Recovering-Romantics Posted July 15, 2009 Ururka Xisbul Islaam oo adkeeyay ammaanka la heystayaasha reer Faransa iyo ciidamada xarakada Al-Shabaab oo laga cabsi qabo inay halkaasi weerar ku qaadaan Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka soo xiganay ilo wareedyo ku dhow Xisbul Islaam ayaa sheegaya inuu soo ifbaxayo khilaaf u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, kaasi oo ku saabsan la heystayaasha u dhashay dalka Faransiiska ee laga afduubtay Hotelka Saxafi maalinimadii shalay. Khilaafkan ayaa soo ifbaxay kaddib markii shalay gelinkii dambe xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen halka lagu heysto labada sarkaal ee la afduubtay oo ka tirsan xaafadda African Village, hase yeeshee halkaasi wax shaqaaqo ah kama dhicin, bacdamaa ay goobta joogeen ciidamo kale oo ka tirsan ururka Xisbul Islaam. Isku dhaca kooxaha Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab ayaa yimid markii ururka Xisbul Islaam ay ku wareejiyeen afduubayaasha labada nin ee Faransiiska u dhashay, waxayna warar hoose sheegayaan in arrintaasi ay ku kaliftay kooxaha afduubayaasha ah hanjabaado kaga yimid dhinaca xarakada Al-Shabaab. Dhinaca kale ururka Xisbul Islaam ee la wareegay ammaanka saraakiisha ajnabiga ah ayaa u xaafad ku dhow xaruntii Xisbiga, iyadoona halkaasi ay ilaalo ka hayaan ciidamo iyo tikniko fara badan. Wararku waxay intaasi ku darayaan in dowladda KMG ah ay dhinaceeda ka waddo dadaalo lagu sii deynayo saraakiisha reer Faransa ee afduubka lagu heysto, waxaana aad u yar hamigii ay dowladdu ka qabtay inay ku sii deyso, bacdamaa kooxaha mucaaradka ahi ayba isku heystaan arrimaha labada sarkaal. By Xoghaye Muqdisho Somaliweyn Media Center “SMC” http://www.somaliwey n.org/pages/news/Jul y_09/15July27.html Quote Share this post Link to post Share on other sites