Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Another Bililiqo

Recommended Posts

Bosaaso:- Waxa galabta casarkii laga maqalay Suuqa lagu sarifo lacaga qalaad Tacshiirad xoogan taasi oo ay fureen suuqaasi kooxo Budhcad ah oo doonayay inay dhacaan hantida taala Suuqaasi, Budhacadaasi oo wataday Baabuur yar ayaa hal mara isweer ka qabtay Suuqaasi iyaga oo qaaday Aduun lacag ah oo aad u fara badan, lama yaqaan ujeedka ka danbaysa falkaasi.

 

 

Ilaa 10- nin oo hubaysan ayaa galabta weerar buuxa ku soo qaaday Suuqa Lacagaha qalaad lagu sarifo ee magaalada Bosaaso kuwaaso oo dhamaanba Gacanta ku dhigay wixii halkaasi hanti taalay, ragan hubaysan ayaa ku labisnaan dharka Booliska Puntland kuwaasi ay sahal u noqty inay su fududu falkaasi ugu guulaystaan.

 

 

Aadan Doolarle oo ka mid ah Ganacsatada Suuqaasi ayaa LaasqorayNet u xaqiijiyay inuu falkaasi dhacay isla markaana isaga lagaq aaday lacag badan oo markaasi Goobta uu suuqaasi ka degan yahay taalay.

 

 

Ninkaasi ganacsadaha ahi waxay uu sheegay inay ragaasi budhacad ahi ay soo qaadeen weerar qorshaysan kaasi oo ahaa mid la doonayay in lagu maja xaabiyo ganacsatadaasi,waxa uu farta ku fiiqay inay ragaasi ahaayeen ku gashan Diraysak Booliska Maamulka Puntland.

 

 

"Maha Budhacad ka timi meel shishe,e waxa weeyaan Booliska Maamulka Puntland oo iyagu falkaasi soo maleegay waayo waxay siteen dharka Booliska oo waxay wateen gaadhi aan Sumad lahayn oo dadka waxay ugu sheekeeyeen inay yihiin Boolis oo ay Amaanka sugayaan"Saas waxa yiri Aadan Doolarle.

Markii falkaasi dhacay ayaa goobtii waxa soo gaadhay Boolis la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwa Magaalada Bosaaso iyaga oo markiiba isku gadaamay goobtaasi waxay bilaabeen inay xidhaan dhamaan wadooyinka goobtaasi soo gala iyaga oo markiiba bilaabay inay dadka waraystaan.

 

 

Taliyaha Booliska Puntland Cabdi Casiis Siciid Gacamay (bduugaaye) ayaa la hadlay warbaahinta isaga oo daboolka ka qaaday inay ku raadjoogaan ragii falkaasi fuliyay isla markaana dhawaan la soo bandhigi doono wax yaalaha ka soo baxa hawl galka ay wadaan ciidanku.

 

 

Gacamay waxa uu ka gaabsady Su"aal ahayd inay ragaasi ka tirsanaayeen Booliska Puntland isaga oo til maamay inay jiraan tuhun noocaas ah oo ay Booliska u soo gudbiyeen Ganacsatadaasi galabta la dhacay.

 

 

Dadka ayaa caawa arintaasi aad u hadal haya kuwaasi oo qaarkood sheegaya inay falkaasi ka danbeeyeen Booliska magaalada Bosaaso,dadku waxay sheegayaan inay Sariflayaashaasi dhawor goor maamulka Puntland u soo bandhigay qorshe ah inay hoos u dhigaan lacagta balse ay arinkaasi iska madax mareen oo ay diideen.

 

 

Arinkaasi galabta dhacay ayaa ku soo aadaya xili Sarifka lacagaha qalaad uu cirka isku shareeray isaga oo Boqlka Door lagu qabanayo Maanta magaalada Bosaaso 2700, Sh, So ah, iyada oo ay waliba maciishada kalena cirka iyana isku shareertay.

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Ayaanle Feyte

 

 

LaasqorayNet/Bosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this