Sign in to follow this  
General Duke

Jamhuriya :Djibouti working on a a project to close down Berbera port.???

Recommended Posts

Dawladda Jabuuti oo Bilowday Qorshe Albaabada u Xidhaya Dekedda Berbera

 

Berbera (Jam)- Maamulka Dekedda Berbera ayaa hakiyey qorshe xoolaha dekedda ka dhoofa loogu duwayey dhinaca Dekedda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo dib loogu dajineyey.

 

Barnaamijkan oo ay hirgelintiisa wadaan dawladda Jabuuti iyo shirkad ganacsi oo ay wadaag ku yihiin ganacsato Carab iyo Soomaali ah, ayaa la sheegay in uu yahay mid albaabada u xidhaya hawlihii dhoofka ganacsiga xoolaha nool ee Dekedda Berbera, isla markaana uu mashruucani horseed u yahay siyaasadda dawladda Jabuuti ku doonayso in marin-baddeedka Dekedda Jabuuti uu noqdo ka keliya ee ay ka dhoofaan xoolaha nool ee mandaqadda Geeska Africa.

 

Dareennada ka dhashay shixnadihii u horreeyey ee ka dhoofay Berbera laguna rogay Jabuuti, waxa warbixintan nooga diyaariyey Weriyaha Jamhuuriya ee Gobolka Saaxil, Maxamed Ismaaciil Cumar (Biid).

 

“Toddobaadkii u dambeeyey waxa dekedda Berbera xoolo adhi ah ka qaaday laba markab oo midkood 35 kun oo neef qaaday (shan iyo soddon kun oo neef), ka labaadna uu qaaday siddeed kun, isla markaana sida warar rasmi ahi sheegayaan in xoolihii labadaa markab qaadeen lagu dajiyey dekedda Jabuuti.

 

Waxa kale warar xogagaal ahi sheegayaan in xoolaha dekedda Berbera laga rarayo ay iibsatay shirkada la sheegay in magaceeda la yidhaahdo Maandeeq oo Soomaali iyo rag Carab ah ka dhexaysa, isla markaana ganacsatada Somaliland ee iyagu xoolaha iibsada ay calaa neef ka siisteen 41 dollar.

 

Wararku waxa ay intaa ku dareen in ay qadaraaska ay sidato shirkadda Maandeeq ee xoolaha iibsanaysa uu yahay mid ay iska leeyihiin ganacsato Soomaali ah iyo weliba rag maalqabeenno Carab ah.

 

Qaar ka tirsan ganacsatada xoolaha nool ee Somaliland ayaa sheegay inay shirkadani u sheegtay ganacsatada Somaliland iyo maamulka dekeddaba inay xoolaha si toos ah u geynayaan Jeddah [berbera –Jeddah], balse ay arritani fashilantay, kadib markii labadii markab ay si toos ah uga dagiyeen dekedda Jabuuti xoolo tiradoodu dhan tahay 43,000 neef.

 

Waxa kale sida ay xogo rasmi ahi sheegeen jirtay in qorshahan xoolaha dekedda Berbera ka dhoofa lagaga dejinayo dekedda Jabuuti uu yahay shirqool aan qarsoodi ahayn oo ay soo maleegeen dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, kuna doonayaan in dhoofka xoolaha Afrikada Bari ee dekedda Berbera ka dhoofi jiray u wareejiyaan dekedda Jabuuti, isla markaana dekeddaha kale ee gobolka ku yaala sida Boosaaso, Etariya, Koonfurta Soomaaliya iyo dekedda Berberaba u isticmaalaan meelo ay xooluhu u soo maraan dekedda Jabuuti.

 

Xubno ka tirsan ganacsatada xoolaha nool ee Somaliland ayaa sheegay in shirkadda xoolaha iibsanaysaa ay been u sheegtay ganacsatadii ay xoolaha ka iibsatay kagana iibsatay calaa neef 41 dolar, balse ay ganacsato ahaan u oggaadeen in shirkaddani qandaraas ku soo qaadatay calaa neef 105 dolar xoolaha ay doonayaana yihiin 120.000 (boqol iyo labaatan kun) oo neef.

 

Waxa xusid mudan tallaabada waddaniyadeed ee maamulka dekedda Berbera ku tallaabsaday, kadib markii arrintan shirqoolka ahi fashilantay, isla markaana markabkii 8 kun ee neef ku soo rogay dekedda Jabuuti dib ugu soo noqday dekedda Berbera, isaga oo doonaaya in uu xoolo kale ka qaado dekedda Berbera, sSida warar xogogaal ahi sheegeen in maamulka dekedda Berbera diiday in markabkani xoolo danbe ka qaado Berbera.

 

Waxa kale warar xogogaal ah oo aanu ka helnay Jabuuti intaa ku darayaan in xoolaha dekedda Berbera laga qaaday lagu dejiyey xeryo karintiimo oo duleedka Jabuuti ku yaal, isla markaana lagu hawlan yahay in la tallaalo, balse ay ganacsatada xoolaha nool ee Somaliland ka cabsi qabaan in isku-deygaa shirqoolka ah ee fashilmay dadka hawshan wataa, iyaga oo Somaliland ka aargoosanaya ay xoolaha Jabuuti ku xaraysan ku tallaali karaan bagteeriyo, kadibna Somaliland ku sheegaan in ay xoolahoodu bukaan.

 

Si kastaba ha aahaatee, iyada oo aanay jirin warar cad oo ilaa iyo hadda ka soo baxay dhinaca Somaliland, ayaa haddana ay ganacsatada Somaliland 100% soo dhowaynayaan amarka maamulka dekedda Berbera ku eryey markabkaas oo doonayey in uu xoolo kale ka qaado dekedda si uu dekedda Jabuuti ugu rogo. Waxa kale oo ganacsatada Somaliland ku adkaysanayaan in uu nin waliba xoolahiisa u iibgeyo waddamadii uu markii hore xidhiidhka ula lahaa sida Yemen iyo Dubai. “26 sano oo aan ganacsiga xoolaha ku gudo jiray waxaan oggaaday in neefka xoolaha ah ee Kenya ka yimaaddaa haddii aanu dekedda Berbera ka dhoofin aanu suuq fiican halayn insa bixinayn haddii uu deked kale ka dhoofo.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ganacsada reer Somaliland.

 

Xoolaha Jabuuti loo leexiyey waa kuwii markii hore loogu talogalay in loo dhoofiyo dalalka Yemen iyo Imaaraadka Carabta oo jilmad lagu qaatay. Dhibaatadan weyn ee ganacsatada Somaliland ka cabsi qabo in haddii sidaa kaga leexdaan ay waayi doonaan lacagihii faraha badnaa ee ay ganacsatada Somaliland kaga maqnaa Yemen iyo Imaaraadka oo ay hore xoolaha ugu diri jireen.”

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this