Sign in to follow this  
Recovering-Romantics

The Looming War

Recommended Posts

Ururka Xisbul Islaam oo adkeeyay ammaanka la heystayaasha reer Faransa iyo ciidamada xarakada Al-Shabaab oo laga cabsi qabo inay halkaasi weerar ku qaadaan

 

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka soo xiganay ilo wareedyo ku dhow Xisbul Islaam ayaa sheegaya inuu soo ifbaxayo khilaaf u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, kaasi oo ku saabsan la heystayaasha u dhashay dalka Faransiiska ee laga afduubtay Hotelka Saxafi maalinimadii shalay.

 

Khilaafkan ayaa soo ifbaxay kaddib markii shalay gelinkii dambe xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen halka lagu heysto labada sarkaal ee la afduubtay oo ka tirsan xaafadda African Village, hase yeeshee halkaasi wax shaqaaqo ah kama dhicin, bacdamaa ay goobta joogeen ciidamo kale oo ka tirsan ururka Xisbul Islaam.

 

Isku dhaca kooxaha Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab ayaa yimid markii ururka Xisbul Islaam ay ku wareejiyeen afduubayaasha labada nin ee Faransiiska u dhashay, waxayna warar hoose sheegayaan in arrintaasi ay ku kaliftay kooxaha afduubayaasha ah hanjabaado kaga yimid dhinaca xarakada Al-Shabaab.

 

Dhinaca kale ururka Xisbul Islaam ee la wareegay ammaanka saraakiisha ajnabiga ah ayaa u xaafad ku dhow xaruntii Xisbiga, iyadoona halkaasi ay ilaalo ka hayaan ciidamo iyo tikniko fara badan.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dowladda KMG ah ay dhinaceeda ka waddo dadaalo lagu sii deynayo saraakiisha reer Faransa ee afduubka lagu heysto, waxaana aad u yar hamigii ay dowladdu ka qabtay inay ku sii deyso, bacdamaa kooxaha mucaaradka ahi ayba isku heystaan arrimaha labada sarkaal.

By Xoghaye Muqdisho

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

 

http://www.somaliwey n.org/pages/news/Jul y_09/15July27.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this