Xudeedi Posted July 31, 2010 xoogagii nabada oo ku guulaysanaya Galgala Waxa ka socda degaanada Maakhir iyo guud ahaan Puntland dhaq dhaqaaq nabadeed iyo mid ciidan oo hadii loo baahdo noqonaya mid loo isticmaalo Kooxda joogta Galgala. Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa sida ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen qaatay baqii Odayaasha oo ahaa nabada ,una badan tahay in uu faraha uga qaado howshaas Odayaasha ka soo jeeda Degaanka. Odayaal Dhowr iyo tobana oo ah kuwa aadka looga yaqaano galbeedka Bari ayaa waxay soo gaareen Magaalada Ceel Daahir si ay halka uga bilaabaan nabad, laguna soo afjaro colaada ka aloosan Magaalada Galgala. Odayaashu waxay fureen wadahadal ay la samaynayaan kooxda joogta Magaalada Galgala iyo Shiikhooda ,wuxuuna marayaa wadahadalkaasi meel fiican. Sidoo kale Ciidan ka mid ah kuwa Puntland ee Gobolka Sanaag ayaa labo dhinac uga imanaya degaanada rabshaduhu ka jiraan, ciidan wuxuu soo maray dhinaca Bada wuxuuna fariisin ka dhiganayaa meel u dhaxaysa Ceelaayo iyo Boosaso,ciidan kalena waxay fariisin ka dhiganayaan Magaalada Ceel Daahir oo aan ka fogayn meeshii dhowaan lagu dagaalamay ee Karin Ciidankan oo ah kuwo ku tabobartay jabhada SNM oo dhowrkii Biloodba mar is arkaan ayaa la hubaa hadii loo baahdo in ay Galgala ka dhigi doonaan sida wada la rabo Arintan oo markii hore uu ka dhego adaygay Madaxweynaha Puntland ayaa waxay u muuqataa mid dhakhso u dhamaanaysa,waxayna haysataa kalsoonida shacabka Puntland oo ah in marka hore nabad wax lagu raadiyo hadii la diidona xoog loo isticmaalo ay u wad dhan yihiin Beelaha Puntland Magaalada Galgala oo taariikhdeedu gaarayso ka hor dhalashadii nabi Ciise ayaa Masaaridii hore Sanamadii ay caabudi jireen Hathor iyo Bes waxay ahaayeen kuwo ka soo jeeda magaaladan Galgala waana meesha uu ku baxay Magaca punt markii qarnigii 4aad boqoradii xiligaa xukumaysay Masar ay u soo dirsatay Ergo dadkii halkaa ku noolaa,taariikhdeeduna hada waxay ku qoran tahay Deri Al-bahri.ee dalka Masar Magaalada Galgala waxa kale oo ay taariikhdooda qayb weyn ka tahay dadka loogu yeero Oromada oo ku nool Itoobiya oo afka oromada Galgala waa Galab. Ugu danbayntii Xoogii jar iska xoorka oo aan awooda weyna lahayn waxay u badan tahay markii ay arkeen xaqiiqda iyo degaanka in ay nabadii qaateen Allsanaag.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted August 1, 2010 Great News. Thanks Xudeedi 4 the update! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted August 1, 2010 Yes try that peaceful route if the galgala guys don't accept that then the military route with all puntlanders united against terror. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted August 1, 2010 Warbixintii oo cod ah iyo waliba waraysi lala yeeshay afhayeenka odayaal dhaqameedka Haylaan iyo Galbeedka Bari, guuji hoos. http://www.spr.fm/index.php?option=com_k2&view=item&id=387:wararka-idaacada-somali-public-radio-ee-3 1/07/2010&Itemid=121 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted August 1, 2010 Odayaasha iyo aqoonyahanada Deegaanada haylaan iyo galbeed bari oo iyaga ka cicitmaygalabta degmada dhahar ee xarunta Gobolka haylaan, ayaa waxaa ujeedka safarkooda lalaxiriirinayaa inay ka danbayso si ay uga qaybqaataan isla markana ay wadahadalo uga furaan colaad dhowaan ka dhacday deganka Karin oo iyada 40keelo mitir u jirta magaalada boosaaso ee xarnta gobolka bari taas oo udhaxaysay dawlada puntland iyo ciidaanka deegaanka galbeed bari, Caaqil c/risaaq cismaan aadan oo isaga oo ka mida ahaa odayaasha galabta ka safray degmada dhahar oo aan khadka telefanka kulal xirirnay isagoo kuguda jira safarka ayaa waxa uu noo sheegay inay ku sii jedaan magalada ceeldaahir halkaasi oo ay maalinta beriya kulama ku qaadan donaan tita ahana ay garayaan inkabadan 20 isugu jira cuqaal nabaddoono iyo aqonyahano, islamarkana ay ka xunyiin arintaan ka sucboonaatay gobolka bari galbeedkiisa Iyago lagu wado inay soo saran baaq kama damaysa oo ku aadan arinta hataan ka taagan degaanka galbeed bari halkaasi oo dhowaan dagaal ku dhexmaray dawlada puntland iyo ciidamada degaanka galbed bari kuwaas oo ay dawlada puntland ku eedaysay in ay xiriir laleeyihin xarakada alshabaab balse arintaan ayaa waxa beenisiy xarakatul shabaabul mujaahidiin , Sido kale arintaan ayaa waxaa cirka u tuuray sheeekh maxamed siciid Atam oo isagu ah wadad hogaamiya ciidamada deegaanka galbeed bari ayaa waxa u ku shegay waraysi uu siiyey lanta afsomaliga ee VOAdain aanu wax xariira lalahayn xarakada shabaab ayna jirin cid ajaaniba oo wehelisa, balse ay ka cabanayaan ama uu kenay dagaalkan dhibaato ay kala kulmeen maamulka, Sikastaba ha ahaate arintaan ka soo cusbonaatay puntland gaar ahaan gobolka bari ayaa inta badan waxaa laga hadalhayaa dhamaan deeganada puntland siyaaba kala duwan ay u arkaan shacabku ,yaadoo lagu wado malinta beriya ay halkaa baaq ka soo rasaan odayasha deeganada haylaan iyo waliba galbeed bari. Nimca muuse Dhahar.com Degmada Dhahar Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 1, 2010 Faroole must learned a good lesson here ...... good job odayaasha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted August 1, 2010 Yeah, a good job by Odayaasha, one of the reason somalia is the way it is today, is lack of compromise, iyo in aan wax la xeerin, Dadka degen Galgala oo waxna galabsan , in Diyaarodo Maraykan sidi Tora Bora lagu soo hogaamiyo waxa ku fekeray , maaha wax aragti dheer leh. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 1, 2010 Yes, and they learned it will cost Bosaso which that Faroole has never thought would be the case. Quote Share this post Link to post Share on other sites