Sign in to follow this  
Cowke

Wakiilka Puntland oo Madaxa Sare la Kulmay +Sawiro

Recommended Posts

Cowke   

London:-Wakiilka Puntland oo Madaxa Sare la Kulmay +Sawiro

 

June 29, 2010

 

Saraakiil ka socota xafiiska DG Puntland ee gobollada Yorkshire oo uu hor socdo wakiilka dawladda ee gobolladaasi ayaa si farxad leh loogu soo dhoweeyey xarunta maamulka magaalada Leeds halkaasi oo ay ka socotay xaflad ballaaran oo loogu dabaaldegayo ciidamada qalabka sida ee boqortooyada britain isla markaasina si gaar ah loogu xusayey askartii naftooda u huray dalkan Britain laga soo bilaabo dagaalkii koowaad ee aduunka.

 

Munaasabaddaasi oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan qoyska boqortooyada, Madax sare oo ka socota dawladda Britain, Daljirayaal, Siyaasiyiin aad looga yaqaan dalkan, Saraakiil ciidan, Marti sharaf kale iyo dadweyne aad u tira badan waxaa barxadda xarunta maamulka magaalada Leeds lagu soo bandhigay gaada ka ciyaar ciidamada qalabka sida, ciidamada cirka, badda iyo qalab aad u tiro badan oo casri ah oo milateri.

 

Wakiilka Puntland ee Yorkshire Mudane Raage oo u hambalyeeyey madaxdii ka soo qayb gashay munaasabadda, martisharfta iyo dadweynaha Britain hadal gaaban oo uu ka jeediyey xafladda wuxuu sidoo kale goobta ka cadeeyey sida ay lagama maarmaan u tahay xoojinta xiriirka iskaashi iyo is fahamka fiican ee shacabka reer Britain iyo bulshada reer Puntland

 

By Jama Feyte

La Xidhiidh Wakiilka

 

Madaxa Xafiiska Wakiilka DG Puntland

ee Yorkshire

Eng. Abdulqadir Yusuf Xirsi

puntlandstateyorkshire@yahoo.co.uk

 

raage1.jpg

 

34097_105512679500143_100001242350244_40

 

raage1.jpg

 

raage2_1.jpg

 

raage3.jpg

 

raage4.jpg

 

raage5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this