Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Iraqi and Italian crimminals convicted in Somalia for robbery

Recommended Posts

Never mind controlling our fellow criminal country-men. Now we have to deal with foreign criminals who come to Somalia to committ patty crimes.

 

Bossaso.JPG

 

Dad ajnebi iyo Somali isugu jira oo lagu xukumay Boosaaso!

 

Boosaaso - 16.November.2005

 

Maxkamadda magaalada Boosaaso ayaa maanta xukun kala duwan ku riddey 12 eedaysane oo ay ku jireen labo nin oo u kala dhashay waddamada Talyaaniga iyo Ciraaq.

 

Stivano Cariano oo u dhashay waddanka Talyaaniga hoyadiisna ay Soomaali tahay laguna magacaabo Maryan Axmed da’diisana lagu sheegay 25 sano ayaa lagu soo eedeeyey in uu baarasho kula kacay dad Itoobiyaan ah oo ku sugan magaalada Boosaaso, waxana uu qirtay in uu dembigaas galay. Ninkaas Talyaaniga ah ayey maxkamaddu ku xukuntay saddex sano oo xarig ah.

 

Khaalid Maxamed Muuse oo isna u dhashay waddanka Ciraaq da’diisuna ay tahay 26 sano ayaa isna sidoo kale lagu eedeeyey in uu baarasho ku sameeyey Itoobiyaan qaxooti ku ah magaalada Boosaaso, waxanay maxkamadu ku xukuntay hal sano oo xarig ah.

 

Sayid Cali Shiikh Xuseen iyo C/khaddar Shiikh Cabdullaahi ayey maxkamaddu ku soo eedaysay iney baarasho iyo handadaad ay kula jireen dadka Itoobiyaanka ah, dembigaas oo ay iska fogeeyeen inkasta oo ay ku qireen ciidamada saldhigga Biyo Kulule, waxana lagu xukumay hal sano oo xarig ah midkiiba.

 

Cali Cabdi Maxamed oo kamid ah dadka maanta ay maxkamaddu xukuntay ayaa waxaa loo haystaa lacag dhan $364, ninkaas oo xabsiga lagu hayn doono ilaa iyo inta uu bixinayo lacagtaas.

 

Toddoba qof oo kale oo ay booliisku soo qabqabteen ayaa booliisku ku eedeeyeen in ay caan ku yihiin falalka burcadnimada ah ee ka dhaca magaalad Boosaaso kuwaas oo marar badan la keenay saldhigyada magaalada, waxana ay maxkamaddu ku xukuntay midkiiba hal sano oo xarig ah.

 

Toddobaadkan bilowgiisii ayey ahayd markii maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Boosaaso ay xukun kala duwan ku riddey 14 qof oo isugu jirey burcad iyo kuwa habeenkii dadka baarta.

 

Maxamed Cali Iimaan

SBC Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this