Sign in to follow this  
General Duke

Minister Macaane the TFG will defend itself.....

Recommended Posts

Wasiirka Dhulka iyo Deegaamaynta Mudane Mawliid Macaane Maxamed ayaa yiri â€Dowladu way iska difaaceysaa cid allaaha ciddii maamulkeeda faraha la soo gasha, shacabkana dowladda ayaa ka wakiil ah, Waana Dowladda Cida loo baahan yahay in ay ka shaqeysaa si

 

Posted by : webmaster on Sunday, July 17, 2005 - 04:02 AM

 

shalay iyagoo jooga Nairobu ayey Xamar yimaadeen, yaa u soo diray, wax baan qabaneynaa bey yiraahdeen 4 bilood ayey Xamar fadhiyeen wax ay qabteenna ma lahanâ€

 

Wasiirka dhulka iyo deegaameynta Mowliid Macaan Maxamuud oo ka mid ah xubnaha dowladda ee ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn in saxaafaddu ay laba garab ku kala magacowdo dowladda federaalka, wuxuuna xusay in xubnaha dowladda ee taageersan fikirka madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha ay yihiin kuwa sida saxda ah u gudanaya waajibaadka Qaranku ku leeyahay.

 

 

“Annaga waxaan muddo badan ka shaqeyneynay oo aan raadineynay sidii Qaranka Soomaaliya loo heli lahaa, haddana weli waan ku adkeysaneynaa in la helo Qaran Soomaaliyeed, nimankan hadda Xamar jooga ee tirada yar, intooda waxaa weeye raggii C/llaahi Yuusuf soo doortay, Cali Maxmed Geeddi-na ansixiyey, mar haddey sidaa yihiinna waxaa qalad ah in ay yiraahdaan hebal ma rabno†ayuu yiri Mowliid Macaan oo nasiib darro ku tilmaamay in in markii la soo dhisay dowladda federaalka ay xubnaha Xamar ku sugan ay ku hamiyaan waxyaabo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa raqiis oo aan ku fiicneyn dadnimada & Qaranimada.

 

 

â€Maanta ayey qaldan yihiin markiii hore waa sax-naayeen nin waliba hadaf buu lahaa oo ah sideed ku gaartaa dowladnimo inteed ka gashaa dowladda hadaf ah ayaa jiray, dowladda haddii la helay oo ay suurtowday haddana in meeshii laga soo kacay in loo laabto waa wax aan dhici karin waana wixii aan ku kala tagnay rag badan oo saaxiibadey ah†ayuu yiri Wasiirka dhulka iyo deegaameynta Mowliid Macaan Max’uud

 

’Golaha ammaanka baaqii ka soo baxay waxyaabo badan oo fursad noo ah ayaa ku jira, iyaga waxaa u muuqata in goluhu diiday in la qaado cuna-qabateynta, kuwa baaqa loo diray waa iyaga, waxaana loogu baaqay hogaamiyeyaasha in laga joojiyo hub in ay soo geliyaan gudaha dalka, golaha ammaanku waxey ictiraafeen dowladda KMG ah waxeyna ogolaadeen wax walba oo dhaqaale ah dowlada in lagu taageero, in IGAD iyo Midowga Afrika (Afrikaan Union) in ay soo habeyso ciidamadii badbaadin lahaa dowladda Soomaaliyeed oo nabadgelyada u soo celin lahaa ummadda Soomaaliyeed†ayuu yiri Mowliid Macaan

 

 

“Aniga waxaan joogaa gobolkii aan u dhashay oo aan ku dhashay, gobolkuna wuxuu leeyahay dad masuul ah oo nabadgelyada maanta na gaarsiisay in dowladda la keeno Jowhar, mana jirto cabsi aniga aan ka qabo xorriyad u hadalkeyga†ayuu yiri Mowliid Macaan

 

 

â€Dowladda waa iska difaaceysaa cid allaaha ciddii maamulkeeda faraha la soo gasha, shacabkana dowladda ayaa ka wakiil ah, waana dowladda in ay ka shaqeysaa sidii shacabku u heli lahaa nabadgelyo, dagaal sokeeye waan soo dhaafnay dib u heshiisiin waan soo dhaafnay, Qaran baa dhashay Soomaaliyeed, dowladduna waa in ay heshaa ciidan Soomaaliyeed jiritaanka rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ayeyna ku shaqeyneysaa dowladda, haddii ay hub la timaado ma ahan in dagaal sokeeye la abuurayo waxaa lagu badbaadinayaa shacabka†ayuu yiri Mowliid Macaan oo intaasi sii raaciyey.

 

 

“Soomaaliya haddii dagaal sokeeye uu ka dhaco waxaa u keeni doona kuwii shalay dagaal oogayaasha ahaa, anigu shalay qori ma haysan, weligey bastoolad kama dhawaajin, waxaan jecelahay in aan dadkeyga si dimuqoraadi ah wax ugu sheego, kolka shacabka badbaadin ayuu u baahan yahay, shalay iyagoo jooga Nairobu ayey Xamar yimaadeen, yaa u soo diray, wax baan qabaneynaa bey yiraahdeen 4 bilood ayey Xamar fadhiyeen wax ay qabteenna ma lahanâ€

 

Mowliid wuxuu ku eedeeyey xubnaha ka soo jeeda beelaha Jareer ee ku sugan Muqdisho in ay yihiin kuwa dhuuni-raaci ah, oo qaba fikir ah inta aysan waxba hagaagin, iyaguna ay sii joogaan

 

 

â€Nimankaas sidey meesha ku tageen waa la ogaa, waxeyna ahaayeen niman baarlamaanka daaqada ka soo galay, beesha Jareerweyne hogaan dhaqan iyo hogaan siyaasadeed ayey laheyd, aniga ayaana hogaanka siyaasada beesha madax u ahaa niman aan aniga xulay in ay Jareerweyne u metelaan baarlamaankana ma aheyn, waana niman calooshooda ku fac ah aqoonyahan Jareer ayaana ka badanâ€.

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this