Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Ugandan troop attack an act of terror.

Recommended Posts

MUQDISHO: Afhayeenka AMISOM oo sheegay in qaraxii saakay lala beegsaday ciidammadooda uu ahaa mid argagaxiso

Posted to the Web May 16, 16:35

 

Muqdisho (PP) – Afhayeenka Ciidammada AMISOM ee Muqdisho Captain Paddy Ankunda ayaa sheegay in Qaraxii lala beegsaday ciidammada Midowga Afrika uu ahaa mid aragagaxiso oo laga soo shaqeeyay.

 

 

Cap. Ankunda wuxuu carrabka ku adkeeyay in Qaraxaas uu ahaa mid meesha lagu beeray, balse aan ahayn mid meesha horay ugu jiray, waxaana uu carrabka ku dhuftay inay baadi-doon ugu jiraan inay soo qabtaan ciddii ka dambeysay.

 

 

"Waxaan si xeel-dheeri ah u baaraynaa ciddii ka dambeysay qaraxaas, innagoo baaritaankeenna u cuskan doonna, sida ay wax u dhaceen iyo meesha ay ka dhaceen" ayuu yiri Captain Paddy Ankunda oo sheegay in wax walba haku qaadatee ay soo qabanayaan kooxihii ka dambeeyay qaraxaas.

 

 

Qaraxaan ayuu sheegay Captain Ankunda inuu ahaa mid aysan filayn, balse argagaxiso ku noqotay, waxaana aan qiraynaa in weerarku uu ahaa mid ay ka dambeeyeen kuwo aan doonayn inay nabadda Muqdisho ay noqoto mid hirgasha.

 

 

Dhanka kale; Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) oo la hadlay saxaafadda qaarkeed ayaa sheegay mar uu ka hadlay sida ay dowladdu u aragto qaraxii maanta ayaa sheegay in falkaas uu ahaa mid Argagaxiso ayna ka dambeeyeen kooxo Al-Qaacida xiriir la leh.

 

 

Wuxuu sheegay in qaraxaas loo qabqabtay dad badan haatanna uu socdo baaritaan, wuxuuna sheegay in ciddii ay ku caddaato arrintaan lala beegsan doono sharciga.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

John Holmes "Waa dhacdo argagixisanimo ,Q/midoobayna waxaa ay muujinaysaa in ay si aad ah uga murgootay dilka lagula kacay ciidamada AMISOM"

 

Ku xigeenka xoghayaha guud ee Q/midoobay ugu qaabilsan isu duwidda howlaha bini'aadanimo ee adduunka John Holmes ayaa sheegay in uu si gaar ahaneed uga murgooday dhimashadii ugu badnayd ee mar qura soo gaarta ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee jooga Soomaaliya,kaddib markii shalay lala beegsday weerar argaixisanimo oo loo adeegsaday bam remute control laga hagayay oo wadada loo dhigay.

 

Ku xigeenka xoghayaha guud ee Q/midoobay ugu qaabilsan isu duwidda howlaha bini'aadanimo ee adduunka John Holmes ayaa sheegay in uu si gaar ahaneed uga murgooday dhimashadii ugu badnayd ee mar qura soo gaarta ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee jooga Soomaaliya,kaddib markii shalay lala beegsday weerar argaixisanimo oo loo adeegsaday bam remute control laga hagayay oo wadada loo dhigay.

Mr. Holmes waxaa uu hadalkan ka sheegay magaalada Kampala, ee xarunta wadanka Uganda ,halkaasoo uu kulamo kula qaatay saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Uganda ,deeq bixiye yaasha iyo wakiillada hey'adaha gargaarka u jooga dalkaasi,kaddib markii uu booqday xeryo dad qoxooti ahi ay ku jiraan.

"Waa dhacdo argagixisanimo ,Q/midoobayna waxaa ay muujinaysaa in ay si aad ah uga murgootay dilka lagula kacay ciidamada AMISOM" ayuu yiri sarkaalkan sare ee ka tirsan Qaramada Midoobay John Holmes

Mr. Holmes ayaa saacadaha inasoo aadan waxaa uu dib ugu laaban doonaa xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York,halkaasoo uu golaha amaanka 21-ka bishan ku siin doono warbixin ku saabsan xaaladihii uu kalasoo kulmay dalalka Soomaaliya iyo Uganda.

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:info@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

François Lonsény Fall "weerarkii argagixisanimo ee lala beegsaday Ciidamada AMISOM ee Muqdisho Jooga,waanu canbaareyneynaa waana ka xunahay in taasoo kale ay wax ma garadku ku kacaan"

 

Sarkaalka jamciyadda Qurumaha ka dhaxaysa ugu qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay weerarkii argagixisanimo ee shalay kooxaha argagixisada Soomaaliya ay ku dileen 4 ka mida ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya howlaha nabad ilaalineed u yimid.

 

Sarkaalka jamciyadda Qurumaha ka dhaxaysa ugu qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay weerarkii argagixisanimo ee shalay kooxaha argagixisada Soomaaliya ay ku dileen 4 ka mida ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya howlaha nabad ilaalineed u yimid.

 

Wakiilka UN ee Soomaaliya, François Lonsény Fall,waxaa uu si daran u dhaleeceeyay weerarkaa argagixisanimo,waxaana uu tacsi u diray dowladda iyo shacabka reer Uganda gaar ahaana eheladii ay askartaasi ka geeriyoodeen.

 

Mr. Fall Waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in ficil argagixisanimo oo noocan oo kale ahi uu dhoco ,xilli ay dalka iyo dibaddaba ka soconayaan dadaallo loogu jiro qabashada kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya oo lagu wado in bisha dambe uu dhoco.

 

"weerarkii argagixisanimo ee lala beegsaday Ciidamada AMISOM ee Muqdisho Jooga,waanu canbaareyneynaa waana ka xunahay in taasoo kale ay wax ma garadku ku kacaan"ayuu mar kale yiri Francios Fall oo weerarkani uu kusoo beegmay maalmo yar kaddib markii socdaal uu ku yimid magaalada Muqdisho oo kaddibna uu ugasii gudbay goballada Puntland ee Soomaaliya.

 

Dhinaca kale dadweyne farabadan oo ka mida Soomaalida nabadda jecel ayaa muujiyay sida ay uga xumaadeen dhacdadan wuxuushnimada ah,iyadoo isla shalayna dowladda federalka Soomaaliya ay arinkan ka hadashay tacsina u dirtay xukuumadda iyo shacabka Uganda.

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:info@carmooyin.com

 

Email Story Printable View

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this