Sign in to follow this  
Liibaan

Prof. Cali Maxamed Geedi

Recommended Posts

Liibaan   

Shirjaraa'id Ra'iisul Wasaaraha Somalia: Waxaan u sheegayaa uguna baaqayaa Kooxaha maxakamadaha inay joojiyaan weerarada gardarada ah ee ay ku soo qaadayaan Deggaanada fariisinka u ah Dowladda

 

 

Prof. Cali Maxamed Geedi oo ah Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Fkmg ee Jamhuuriyada Soomaaliya wuxuuna sheegay: Waxaan u sheegayaa uguna baaqayaa Kooxaha maxakamadaha inay joojiyaan weerarada gardarada ah ee ay ku soo qaadayaan Deggaanada fariisinka u ah Dowladda, kuna soo laabtaan miiska Wadahadalka haddii ay joojin waayaana wixii cawaaqib xumi ah ee ka yimaada ay iyagu masuuliyadeeda dusha u ridan doonaan.

 

Ra'iisul wasaaraha oo shirkan jaraa'id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa iyadoo faahfaahsan u qornayd sidan:

 

Bismillaahi Raxmaan Raxiim

· DFKMG EE JAMHUURIYADA SOOOMAALIYA mudaddii ay jirtay wax colaad iyo weerar ah oo dalka ka dhacay majirin, waxayna ku shaqeynaysay nabadeeyn, dib u heshiisiin iyo in la samata bixiyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka ka daalay.

 

 

· Dowladdu waxay soo dhaweysay kacdoonkii shacbiga ee magaalada Muqdisho ee looga soo horjeeday qabqablayaashii dagaalka, waxayna gogol nabadeed u fidisay Midowga Maxkamadaha, iyadoo gogoshaasi nabadeed lagu kala saxiixday heshiis xabad joojin ah, hase yeeshee ay Maxkamaduhu jabiyeen ka dib markii ay ku duuleen gobo ka tirsan magaalada Muqdisho.

 

· Maxkamaduhu waxay mar labaad saxiixeen kulankii labaad ee Khartuum oo ku baaqayey in guud ahaan la joojiyo colaada iyo duulaanada lagu qabsanayo deegaano kale, hase yeeshee waxay ku duuleen oo qabsadeen magaalada Kismaayo iyagoo halkaasi ku gubay calankii Jamhuuriyadda Soomaaliya, Muwadiniin arrintaasi ka dhiidhiyeyna ay xabado ku fureen kuna laayeen qaar ka mid ah,kuwa kalana ay ku dhaawaceen.

 

· Maxkamaduhu waxay caburiyeen dadweynihii Muqdisho ee u hiiliyey iyagoo ganacsatada gaar ahaan gabdhihii Soomaaliyeed ee kacdoonka Shacbiga hormoodka ka ahaa u diiday inay ubadkooda ku nooleeyaan ganacsigooda oo aan maantay ognahay in Shacbiga Soomaaliyeed ay Boqolkiiba sideetan iyagu quudiyaan.

 

 

· Waxaad ogtihiin Maxkamaduhu inay caburiyeen dadweynaha ku dhaqan deegaanada ay qabsadeen iyagoo mamnuucay xoriyada hadalka, tan shirarka, Tusaale ahaan waxaan ogtihiin in dhalinyaro tiro badan oo Soomaaliyeed ay laayeen iyagoo ciyaarayo ama daawanayo Ciyaaro,

 

· Waxaad la socotaan in cunaqabatayn dhinacyo badan leh ay kusoo rogeen deegaano ka tirsan gobolada Bay, Bakool iyo Gedo taasoo ay ku burburiyeen isu socodkii iyo ganacsigii u kala socday Goboladaasi taasoo ay danyarta ka ganacsan jirtay ay ku waayeen shaqadoodii.

 

· Waxaad ogtihiin in Maxkamaduhu ay shuruud ku xireen wadahadalkii Khartuum III oo ay diideen in miiska dushiisa looga wadahadlo wixii khilaaf ah ee jira.

· Maxkamaduhu waxay marar kala duwan ku baaqeen Jihaad lagu qaado goobaha dowladu ay fadhido, iyadoo la dilay xubno ka tirsan labada gole sida Wasiirkii hore ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Marxuum Cabdalle Deeroow *****, iyadoo ay isku dayeen in is qarxin ay ku dilaan madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Qaraxii kale ee ka dhacay halka laga soo galo magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen dad maato ah oo aan waxba galabsan.

 

 

· Waxaad kaloo lasocotaan in iyagoo mar marsiinyo ka dhiganayo ciidamada Ethiopia ee tababbara ciidamada Dfkmg ee J.Soomaaliyeed ay ku baaqeen inay Todobo Cisho ka dib weerari doonaan, taasoo hadafka iyo ula jeedada ay ka leeyihiin ay tahay inay duulaan gardaro ah ay kusoo qaadaan fadhiyada dowlada ee gobolka Bay, si ay u qabsadaan

 

 

· Maxkamaduhu si ay uga hortagaan dadaalkii nabadeed ee uu waday wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha horumarinta Lous Michel oo ay kusoo beegeen booqashadiisii weerar aan geedna loogu soo gaban ay ksuoo qaadeen deegaano ka tirsan gobolka Bay.

 

· Anigoo ku hadlaya Magaca Dowladda Fkmg ee Jamhuuriyada Soomaaliya waxaan ka xumahay in ay dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan qaan gaar ahayn lagu soo qasbo ama lagu soo marin habaabiyo waxa ay ugu yeereen Jihaad.

 

· Ma garanayo meel ay diinta Islaamku ku sheegtay in qof Islaam ah uu ku jihaado qof kale oo Islaam ah oo aan waxba ka galabsan.

 

· Waxaan Tacsi u dirayaa dhamaan eheladii ay ka ka geeriyoodeen Ardayda iyo Dhalinyarada lasoo marin habaabiyey, Waxaan kaloo kuwa dhaawacmay aan EEBE uga baryayaa inuu bogsiiyo.

 

· Waxaanse ugu baaqayaa Waalidiinta caruurtooda la marin habaabinayo ee loogu baaqayo Jihaad been ah oo ay Naar ku mutaysanayaan oo ay ugu baaqayaan kuwo dano gaar ah leh oo doonayo inay dhiiga dhalinyarada Soomaaliyeed xukun ku gaaraan.

 

 

· Waxaan cadeynayaa in Maxkamaduhu ay dalka Soomaaliya Soo galiyeen danbiileyaal dalalkoodii kasoo baxsaday amo falal argagaxiso ka fuliyay kooda amo dalal kale kadibna ka soo baxsaday..

· Waxaan idiin caddeynayaa in Dagaaladii dhawaanta ku soo qaadeen Maxkamduhu Deggaanada IIdaalle iyo Deynuunaay ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Danbiilayaashaasi,iyadoo qaarna ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

 

· Ujeedada ay ragaasi danbiilayaasha ah ka leeyihiin ka qeybgalida dagaaladasi waxay tahay in ay Hooy aragagaxiso ka dhigtaan Dalkeena Soomaaliya.si ay duulaano Argagaxiso iyo kuwo isqarxin ugu qaadaan Soomaaliya iyo Gobalkaba, gaar ahaan Dalalka Deriska ah..

 

· Ka Dowlad ahaan waxaa dalka naga saran masuuliyad,waxaan guud ahaan Beesha Caalamka, gaar ahaan Dalalka IGAD,AU,Jaamacadda Carabta u sheegeynaa in aanay Indhaha ka qabsan Qatarta Amni iyo Xasilooni-darida ay u geysan karaan Amaanka Gobalka Kooxahaasi Argagaxisada ah

 

· Waxaan Hoosta ka xariiqayaa in Beesha Caalamka ay masuuliyad ka saran tahay u hiilinta Ummadda Soomaaliyeed ee ay aragaxisadu dooneyso inay xasilooni-dari iyo qalaanqal kaga abuuraan dalka iyo guud ahaan Gobalka.

 

· Waxaan u sheegayaa uguna baaqayaa Kooxaha maxakamadaha inay joojiyaan weerarada gardarada ah ee ay ku soo qaadayaan Deggaanada fariisinka u ah Dowladda, kuna soo laabtaan miiska Wadahadalka haddii ay joojin waayaana wixii cawaaqib xumi ah ee ka yimaada ay iyagu masuuliyadeeda dusha u ridan doonaan.

 

 

· Shacbiga Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay foodjignaadaan Qiyaanooyinka ay adeegsanayaan Kooxaha Maxkamada ah ee diinta gabaadka ka dhiganaaya ee qorshahoodu yahay inay dalkeena ka dhigaan Goob argagaxisada Hooy u naqato,waxaana weydiisanayaa inay Naf iyo maalba la garab istaagaan Dowladooda si loo samata bixiyo Shacbiga Soomaaliyeed ee u baahan Nabad, Nolol iyo D owlad soo celisa nidaamkii iyo kala danbeyntii.

 

Shirkan jaraa'id uu qabtay Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa hareer socday mid kale oo Midowga Maxaakiimta ay ku qabteen magaalada Muqdisho oo ay ku sheegayaan inay Caalamka ka codsanayaan in ay soo dhex galaan oo aysan indhaha ka qabsan dagaalada ka dhacaya hareeraha magaalada Baydhabo iyaga iyo dalka Ethiopia hadii aan wax laga qabana ay u yeeran doonaan Muslimiinta aan u dhalan dalka Soomaaliya si ay u kaalmo uga helaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this