xukuumadii Hore Ee DKMG Ee La Jalaafeeyay ee Cali Mahamed Geedi.

 

Xafiiska Warbaahinta Calanka

Bosaso . Puntland -Somalia

 

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this